Sidee bay banaanbaxyada Gen Z u ruxeen Nepal

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
- Author, Phanindra Dahal
- Role, BBC Nepali, Kathmandu,
- Author, Emily Atkinson
- Author, Iftikhar Khan
Ra'iisul wasaaraha dalka Nepal KP Sharma Oli ayaa xilka iska casilay ka dib markii ay shacabka dalkaasi ka caroodeen dilka 22-ka qof ee lagu dilay iska horimaadyada booliska ay la galeen dibadbaxayaal ka soo horjeeda musuqmaasuqa.
Xafiiskiisa ayaa sheegay in uu u tanaasulay si uu ugu gogol xaaro sidii xal dastuuri ah loogu heli lahaa dibadbaxyada ballaaran ee ay hormuudka ka yihiin dhallinyarada ee ka dhashay eedeymo musuqmaasuq oo baahsan oo salka ku haya xayiraad dhanka baraha bulshada ah, kuwaasoo markii dambe laga noqday.
Mudaaharaadyadu waxay isu beddeleen rabshado iyadoo kumannaan qof oo qaar badan oo ka mid ah ay isku tilmaameen inay yihiin Gen Z oo wata boodhadh iyo boorar - ay isugu soo baxeen waddooyinka Kathmandu Isniintii.
Ku dhawaad 200 oo qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhaawacmeen iska horimaadyo dhexmaray iyaga iyo booliska, kuwaasoo adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, biyo iyo rasaas nool, iyadoo dibadbaxayaashu ay fuuleen darbiyada baarlamaanka iyo dhismayaal kale oo kuwa dawladda ah.
Mudaaharaadyada ayaa sii socday Talaadadii, iyadoo dibadbaxayaashu ay dab qabadsiiyeen dhismaha baarlamaanka, xarunta xisbiga Congress-ka Nepal iyo guriga ra'iisul wasaarihii hore ee Sher Bahadur Deuba. Waxaa sidoo kale la burburiyay guryo ay degenaayeen siyaasiyiin kale.
Haddaba qormadan waxaan ku faahfaahinaynaa waxa aan ka ognahay mudaharaadyada.
Waa maxay xayiraadda baraha bulshada?
Baraha bulshada ayaa qayb weyn ka ah nolosha Nepal. Runtii waddanku wuxuu leeyahay mid ka mid ah heerka ugu sarreeya ee isticmaalka koofur Aasiya marka qofqof loo eego.
Mudaaharaadyadan ayaa ka dhashay go'aankii ay dowladdu todobaadkii hore ku mamnuucday 26 goobood oo baraha bulshada ah oo ay ku jiraan WhatsApp, Instagram iyo Facebook, ka dib markii ay ku guul-darreysteen inay buuxiyaan waqtiga kama dambaysta ah ee ay iska diiwaan gelinayaan wasaaradda isgaarsiinta iyo teknoolojiyadda ee Nepal.
Dadka dhaleeceeya ayaa dowladda ku eedeeyay in ay doonayso in ay ku caburiso olole ka dhan ah musuq maasuqa oo la mamnuucay, kaas oo la laalay habeenkii Isniinta.
In kasta oo mamnuuciddani ay horseed u ahayd qalalaasaha hadda jira, dibad-baxayaashu waxay sidoo kale ku gudbinayaan qaneecad darro qoto dheer oo ay ku qabaan maamulada dalka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maxaa ka dhacaya Nepal?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Mudaaharaadyadii dhacay ayaa rabshado isu rogay Kathmandu iyo qaar ka mid ah magaalooyinka kale ee Nepal, iyadoo 19 mudaaharaadayaal ah ay ku dhinteen isku dhacyo dhex maray ayaga booliska Isniintii.
Wasiirka isgaarsiinta ee Nepal Prithvi Subba ayaa BBC-da u sheegtay galinkii dambe ee maalintaas in boolisku ay ku qasbanaadeen in ay adeegsadaan awood, taasoo isugu jira biyo, buradh iyo rasaas caag ah.
Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ayaa ku guuleystay inay jebiyaan xayndaabka dhismaha baarlamaanka ee Kathmandu, taasoo keentay in booliiska ay bandow kusoo rogaan xarumaha muhiimka ah ee dowladda, ayna adkeeyeen ammaanka.
Talaadadii, mudaaharaadayaashu waxay sidoo kale dab qabadsiiyeen baarlamaanka caasimadda Kathmandu, iyaga oo qiiq madow uu cirka isku shareeray. Xarumaha dowladda iyo guryaha madaxda siyaasadda ayaa lagu weeraray daafaha dalka.
Ugu yaraan saddex qof ayaa la sheegay in la dilay Talaadadii, taasoo tirada guud ee dhimashada ka dhigaysa ugu yaraan 22 qof tan iyo markii ay rabshaduhu billowdeen.
Qaar badan oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay shilkaasi ayaa loo qaaday isbitaallada deegaanka halkaas oo ay isugu soo baxeen dadweyne fara badan. Laanata afka Nepali ee BBC oo la hadashay dhakhaatiir ayaa sheegtay inay daweeyeen dhaawacyadii rasaasta iyo dhaawacyada ka soo gaaray rasaasta cinjirka ah.
Booliska ayaa sheegay in dhowr askari ay sidoo kale ku dhaawacmeen, iyadoo la filayo in tirada khasaaraha ay kororto.
Fiidnimadii Talaadada, taliyaha ciidamada Nepal, General Ashok Raj Sigdel, ayaa soo saaray bayaan uu ku eedeeyay mudaaharaadayaasha inay ka faa'iidaysanayaan dhibaatooyinka hadda jira iyagoo biliqaysanaya oo dab qabadsiinaya hantida guud iyo midda gaarka ah.
Haddii qalalaasuhu sii socdo, bayaanku wuxuu yiri, "dhammaan hay'adaha amniga, oo ay ku jiraan ciidamada Nepal, waxaa ka go'an inay la wareegaan xaaladda".
Isla mar ahaantaana, Gen General Ashok Raj Sigdel ayaa ku casuumay mudaaharaadayaasha in ay wada hadal la galaan si xal loogu helo qalalaasihii ugu xumaa ee Nepal soo mara tobanaan sano. Si kastaba ha ahaatee, ma cadda cidda hoggaaminaysa dalka xilligan.
Hadalka ka soo baxay ciidanka ayaan si cad u sheegin tallaabada ay qaadi karaan, iyo haddii ay awood u adeegsan doonaan in ay ku xakameeyaan dibadbaxayaasha. Laakin waxa ay durbadiiba wadooyinka u soo baxeen si ay u xakameeyaan kuwa "isku dayaya in ay ka faa'ideystaan xaalada cakiran ee dalka ka jirta oo ku hawlan dhac, gubid iyo burburin".
Sidoo kale ma cadda cidda matali doonta mudaharaadayaasha haddii ay wadahadal la galaan ciidanka. Mudaaharaadyadan ayaan ahayn kuwo ay hogaaminayaan koox ama qof, waxaana ay ku bilowdeen jawaab celin qaylo dhaan ah oo ka soo yeertay baraha bulshada.
Hal qof oo siyaasi ah oo si cad u taageeray mudaaharaadka waa Duqa magaalada Kathmandu, Balen Shah. Waxa uu codsiyo ku saabsan xakamaynta ka samaynayey barihiisa bulshada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Yaa mudaaharaadaya?
Mudaaharaadyadan oo lagu soo bandhigay baraha bulshada ayna horkacayeen dad dhallinyaro ah ayaa ka duwanaa sidii hore loogu arki jiray Nepal.
Bannaan-baxayaashu waxay isku tilmaamaan inay yihiin Gen Z, ereygana wuxuu noqday calaamad isu soo bax inta dhaqdhaqaaqu socdo oo dhan.
In kasta oo aanay jirin meel hogaan dhexe, tiro ururo dhallinyaro ah ayaa u soo baxay inay dadka isku soo uruuriyaan, oo soo saaray talaabooyinka la qaadayo, iyo wadaagidda wararka cusub ee internetka.
Ardayda wax ka barata kulliyadaha iyo jaamacadaha magaalooyinka waaweyn ee Nepal - Kathmandu, Pokhara iyo Itahari - ayaa lagu martiqaaday inay ku biiraan labiska, buugaagta gacanta, halka fiidiyowyada ku wareegaya baraha bulshada ay muujinayaan xitaa ardayda iskuullada oo ka qaybqaadanaya socodka.
Maxay dalbanayaan dadka mudaaharaadaya?
Labadii dalab ee ugu waaweynaa ee ay ka dalbadeen ayaa ahaa kuwo cad oo kala ah: in dowladdu ay xayiraadda ka qaado baraha bulshada, taasoo hadda dhacday, iyo in saraakiishu joojiyaan wax ay ku tilmaameen "hawlaha musuqmaasuqa".
Dibad-baxayaasha oo intooda badan ahaa arday jaamacadeed, ayaa xannibaadda baraha bulshada la xiriiriyay inay hoos u dhigtay xorriyadda hadalka, iyo eedeymo baahsan oo musuqmaasuq oo ka dhex jira siyaasiyiinta.
"Waxaan dooneynaa inaan aragno in la soo afjaro musuqmaasuqa ka jira Nepal" Binu KC oo ah 19 jir wax ka barata kulliyadda, ayaa u sheegtay BBC Nepali. "Hogaamiyeyaasha hal shay ayey ballan qaadeen xilligii doorashada, laakiin waligood ma keenin, iyaga ayaa sabab u ah dhibaatooyinka badan." Waxay intaas ku dartay in xayiraadda baraha bulshada ay carqaladeysay waxbarashadeeda, taasoo xaddidday gelitaanka fasallada internetka iyo agabka waxbarasho.
Subhana Budhathoki oo ah dadka ku shaqaysta baraha bulshada ayaa ku nuuxnuuxsaday niyad-jabka: "Gen Z hadda ma joogsan doonaan. Mudaaharaadku wuxuu ku saabsan yahay wax ka badan baraha warbaahinta - waxa uu ku saabsan yahay aamusinta codadkeena, mana ogolaan doono inay taasi dhacdo".

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Maxaa xigi kara?
Inkastoo ra'iisul wasaaruhu uu xilka ka degey, haddana ma cadda cidda bedeli doonta iyo waxa xigi doona, iyadoo ay u muuqato inaysan jirin cid mas'uuliyadda haysa.
Madaxda qaar oo ay ku jiraan wasiirro ayaa la sheegay inay gabaad ka dhigteen ciidamada ammaanka.
Dibad-baxayaashu waxay ilaa hadda si weyn uga soo horjeesteen bandow aan xadidnayn oo lagu soo rogay Kathmandu iyo meelo ka baxsan.
Dibad-baxayaashu waxay ku baaqayaan isla xisaabtan iyo dib u habeyn lagu sameeyo maamulka. Si kastaba ha ahaatee, haddii dawladdu ay ku guuldareysato inay si macno leh wax uga qabato, falanqeeyayaasha ayaa ka digaya in rabshaduhu ay sii kordhi karaan, gaar ahaan marka ardayda iyo kooxaha bulshada rayidka ah ay ku biiraan.










