Ma ogtahay in burcadka laga sameeyo caanaha dameeraha uu Yurub qaali ka yahay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dalka Serbia, ayaa kiiladii burcad laga sameeyey caano dameer waxay ka joogtaa 1,200 oo Yuuro, taasoo u dhiganta celceliska mushaarka bishii uu qof qaato.
Burcadkan ayaa lagu gadaa meel loogu talagalay in lagu ilaaliyo waxyaabaha dabiiciga ah oo 80 KM galbeed ka xigta magaalada casimadda ee Belgrade.
"Waxaad u baahan tahay 25 litir oo caano dameer ah si aad u samayso hal kilo oo ah burcad, waxayna dameerka ku qaadanaysaa sannad iyo bar in caano laga liso" sidaa waxaa BBC u sheegay Vuk Simic oo madax ka ah seeraha Zasavicha.
Inkastoo burcadka dameerka uu yahay mid aad qaali u ah, ayaa misna waxaa ka sii qaalisan burcadka buluugga ah ee loo yaqaanno burcadka qajaarka Spain iyo Cabrales.
Laba kiilo iyo bar oo ah burcadka qajaarka ayaa la siistay 36,000 oo Yuuro, taasoo uu ku galay buugga Guinness book of world records.
Caanaha dameeraha ayaa loo arkaa faakihaysi qaali ah oo ay gadan karaan oo kaliya dadka hodanka ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Cayaartoyga reer Serbia ee Tenniska caanka ku ah Novak Djokovic ayaa ka mid ah dadka caanahaas jecel. Waxaa la sheegay inuu sanandka oo dhan isticmaalo.
Sida laga soo xigtay madaxii hore ee seeraha Slobodan, Djokovic wuxuu nus kiiladii siistaa 480 Yuuro.
Zasavicha waa seere dabiici ah oo 36 km oo isku wareeg ah, wuxuuna hoy u yahay noocyada dhifka ah ee dhirta iyo xayawaanka, fardaha duurjoogta ah iyo boqolaal nooc oo shimbiro ah.
Si kastaba ha ahaatee, xayawaanka ugu caansan ee ku nool waa dameeraha. Ilaa 300 oo dameer ayaa halkaas ku xaraysan, goobtan ayaana ah goobta ugu weyn ee dameeraha lagu dhaqo oo ku taal koonfurta bari ee Yurub.
Dameeraha dhashay ee aan cagahooda ku istaagi karin waxay ku tiirsan yihiin hooyadood. Waxay hooyadood ka raadiyaan diirimaad iyo nafaqo, iyadoo la arkayo dameero kale oo jiifa.
In kasta oo dameeruhu ay caan ku yihiin madax-adayg, haddana dabiici ahaan waa kuwo naxariis badan.
"Dameer kastaa wuxuu leeyahay aqoonsi u gaar ah," ayay tiri Nicola Nilic, maamulaha beerta dameerka.
"Qaar iyaga ka mid ah waa kuwo aad u ciyaara, qaarna waa la ilaaliyaa. Laakiin dhammaantood waxay jecel yihiin wax yar oo ad-adayg ah, laakiin aad uma badna" ayey tiri.
Taranka Dameeraha

Kaliya dhawr ka mid ah ilaa 300 oo dameer ayaa lab ah. "Waxay ku nool yihiin wax u eg guri dumar," ayuu ku kaftamay.
Dameeraha dheddigga ah waxay diyaar u yihiin inay la orgoodaan ragga sagaal maalmood ka dib marka ay dhashaan. Tani waxay ka caawisaa inay caano yeelan karaan.
Si kastaba ha ahaatee, dameeruhu waxay caanaha siin karaan oo kaliya haddii ay leeyihiin weylo. Laakinse, xaddiga caanaha ee dameeraha laga heli karo aad bay u yar yihiin.
"Dameerku wuxuu soo saaraa kaliya 300 ml oo caano ah maalintii. Taasi waxay u dhigantaa koob biyo ah" ayuu yiri Simichi..
In ka badan kala badh ayaa dameeruhu cabbaan. Sidaa darteed, xaddiga caanaha dameeraha ee la heli karo maalintii aad bay u yar yihiin.

Xigashada Sawirka, X
Sirta ka dambaysa burcadka caanaha dameerka
Maxaa ka dhigaya caanaha dameeraha kuwo caanaha kale ka duwan?
Mar wax laga waydiiyay sirta ku jirta caanaha dameeraha, Nicola Neil waxa ay tidhi, "Taas kuu sheegi maayo".
Fikradda samaynta caanaha dameeraha waxaa markii ugu horreysay soo bandhigay sanado badan ka hor Vuk Simichi aabihiis, Mr. Slobodan Simichi.
Caanaha dameeruhu waxay la mid yihiin caanaha dadka oo si fudud ayuu jirku u nuugi karaa. Markaa way fududahay in caanahan laga sameeyo burcad.
Dhowr goor oo ay ku guul darraysteen ka dib ayaa injineerrada seeraha Zasavica waxaa u surto gashay inay markii dambe ku guulaystaan.
"Dhadhanka burcadka waa mid gaar ah" ayuu yiri Simich. "Waxaan dhihi karaa oo kaliya in dhadhanku yahay mid fiican oo qaali ah" ayuu sii raaciyey.
Dhaqashada dameeraha ee Soomaalida
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Soomaalidu aad ayey u dhaqdaan dameeraha, laakinse qaabka ay uga manaafacaadsadaan ayaa aad uga duwan qaabka aan iminka ka sheekeynay.
Inta badan waxaa loo isticmaalaa in la rarto ama biyo lagu dhaamiyo. Taa beddelkeeda, waayadan waxaa soo baxay in kiniin la siiyo dameerka.
Cabdullaahi (Ma ahan magaciisa rasmiga ah) wuxuu isku diyaarinayay shaqadiisa maalin laha ah, isagoo daroogeynayay dameerka, si uu saacado badan u shaqeeyo.
Subax walba inta uusan shaqada aadin, wuxuu siiyaa dameerka xanuun baabi'iye awood badan oo loo yaqaanno Tramadol. Dhawr xabo oo kaniinkaa ah ayuu ugu daray galleey uu siinayay, ka dibna dameerka ayaa billaabay in uu isku raamsado raashinka iyo daroogada.
Sababta uu dameerka u siiyo kaniinka, waa in uu waqti badan ku shaqaysto, culays badan ku qaado, waddooyinka bacaadka ahna si fudud ku maro.
Dib haddaan ugu noqonno Serbia, caanaha dameeraha weli ganacsi weyn ma gelin, dibadna looma dhoofiyo. "25 – 30 kiilo oo burcad ah ayaan sannadkii soo saarnaa, taa ayaana ka dhigaysa badeecad dhif ah" ayuu yiri Simich.













