Charlie Kirk: Saaxiibkii Trump ee la dilay maxuu ka dhahay Soomaalida iyo Ilhaan Cumar

Charlie Kirk, aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee Turning Point USA, oo ka hadlay shir dadweyne oo Juun 6, 2024 ka dhacaayay magaalada Phoenix, gobolka Arizona.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Charlie Kirk, aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee Turning Point USA, oo ka hadlay shir dadweyne oo Juun 6, 2024 ka dhacaayay magaalada Phoenix, gobolka Arizona.

Charlie Kirk, wuxuu ahaa 31 jir, ahna aasaasaha urur siyaasadeed la dhaho Barta Isbeddelka Mareykanka oo ah urur aan faa'iido doon ahayn oo faafiyaya afkaar dhaqameedka iyo waxbarashada kolejyada Maraykanka. Wuxuuna saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Trump.

Ururkiisa waxuu ku lahaa cutubyo in ka badan 850 koleej oo Maraykanka ah ardayda fekradaha dhaqameed la dhacsan ayaana u arkaayay Kirk inuu ahaa geesi.

Markii toogashadiisu dhacaysay waxuu ka hadlayay bandhig dadweyne oo ay kasoo qeyb galeen dad gaaraya 3,000 oo qof kuwaas oo ku sugnaa bannaanka jaamacadda Utah.

Abaare 12kii duhurnimo, ayaa rasaas qori laga soo riday qoorta kaga dhacday. Goobjoogayaal, ay ku jiraan wariyeyaal Deseret News ka tirsan, ayaa ku warramay in Kirk uu madaxa dib ula booday kadibna dhulka ku dhacay iyadoo qaylo iyo argagax ay meesha is qabsadeen.

Dhiig ayaa laga arki karaa muuqaalo laga duubay, balse aynaan idin tusi karin inay dad dhibsanayaan aawadeed.

Booliska Utah waxay sheegeen in rasaastu ka timid qoriga hal-dhaca ah ee xooggan oo uu soo riday qof saarnaa saqafka Losee Center oo u jirta meesha uu Charlie fadhiyay 200 yard. Ninkii weerarka geystay oo dhar madow xirnaa ayaa baxsaday, waxaana socda howlgal weyn oo lagu baadi goobayo kaasoo FBI iyo booliska maxalliga ah ku lug leeyihiin.

Laba qof ayaa la qabtay balse dib ayaa loo sii daayay kadib markii aan lagu helin wax xidhiidh ah oo ay arrintaas la lahaayeen. CCTV ayaa la baadhayaa, dadweynahana waxaa lagu booriyay inay xogta ay hayaan u gudbiyaan FBI-da.

Kirk wuxuu Bar Isbeddaleedka Mareykanka ku aasaasay 18 jir isagoo ku baahinayay jaamacadaha fikradaha asal-raaca, wuxuuna door weyn ku lahaa abaabulka dhallinyarada ee taageeradii Trump ee guushii 2024. Waxa uu caan ku ahaa doodihiisa ahaa "bal bedel aragtidayda" ee ku saabsana hubka, hadalka xorta ah iyo cadaaladda doorashooyinka.

Waxaa lagu ammaani jiray waddaninimo, balse sidoo kale waxaa lagu dhaliili jiray inuu kala qeybiye ahaa. Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay geeridiisa, isagoo ku tilmaamay "halyeey" islamarkaana amray in calanka dalka oo dhan hoos loo dhigo ilaa Axadda.

Kirk ayaa la sheegay in uu ka jawaabayay su'aal ku saabsan mowduuca toogashooyinka iyo arrimaha dadka jinsigooda beddela markii rasaastu ku dhacaysay.

Falcelinno ayaa ka yimid dhinacyo kala duwan: Trump ayaa ku eedeeyay "rabshada bidixda xagjirka ah" khudbad uu ka jeediyay Aqalka Cad, halka madaxweynayaashii hore Biden iyo Obama ay ku tilmaameen "naxariis darro" oo aanan door ku lahayn Mareykanka.

Weerarrada siyaasadeed ee Mareykanka ayaa sanadkan labanlaabmay iyagoo gaadhay 150 dhacdo, oo ay ku jiraan isku daygii lagu dil ee lagu sameeyay Trump iyo dilkii siyaasiyiin dimuqraadi ah oo ay kamid ahayd Melissa Hortman oo laga soo doorto Minnesota.

Maxuu horey uga yidhi Ilhan Omar iyo Soomaalida?

Ilhaan oo meel fagaare ah dad kula hadlaysa

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ilhaan oo meel fagaare ah dad kula hadlaysa
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Kirk waxuu ahaa mid aad u dhaleeceeya xildhibaanad Ilhan Cumar iyo ku jiritaankeeda siyaasadda waxuuna kamid ahaa dadka aadka ugusoo horjeeda dadka soo galootiga ah si guudba.

Bartiisa X ayaa qoraalo badan kaga hadlay dhacdooyinka ku saabsan Ilhan iyo guud ahaanba dhaqdhaqaaqeeda siyaasadeed ee Maraykankaba.

Qoraalkiisii ugu danbeeyay ee ku daabacay barta X waxuu kaga hadlay Ilhan Cumar iyo si guudba Soomaalida waxuu u dhignaa sida tan.

"Ilhaan Cumar si cad ayay u qirataa in ay u dagaallamayso danaha Soomaaliya, ee aysan u adeegayn Maraykanka, waddan ay ku eedaysay in ay ka buuxdo cunsuriyad dadka cad ah." Ayuu bartiisa ku qoray 5tii isla bishaan September.

"Khiyaano ballaaran oo heer goboleed ah ayaa ka timaada Soomaalida." Ayuu sii raaciyay isaga oo ka jawaabaya barnaamij dikumiintari ah oo laga looga hadlaayay sida magaalad Minneapolis ku noqotay "Caasimadda Soomaalida ee Maraykanka"

Isla barnaamijkaas ku saabsan "Caasimadda Soomaalida ee Maraykanka" isaga oo kahadlaayay Soomaalida lagu warraystay waxuu bartiisa X ku qoray qoraal su'aal oo sidatan u dhignaa.

"Haddii dadkan lagu sheegay "qaxootiga" ay si nabad ah ugu noqon karaan dalkii ay kasoo "carareen" oo ay dib ugu soo laaban karaan iyaga oo aan cabsi qabin maxay weli halkan (Maraykanka) ugu sugan yihiin?"

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu qoraal kale oo uu kaga hadlaayay Ilhan kusoo daabacay bartiisa X isaga oo u dhigay sidatan.

"Waxaan odhan lahaa Ilhan Omar waxay leedahay laba (wajiilayn) daacadnimo, balse maxay tahay daacadnimada kale ee ay leedahay marka laga reebo tan ay u hayso Soomaaliya?"

Sidoo kale sanadkii 2019, ayuu Kirk sheegay in Ilhaan tahay mid aan abaal u ahayn Maraykanka isagoo xusay in ay tahay qof kasoo qaxay Soomaalida dagaalku burburiyay.

"Sidee ayey qof: Kasoo cararay Soomaaliya oo dagaallo halakeeyeen,

Dhalasho ka helay Maraykanka, Xildhibaan ka noqday Baarlamaanka Maraykanka u noqon karaa mid aan u mahadnaqayn dalka uu ku noolyahay?" ayuu bartiisa ku daabacay.

"Taasi waa si sax ah waxa ay Ilhaan samaynayso. Waa ay neceb tahay dalkaas iyada wax walba siiyay." Ayuu raaciyay.

Ilhaan Cumar oo ka hadashay dilkiisa ayaa ayaa sheegtay in rabshadaha siyaasadeed ay yahiin kuwo aan la aqbali karin.

"Rabshadaha siyaasadeed gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo aan la difaaci karin. Falalka bilaa caqliga ah lama oggolaan karo in ay ka dhacaan dalkeenna."