Weriye ka hawlgala Faransiiska oo la weeraray

Goobta uu weerarka ka dhacay

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Goobta uu weerarka ka dhacay

Saxafi sawir qaade Faransiis ah ayaa kooma galay kadib markii laweeraray dhamaadkii isbuuci aynu soo dhaafnay asagoo tabinaya rabshadaha dhalinyarada.

Christian Lantenois, oo 65 jir ah, ayaa lagu weeraray goob gawaarida la dhigto oo ku taal magaalada woqooyi bari ee Reims xilli uu u shaqeynayay wargeyska L'Union.

Waxaa la helay isagoo dhagaha dhiig ka daadinaya kadib markii weerarkii lagu qaaday uu dhawaac aad u daran kasoo gaaray madaxa.

Nin 21 sano jir ah ayaa lagu soo oogay dacwad la xiriirta isku day dil iyadoo nin labaad oo lagu tuhmayo in weerarka gacan ka geystayna la aqoonsaday.

Eedeysanaha dacwada lagu soo oogay ayaa lagu eedeeyay inuu sawir qaadaha feedhay ka dibna uu u adeegsaday in uu ku garaaco kamarada sawir qaadaha.

Dacwad oogaha wuxuu sheegay in Mr Lantenois la bartilmaameedsaday "maxaa yeelay wuxuu ahaa saxafi" wuxuuna isku dayay inuu sawirro ka qaado shaqsiyaadkii rabshadaha hurinayay saas awgeed na markay arkeen isagoo sawiro ka qaadaya ay weerar u geysteen

Sawirro goobta laga soo qaaday ayaa muujinayay dhiig badan dhulka yaala oo ah halkii uu ku sugnaa sawir qaadaha.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Weerarka saxafiga ayaa dalka faransiiska u horseeday inay ka dhalatay cambaareyn ballaaran iyadoo siyaasiyiin waaweyn ay ka mid yihiin kuwa taageera u muujiyay Mr Lantenois.

"In la bartilmaameedsado suxufiga amaba loo hanjabo waa wax aan loo dulqaadanenin ," waxaa sidaasi ku qoray bartiisa Twitter-ka Gerard Larcher, oo ah madaxa aqalka Senat-ka Faransiiska.

Dacwad oogeyaasha ayaa gelinkii dambee ee malinkii Arbacada, sheegay in Mr Lantenois uu ku jiro xaalad halis ah.