Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee maanta

Tebin toos ah

  1. Faahfaahin kale oo ku saabsan Tyler Robinson tuhmanaha loo qabtay dilka Charlie Kirk

    Magaca Tyler Robinson ayaa si ballaaran Baraha Bulshada loogu wadaagay kahor intii aan si rasmi ah loo shaacin maanta – kooxda BBC Verify ayaana baaraysay akoonnada baraha bulshada ee lagu xiriirin karo.

    Waxaan helnay akoon Facebook ah oo u muuqday mid ay leedahay qofka aan u maleynay hooyadiis – waxay wadaagaan magac-qoys, waxay ku noolyihiin isla deegaankii, waxayna soo dhigtay sawirro badan oo qof aad ugu eg Tyler Robinson.

    Markii dambe, waxaan ogaanay in qaar ka mid ah sawirradaasi ay bixiyeen 99.5% ama ka badan is-waafajin marka la mariyo barnaamij aqoonsiga wajiyada ah, iyadoo la barbar dhigayay sawirka xabsiga looga qaaday Tyler Robinson ee ay saraakiishu sii daayeen.

    Mid ka mid ah sawirrada ku jira akoontiga Facebook-ga ayaa muujinaya isaga oo haysta shahaado ka socota Dugsiga Dhexe ee Pine View oo ku yaalla magaalada St. George ee koonfurta Utah. Mid kale ayaa laga qaaday Jaamacadda Gobolka Utah oo ku taalla magaalada Logan ee woqooyiga Utah. Mas’uuliyiinta ayaa markii dambe xaqiijiyay inuu wax ka bartay labada gooboodba.

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Sawirka laga qaaday jaamacadda ayaa muujinaya Tyler Robinson oo haysta dukumenti isagoo taagan agagaarka calaamad ku taalla bannaanka mid ka mid ah dhismayaasha kuliyada Injineernimada sannadkii 2021 – taasoo soo jeedinaysa in laga yaabo inuu wax ka baran jiray waaxdaas.

    .

    Xigashada Sawirka, Facebook

    Muuqaal kale oo la soo dhigay barta Facebook-ga, ayaa la arkayay isaga oo warqad ka akhrinaya, isagoo leh: "Hambalyo waxaa laguu doortay inaad hesho deeqda waxbarasho ee madaxweynaha ee Jaamacadda Utah. Qiimaha deeqdani waa qiyaastii $ 32,000. deeqdan waxbarasho waxay diyaar u tahay afar sano ama siddeed semester." Jaamacaddu waxay xaqiijisay inuu hal simistar uu tagay sanadkii 2021, balse ma aysan xaqiijin waxa uu bartay iyo sababta uu goor hore uga baxay mar ay BBC Verify weydiisay.

  2. Magaca tuhmane loo qabtay dilka Charlie Kirk, oo la shaaciyey

    .

    Xigashada Sawirka, HANDOUT

    Tuhmanaha oo lagu magacabay Tyler Robinson, oo da’adiisana lagu sheegay 22 sano jir ka soo jeeda gobolka Utah ayaa la xiray isagoo loo qabtay dilka Charlie Kirk, oo la toogtay xilli uu dad kula hadlay jaamacada Utah Valley.

    Saraakiishu waxay cadeeyeey inuusan arday ka ahayn jaamacada Utah Valley University, basle waxay kaloo xaqiijiyeen inuu mar wax ka bartay sanadkii 2021-kii.

    Waxay intaa ku dareen in xubin ka mida qoyskiisa uu cadeeeyey in Robinson uu noqday sanadihii dambe mid siyaasadda ku fooganaa mar sii horreysayna uu qarabaadiisa u sheegay inuusan jeclay Krik.

    Sawirka tuhmanaha ayaa la sii daayey waxaana hadda uu ku jiraa gacanta dowladda.

    Sanadkii 2021-kii ayuu sidoo kale la sheegay inuu isu diiwan geliyey coday.

    Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

    Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

  3. Dowladda federaalka oo warka soo saartay weerarkii Ceel-dheer

    Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo sartay weerarkii saaka ay Al-Shabaab ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.

    Waxay sheegtay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hor tageen weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen magaaladaas.

    “Ciidanku waxay jab culus gaarsiiyeen cadawga, iyagoo dilay in ka badan 30 xubnood oo Khawaarij ah. Sidoo kale, gacanta ayaa lagu soo dhigay maxaabiis ay ku jiraan horjoogayaal caan ku ahaa dhibaateynta shacabka”, ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goor dhow ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalka.

    Iyadoo laga hadlayay khasaarahana waxay yiraahdeen:

    “Intii lagu guda jiray dagaalka, 6 askari oo ka tirsan geesiyaasha CXDS ayaa shahiiday, halka 14 kale ay dhaawacyo fudud soo gaareen iyagoo difaacaya shacabka iyo qaranka”.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa hadda ku howlan howlgallo lagu baacsanayo firxadkii Khawaarijta, si loo ciribtiro haraadiga ku dhuumaaleysanaya nawaaxiga degmada Ceel-Dheer, ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka.

    Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

    .
    Qoraalka sawirka, .
  4. Wararkii ugu dambeeyay ee weerarkii Al-Shabaab ay saaka ku qaaday Ceel-dheer

    Sida aan horey idinkugu soo gudbinnay, kooxda Al-Shabaab ayaa saaka weerar culus ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

    Waxay weerareen saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanku ka fadhiyaan hareerraha magaalada.

    Al-Shabaab waxay bogagooda internet-ka goor hore ku faafiyeen inay saaka duulaan ku qaadeen degmada isla mrkaana ay ciidamadooda halkaas ka dagaalamayaan.

    Waxaa kale oo ay sheegeen inay la wareegeen degmada Ceel-dheer isla markaana ay halkaas ku dileen askar, balse ma jirto cid si madax banaan u xaqiijisay warka Al-Shabaab.

    Hadaba si aan wararkan u xaqiijinno, waxaan telefoonka kula xirriirnay guddoomiyaha degmada Ceel-dheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar, kaas oo beeniyay sheegashada Al-Shabaab ee ah inay la wareegeen magaalada isla markaana ay khasaare geysteen.

    Guddoomiyuhu wuxuu sheegay inay weli dagaal kula jiraan Al-Shabaab si ay gebi ahaanba uga saaraan magaalada.

    Dhanka kale, war qoraal ah oo ka soo baxay dowladda, ayaa lagu yiri sidan:

    “magaalada Ceeldheer, waxaa maanta Khawaarijta loogu dhigay cashar lama illoobaan ah, iyadoo meydadka Khawaarijta ay Ciidanka Xoogga Dalka ku laayeen dagaalka ay daadsan yihiin daafaha magaalada”.

    Qoraalkan ayaa lagu daabacay bogga telefishanka qaranka.

    Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in Al-Shabaab jab xooggan lagu gaarsiiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

    Ceeldheer waxay kamid ahayd magaalooyinkii dib looga saaray Al-shabaab, ka dib gulufkii ballaarnaa ee saddex sano ka hor lagu qaaday Al-Shabaab deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

    Ciidamada dowladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa Ceeldheer qabsaday bishii Diisembar sanadkii 2023-ki markaas oo magaalooyin badan al-shabaab laga saaray.

    Faahfaahin dheeraada lagama hayo khasaaraha uu dhaliyay dagaalkaasi, maadaama uu weli dagaalku socdo.

    Wixii war ah oo ka soo kordha halkan ayaad kala socon doontaan.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaan:

  5. Golhayihii Manchester United oo ku biiray koox kale

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Goolhayahii kooxda Manchester United Andre Onana, ayaa heshiis amah ah ugu biiray kooxda Trabzonspor ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2025-2026.

    Heshiiskan ayaa dhacay ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee Turkiga maalinta Jimcaha, waxaana uu imaanayaa ka dib markii xiddiga reer Cameroon uusan ciyaarin seddexdii kulan ee ugu horeysay ee Premier League ee United.

    "Waxaan Andre u rajeeyneynaa nasiib wacan," ayuu tiri United markii ay ku dhawaaqeen heshiiska, kaasoo ku xiran ogolaanshaha iyo diiwaangelinta caalamiga ah.

    Kulanka kaliya ee Onana u saftay kooxda Ruben Amorim xilli ciyaareedkan ayaa ahaa markii ay si lama filaan ah uga hareen Carabao Cup-ka, iyaga oo guuldarro kala kulmay kooxda heerka labaad ee Grimsby.

    29 jirkaan ayaa laga soo iibsaday Inter Milan heshiis gaarayay £47.2m bishii Luulyo 2023-ki, waxaana keenay tababarihii hore ee Old Trafford, Erik ten Hag si uu ugu badalo David de Gea goolhayaha koowaad ee United.

    Waxuu saftay 102 kulan kooxda, waxuuna qeyb ka ahaa kooxda oo ku guuleystay FA Cup-ka 2024.

    Laakiin intii uu joogay United, waxaa uu galay qaladaad badan, waxaana goolhayaha reer Belgium Senne Lammens, oo 23 jir ah, laga soo iibsaday Royal Antwerp maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga, heshiis qiimihiisu yahay 21 milyan oo euro (£18.1m)

    Amorim ayaa kooxdiisu marti u ah Manchester City, kulan katirsan Premier League-da oo dhici doona Axadda.

  6. Waddamadee ahaayeen kuwii uga digay Xamaas inuu ku soo socdo weerar ay Israa'iil ku beegsanayso xaruntooda Dooxa

    .

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Xubnaha Turkiga iyo Masar u qaabilsan wadahadalada Xamaas ayaa uga digay hoggaanka garabka siyaasadeed ee ururka in ay adkeeyaan ammaanka meelaha ay ku qabsanayaan kulamadooda toddobaadyo ka hor inta aysan Israa'iil ku weerarin Dooxa, sidaasina waxaa sheegay wargeyska The Wall Street Journal. Wargeyska ayaa sidoo kale wareysiyo ka qaaday saraakiil ka tirsan Israa'iil, Mareykanka, Qatar iyo dalal kale oo Carbeed.

    Sida warbixinta lagu sheegay waxaa weerarka ka qeybgalay toban diyaaradood oo u adeegsaday guriga ku yaal Qatar gantaalada meelaha fog wax ka duqeeya. Guriga la duqeeyay waxaa ku sugnaa hoggaamiyayaasha garabka siyaasadeed ee Xamaas kuwaas oo ka doodayay soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta Gaza.

    Diyaaradaha waxay gantaalada ka soo rideen meel ka baxsan hawada Qatar. Sidoo kale diyaaradaha kuma xadgudbin hawada Sacuudiga ama tan Imaaraatka Cabta sida lagu sheegay warbixinta.

    Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in Israa'iil ay ku wargelisay weerarka daqiiqado ka hor inta aysan qadin, mana u sheegin halka ay doonayeen in ay weeraraan.

    Masar ayaa labadii toddobaad ee la soo dhaafay uga digeysay madaxda Xamaas khatarta ammaan ee ku imaan karta hoggaamiyayaashooda ku sugan dibadda gaar ahaan Lubnaan iyo Turkiga. In si cad loogu khaarjiyo Qatar madaxda Xamaas waxay noqotay mid aad loola yaabay.

  7. Alshabaab oo weerar culus ku qaaday degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud

    .

    Xigashada Sawirka, AP

    Qoraalka sawirka, .

    Warrarka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya, in saaka uu halkaas ka dhacay dagaal aad u culus kaddib markii dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay weerareen saldhigyada ciidamada dawladda iyo kuwa deegaanku ka fadhiyaan hareerraha magaalada.

    Salaadda subax ka dib ayaa la sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo aad u hubeysan ay weerareen degmada Celldheer ee gobolka Galgaduud, weerarkaas oo dhowr jiho ka bilowday.

    Guddomiyaha degmada Ceeldheer, Cabdiraxmaan Axmed Cumar ayaa BBC-da u xaqiijiyay inuu jiro duulaankaas, isla markaana ay dagaal adag ku jiraan.

    Waxaa uu sheegay in dagaalku ka socday dhinaca waqooyi ee magaalada isla markaana ay iska caabiyeen weerarka ay soo qaadeen Al-Shabaab.

    Waxaa kale uu sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay jilibka u dhigeen gulufka milatari ee ay Shabaab saaka ku qadeen magaaladaas.

    Dadka deegaanka waxay soo sheegeen inay maqleen qarax weyn markii dambena ay dhaceen rasaas.

    Al-Shabaab waxay bogagooda internet-ka ku faafiyeen inay saaka duulaan ku qaadeen degmada isla mrkaana ay ciidamadooda halkaas ka dagaalamayaan.

    Ma jiro ilaa hadda warar madax banaan oo si faahfaahsan uga hadlaya dagaalka ka socda Ceeldheer ee Galgaduud.

    Ceeldheer waxay kamid ahayd magaalooyinkii dib looga saaray Al-shabaab, ka dib gulufkii ballaarnaa ee saddex sano ka hor lagu qaaday Al-Shabaab deegaanno ka tirsan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

    Ciidamada dowladda iyo kuwa qabaa’ilka ayaa Ceeldheer qabsaday bishii Diisembar sanadkii 2023-ki markaas oo magaalooyin badan al-shabaab laga saaray.

    Faahfaahin dheeraada lagama hayo khasaaraha uu dhaliyay dagaalkaasi, maadaama uu weli dagaalku socdo.

  8. Golaha Amaanka ee QM oo cambaareeyay weerarkii ay Israa'iil ku qaadday Qadar

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, .

    Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay duqayntii cirka ee Talaadadii lagu qaaday caasimadda Qadar ee Doha, inkastoo aanay magacaabin Israa'iil inay ka dambaysay weerarkaas.

    Dhammaan shan iyo tobanka xubnood, oo u uku jiro Maraykanka, ayaa isku raacay bayaanka, kaasoo xoojinayay xasilinta xaaladda iyo ixtiraamka madaxbannaanida Qadar.

    Washington ayaa caadi ahaan ka ilaalisaa Israa'iil tallaabooyinka ka dhanka ah ee Golaha Amniga, laakiin Madaxweyne Trump ayaa markan ka carooday weerarkii Israa'iil ee Talaadadii ka geysteen Doha, kaas oo lagu beegsaday saraakiil sare oo Xamaas ah oo halkaas deggan.

    Aas qaran ayaa loo sameeyay dadkii ku dhintay weerarka, inkastoo Xamaas ay sheegtay in hoggaamiyayaashooda sare ay ka badbaadeen.

    Waxaad sidoo kale akhrisan kartaa;

  9. Charlie Kirk: Saaxiibkii Trump ee la dilay maxuu horey uga yiri Soomaalida iyo Ilhaan Cumar

    ..

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Qoraalka sawirka, .

    Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

    Ururkiisa waxuu ku lahaa cutubyo in ka badan 850 koleej oo Maraykanka ah ardayda fekradaha dhaqameed la dhacsan ayaana u arkaayay Kirk inuu ahaa geesi.

    Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

    Abaare 12kii duhurnimo, ayaa rasaas qori laga soo riday qoorta kaga dhacday. Goobjoogayaal, ay ku jiraan wariyeyaal Deseret News ka tirsan, ayaa ku warramay in Kirk uu madaxa dib ula booday kadibna dhulka ku dhacay iyadoo qaylo iyo argagax ay meesha is qabsadeen.

    Dhiig ayaa laga arki karaa muuqaalo laga duubay, balse aynaan idin tusi karin inay dad dhibsanayaan aawadeed.

    Booliska Utah waxay sheegeen in rasaastu ka timid qoriga hal-dhaca ah ee xooggan oo uu soo riday qof saarnaa saqafka Losee Center oo u jirta meesha uu Charlie fadhiyay 200 mitir. Ninkii weerarka geystay oo dhar madow xirnaa ayaa baxsaday, waxaana socda howlgal weyn oo lagu baadi goobayo kaasoo FBI iyo booliska maxalliga ah ku lug leeyihiin.