Jawaabta Soomaaliya ka bixisay hogaamiyaha Yemen ka soo baxsaday ee sii dhex maray ka hor intuusan u dhoofin Abu Dhabi

Xigashada Sawirka, X
Qoraal af ingiriis ku qoran oo goor dhaweyd ka soo baxay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan tahay "isticmaalka aan la fasixin ee hawada iyo garoomada Soomaaliya ayadoo dhaqdhaqaaq loo fududaynayo shaQsi baxsad ah oo siyaasi ah".
Hay'adda waxay sheegtay in, ayadoo la shaqaynaysa hay'adaha kale ee dalka ay bilaabeen baaritaan degdeg ah oo la xiriira sax ahaanshaha warbixinadaas si ay u go'aamiyaan in lagu xadgudbay shuruucda Soomaaliya, habraacyada, iyo xeerarka.
"Haddii la xaqiijiyo wuxuu falkaasi noqonayaa xadgudub ba'an oo loo gaystay madax banaanida iyo xeerarka socdaalka ee Soomaaliya. In loo fududeeyo qof baxsad ah, ama laga sameeyo dhul Soomaaliyeed hawlgallo dhinac kaliya ah, ayadoo aan loo haysan fasax sharci ah waa mid aan la aqbali karin" ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxay dawladda Soomaaliya intaa ku dartay inay taageerayso baaqa uu Sacuudigu ku baaqay in wadahadallo la isugu yimaado Riyaad, "isku dayga uu Caydaruus Al Zubaydi kaga dhuumanayana" uu yahay mid ka hor imaanaya dadaalkaas diblomaasiyadeed.
Waa kuma Caydaruus Al Zubaydi
Caydaruus Al Zubaydi waxa uu ku dhashay 23 July 1967 tuulada Zubayd, oo ah tuulo ku taal buuralayda Gobolka Dhale ee Koonfurta Yemen. Reerkiisu waa qabiilka Zubayd-Ximyar. Zubayd, waxa uu qaatay waxbarashada hoose iyo sare ka hor inta aanu ku biirin milatariga Koonfurta Yemen.
Waxa uu u wareegay Cadan isagoo wax ku bartay akadeemiyadda ciidanka cirka, wuxuuna halkaa ka qalin jabiyay 1988-kii oo uu ka qaatay darajada Sarreeye Guuto. Waxa uu sarkaal ka soo noqday Ciidanka Difaaca Cirka laga soo bilaabo markaas ilaa dabayaaqadii 1989.
Kadib midowgii Yemen 1990kii, waxa loo beddelay xarunta dhexe ee amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha isagoo noqday madaxa shaqaalaha guutada ilaalinta diblomaasiyadda ee caasimadda Sanca, ka hor inta uusan markii dambe ka mid noqon ciidamada gaarka ah.
Intii uu socday dagaalkii sokeeye ee Yemen 1994-tii, Zobaydi waxa uu la saftay Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Yemen ee ka go'day, waxaanu ka barbar dagaalamayey xoogagga gooni-u-goosadka ah ee ka soo horjeeday reer woqooyiga. Markii laga adkaaday reer koonfureedka, wuxuu u qaxay Jabuuti bishii Luulyo 1994-kii. Waxa uu Yemen ku soo laabtay 1996-kii oo uu aasaasay Dhaqdhaqaaqa Hatham, oo ah koox fallaago ah oo fadhigeedu yahay Dhale oo u ololeyn jirtay aayo ka talinta koonfurta. Laga soo bilaabo 1997 ilaa 1998, kooxdu waxay qaadday olole dil ah oo ka dhan ah saraakiisha ciidamada woqooyiga, waxaana dacwadiisa la qaaday isagoo maqan, dil ayaana lagu xukumay.
Xukunkii dilka ahaa ee lagu riday Zoubaidi waxaa cafis u fidiyay Madaxweyne Ali Abdullah Saleh 2000. Intaa wixii ka dambeeyay, wuxuu galay saaxadda siyaasadeed ee Yemen isagoo la shaqeynayay Xisbiyada Wadajirka ah, 2002-diina Dhaqdhaqaaqa Hatham wuxuu noqday mid aan shaqayn.
Kooxdan waxa dib u soo nooleeyay Zoubaidi 2011-kii iyada oo uu ka socday kacdoonka Yemen, xilligaasoo ay sheegatay mas'uuliyadda weerarro dhowr ah oo lagu qaaday ciidamada Yemen ee jooga Dhaale.
Isku dhacyo uu la galay ciidamadiisa koonfurta ayaa mar kale la soo sheegay 2013. Horraantii 2014, Zoubaidi waxa uu ku dhawaaqay aasaaska urur ka iska caabinta Koonfureed, kooxdaasoo ah mintidiin la safan Dhaqdhaqaaqa Koonfureed. Qoraalkiisa waxa uu ku ballan qaaday in uu sii wadi doono iska caabinta hubaysan ee ka dhanka ah dawladda Yemen ilaa laga gaarayo maamul madaxbannaan oo koonfurtu yeelato.

Xigashada Sawirka, X
Dagaalkii sokeeye ee Yemen
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii uu qarxay dagaalka sokeeye ee Yemen, Zoubaidi waxa uu la saftay dawladda caalamku aqoonsan yahay ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi si ay ula dagaallamaan Xuutiyiinta.
Iska caabintii Koonfurta ee uu waday ayaa lagu ammaanay bilawga Hawlgalka Duufaanta ee isbahaysiga Sacuudigu uu hoggaamiyo bishii Maarso 2015. Zoubaidi wuxuu u horseeday ciidamadiisa wejiga weerarka Xuutiyiinta ee Dhale, oo ku qasbay inay si buuxda uga baxaan gobolka 25-kii Maajo, kaasoo ah kii ugu horreeyay ee koonfurta ee laga xoreeyo joogitaanka Xuuthiyiinta. Ciidamadiisa ayaa markii dambe u dhaqaaqay saldhigga cirka ee al-Anad ee Lahij, waxayna ka qaybgaleen dagaalkii Cadan oo ay weheliyaan ciidamada isbahaysiga iyo cutubyada dawladda. 4tii Agoosto, wuxuu ku dhawaaqay in dhammaan deegaannada koonfurta ay ka xoreeyeen Xuuthiyiinta.
Maadaama Iimaaraadka carabta oo kooxdiisa taageeri jiray ay hadda ka baxeen Yemen, Caydaruus al-Zubeydi, oo ah madaxa kooxda gooni u goosadka ayaa isna ka baxsaday Yemen isagoo doon saaran, waxayna wararku shegayaan inuu soo gaaray Somaliland, ka hor inta aanu raacin diyaarad u socotay magaalada Muqdisho, isagoo markii dambena ka degay garoon diyaaradeed oo milatari oo ku yaala magaalada Abu Dhabi, sida ay ku warrantay wakaalada wararka ee Reuters
Isagoo qiraya awoodiisa koonfurta, Hadi wuxuu soo saaray wareegto madaxweyne oo u magacaabay Zoubaidi gudoomiyaha Cadan 7dii Diseembar 2015.[8][7] Waxa uu xilka kala wareegay Jaafar Maxamed Sacad, kaas oo lagu dilay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ay mas'uuliyaddiisa sheegatay Kooxda Daacish – Yemen (IS–YP). Zoubaidi waxa uu xafiiska yimid xilli xasillooni darro baahsan ay ka jirtay Cadan, iyadoo kooxo ay ka mid yihiin IS–YP iyo al-Qaacidada Jaziiratul Carab (AQAP) ay qabsadeen dhul ka tirsan degmooyin badan.













