Dhegeyso: Laacibad ka tirsanayd xulkii qaranka Soomaaliya haddeerna tababaraysa jiilka cusub

Qoraalka Codka,

Markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991, waxaa dalka isaga qaxay qaar badan oo ka mid ah bahdii ciyaaraha, taasina waxay ragaadisey horumarka ciyaraaha ka oo aan illaa hadda ka soo kaban dib u dhicii gaaray iyo maskaxdii iyo xirfaddii ay la tageen cayaartoydii hore.

Sidaas oo ay tahayna, waxaa indhawaalaba socdey dadaallo ay hormuud ka yihiin qaar ka tirsan ciyaartoydii hore oo dalka ku soo guryo noqday si ay khibradooda ugu faa'ideeyaan dhallinta dalka.

Dadkaasna waxaa ka mid ah Sucaad Galow oo horay uga tirsaneyd kooxdii Kubbadda Kolayga Horseed iyo xulka qaranka Soomaaliya. Waxay u warrantay Liibaan Cabdi warsame.