Mucammar Qadaafi: 10 sano ka dib way ka shalaayeen dadka reer Liibiya

Qadaafi iyo ilaaladiisa gaarka ahaa

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Qadaafi iyo ilaaladiisa gaarka ahaa

Toban sano ka dib dilkii hoggaamiyihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, wiilkiisa Sayf al-Islam ayaa soo muuqday toddobaadkii hore, wuxuuna sheegay inuu doonayo inuu ku laabto dalkiisa si uu ugu tartamo jagada madaxweynenimo ee qarankiisa.

Tallaabada uu qaaday Sayf al-Islam ayaa dalkiisa ka dhalisay dood ku saabsan in dadka reer Liibiya ay ka qoomameynayaan wixii ku dhacay hoggaamiyahii xukumayay in ka badan 40 sano.

Wali lama oga saamaynta ay yeelan doonto soo noqoshada Sayful Islaam ee Liibiya, iyo doonistiisa ah in uu awoodda ku soo laabt 10 sano ka dib markii aabihii iyo qaar ka mid ah walaalihiis lagu dilay kacdoon dadwane oo markii dambe isu badalay mid hubeysan.

Laakiin si loo fahmo dareenka ku jira quluubta dad badan oo reer Liibiya ah oo ku saabsan xaaladda dalka, waxaa muhiim ah in si kooban dib loogu milicsado taariikhda Qadaafi, khaladaadkii uu galay iyo guulihii uu gaaray.

Sannadihiisii ugu horreeyay ka dib markii uu xukunka ku qabsaday afgembi aan dhiig ku daadan 1969 -kii, Qaddafi wuxuu ahaa qofkii ay u baahan naayeen dadka Liibiya.

Seyful-Islaam Qadaafi

Xigashada Sawirka, KARIM JAAFAR / AFP VIA GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka, Seyful-Islaam Qadaafi

Xilligaas wuxuu ballan qaaday inuu u adeegi doono dadka saboolka ah iyo in uu ka hortagi doono in hantida dawaynaha si xun loo adeegsado.

Dhowr maalmood ayuu watay gaarigiisii, isagoo sheegay in wasiirradu aysan u baahnayn darawalo iyo waardiyayaal.

Wuxuu ka mid ahaa dadka sida wayn u taageersanaa Madaxweynihii Masar Jamal Cabdinaasir (xitaa wuxuu qaatay isla darajadii militari, isaga oo ahaa markii hore kabtan isuna dallacsiiyay kornayl, afgambigii ka dib),.

Qadaafi wuxuu markii hore bilaabay inuu wax ka qabto cadaalad darada dhanka dhaqaalaha ee ay ka tageen xukunadii gumeysiga.

Jamaal Cabdinaasir, waxa uu aad u daneynayay Kanaalka Suways, halka Qadaafi, uu aad u doonayay shidaalka.

Keyd shidaal oo waaweyn ayaa laga helay Liibiya dabayaaqadii 1950-meeyadii, laakiin soo saarista waxaa gacanta ku hayey shirkado shidaal oo shisheeye ah, kuwaas oo u dejiyay qiimeyaal ay ka faa'iideystaan macaamiishooda gudaha, waxayna ka faa'iideysteen kala bar dakhligii dalkaas.

Qadaafi wuxuu rabay in dib looga wada xaajoodo heshiisyada, wuxuuna ku hanjabay inuu xiri doono wax soo saarka haddii shirkadaha shidaalka ay diidaan amarradii dowladdiisa.

Maalgelinta kooxaha fallaagada iyo dilka dadka dhaliila

Isaga oo aan ka niyad-jabin caqabad kasta oo maamul oo ka hor timid, Qadaafi wuxuu awood u yeeshay inuu bilaabo ololihiisa ka dhanka ah boqortooyooyinka adduunka oo dhan, maalgelinta iyo taageeridda kooxaha xagjirka ah iyo dhaqdhaqaaqyada mucaaradka, meel kasta oo uu ka helayay.

Sidoo kale wuxuu bartilmaameedsaday tahriibayaasha Liibiya, oo dhowr ka mid ah ay dileen ciidamada shabakadda sirdoonka Liibiya.

Haddii dawladaha ay diyaar u yihiin in ay iska indho-tiraan xadgudubyada xuquuqda aadanaha ee Qaddaafi uu Liibiya ka geystay iyo cadaadinta mucaaridka dibadda, waxay noqon lahayd arrin ka duwan markii ay timaado taageeradii kooxaha argagaxisada ee ku sugnaa goobaha ay ku xogganaayeen.

Waxyaabaha Qadaafi lagu xasuusto waxaa ka mid ah Qaraxii ka dhacay goob lagu caweeyo oo ay isticmaali jireen ciidamada Mareykanka ee Berlin sannadkii 1986-dii, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen sirdoonka dalka Liibiya.

Madaxweynahii Mareykanka ee xilligaasi, Ronald Reagan, ayaa amray in la duqeeyo magaalooyiinka Triboli iyo Benghazi si loogu aargudo labada askari iyo hal qof oo rayid ah oo la dilay iyo toboneeyo kale oo ku dhawaacmay weerarkii Berlin, inkastoo aysan jirin caddeyn muujineysay arrintaas oo dhaafsiisan "wadahadalada" sirdoonka ee ah in Liibiya ay amartay weerarka.

Aargoosiga Mareykanka waxaa loogu talagalay in lagu dilo "eyga waalan ee Bariga Dhexe". Waxaa sidaa yiri madaxweynihii Mareykanka Reagan, oo ereygaas ugu yeeri jiray Qaddaafi.

Laakiin in kastoo ay jirtay burbur baaxad leh iyo tiro aan la garanayn oo ku dhimatay Liibiya - oo ay ku jirtay, sida la sheegay, gabadhii Qaddaafi - hadana waxaa ka badbaaday hoggaamiyihii Liibiya.

Diyaaraddii sannadkii 1988-kii ku dhacday magaalada Lockerbie ee Scotland, waxay ahayd dhacdo kale oo weyn, waxaana ku dhintay 270 qof, waana falkii ugu cuslaa ee argagixiso ee abid ka dhacay Britain.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Sidee ayay ku timid dilkii Qadaafi?

Markii kacdoonkii loogu magacdaray "Guggii Carabta" uu ka bilaabmay dunidda Carabta, uuna ka soo bilaabmay dalka Tuniisiya, waddanka Liibiya lama fileyn in kacdoonkaas uu gaari doono.

Qaddaafi waxaa markaas loo arkayay kaligii talis ay dadka rayidka ah u dulqaadanayeen sanado badan.

Laakiin Qadaafi laguma tirinayn in uu yahay nin taageero u ah reer galbeed, sida hoggaamiyeyaasha kale ee Carabta, oo lagu eedeeyey inay danaha shisheeyaha ka hormariyaan danaha dadkooda.

Waxaa uu si siman u qaybiyey kheyraadka dalka - in kasta oo hantida qoyskiisa ee ka soo gashay dakhligii shidaalka iyo qandaraasyada kale ay adkayd in la iska indho tiro.

Xidhiidhkii uu Qadaafi la lahaa waddamada shisheeye ayaa xumaaday oo cunaqabatayntii ayaa bilawday in dadla Liibiya ay ku habsadaan dhibaatooyiin, gaar ahaan markii laga mamnuucay in ay shidaalkooda iibiyaan 1982-kii.

Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale kordhisay cunaqabateynta ka dib markii lagu eedeeyay in Liibiya ay taageerto weerarrada iyo falalka argagixisada.

Wuxuu ka dib bilaabay inuu qaato qaab kaligii talisnimo ah, iyadoo dadka ay bilaabeen inay kacaan oo ay mucaaradaan, xaaladda ayaa cirka isku sii shareertay markii dibadbaxyo looga soo horjeeday xukunkiisa ay bilaabmeen, sannadkii 2011-kii.

Mudaaharaadyada ayaa isu rogay dagaal sokeeye iyadoo Qaddaafi uu wacad ku maray in uusan marnaba ka carari doonin dalkiisa.

Ka dibm waxaa Liibiya lagu billaabay weerarro ay hoggaaminayeen dalalka gaashaanbuurta NATO oo beegsaday kolonyo uu Qadaafi la socday, ka dib-na waxaa Mucaamir Qadaafi gacanta ku dhigay kooxihii mucaaradka ee dagaalka kula jiray dowladiisa.

Wakhtigaas, kuwa badan oo ka mid ahaa taageerayaashiisa way ka tageen oo waxay ku biireen kooxaha mucaaradka ee hubaysan, waxayna sii wadeen ololihii ay xilka uga tuuri lahaayeen.

Mid ka mid ah kooxahaas ayaa lagu eedeyay in ay dileen Qadaafi, maalintii ay duqeynta cirka ee NATO lala beegsaday kolonyadii uu la socday xilli uu baxsad ahaa.

Waxay u ahayd mid murugo leh halkii uu ku dambeeyay Qadaafi, oo dalkiisa xukumayay 42 sano.