Qodista ceelkii shidaal ee ugu horreeyay Soomaaliya ayaa la bilaabi doonaa, Deegaankee ayay baddaas ku aadan tahay?

markab shidaalka qoda oo Turkiga laga leeyahay

Xigashada Sawirka, X

Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay halka ay marayaan howlaha shidaal baarista iyo qodidda Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa rejo wanaagsan ka mujiyay howlaha shidaal qodidda oo uu sheegay inay bilaaban doonaan sanadkan aanu ku guda jirno.

Wasiirka oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa shaaca ka qaaday in ay imika rumowday riyadii shidaal qodista Soomaaliya.

"Riya ma aha oo haddii ay riyo ahaan jirtay waxaan dhihi karnaa waa riyo rumowday, sidaad ka warqabto 30 December ee sanadkii tagay waxaa magaalada Stanbul lagag dhawaaqay natiijadii baarista, waxayna labada madaxwayne shaaciyeen inay qodista bilaabanayso sanadkan horraantiisa 2026" ayuu yiri wasiirka .

Wasiirka oo aan wax ka waydiinay goorta uu Soomaaliya soo gaarayo markabka qodaya shidaalka ayaa sheegay in la filayo in horraanta bisha soo socota la fialayo inuu yimaado markab casri ah bilaabaya howlaha shidaal qodista.

"Sida uu sheegay madaxwayne Erdoğan intii lagu guda jiray shaacinta natiijada, Turkiga waxay soo iibsadeen maraakiib jiilka 7-aad ah maraakibtaas mid ka mid ah oo la yiraahdo Cagri Bey wuxuu u diyaarsan yahay inuu u soo ambabaxo Soomaaliya" ayuju yiri Mr Daahir.

Bilaabashada qodidda shidaalka ayuu wasiirka sheegay inay bilaabnayso sida ugu dhaqsiyaha badan marka uu markaba soo gaaro dalka.

"Xaqiiqatan markabka wuxuu soo baxayaa horraanta bisha february ama dabayaaqada bisha january hadba sida ay ugu suuragasho isaga oo isu diyaarinaya inuu safar dheer soo galo marka uu yimaadana insha allaah waxaa bilaabanaya inuu u howlgalo qodistii"

Shidaal noocee ah ayaa lagu helay baaristii la sameeyay?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wasiirka batroolka ee Soomaaliya ayaa sheegay in natiijada baaritaanada ay muujinayaan in Soomaaliya laga helay shidaal ganacsi gali kara islamarkana laga faa'ideysan karo.

"Xogihii la aruuriyay ilaa December ayaa waxaa lagu guda jiray in la fasiro oo la akhriyo taana waxay noo muujisay oo ay warbiinta na tusisay inay Soomaliya qabto Shidaal ganacsi gala marka xogta aan hayno waxay tusinaysaa inuu mid ganacsi yahay" ayuu yiri .

Wasiirka ayaa intaa ku daray in 3 xirmo baaritaan lagu sameeyay kuwaasi oo ku yaalla bad-waynta Hindiya halkaasina laga qodi doono sanadkan 2026.

"Saddex xirmo oo biyaha Soomaaliya Bad-waynta Hindiya ku jira ayuu ahaa kuwaa oo ku aadan Galmudug min Mareeg ilaa bariga Hobyo , saddexdaa Ceel badda sida ilaahey u sameeyay moolkeeda ayaa kala gadisan marka ceelka hadda loo xulay in la qodo waxaa uu yahay dheerarkiisu 7500 oo mitir," ayuu yiri wasiirka.

Nooca laga helay halkaasi ayuu wasiirka sheegay in ilaa hadda ay baaritaanada muujinayaan in uu yahya Shidaal laakiin aysan cidina sheegi karin in waxa halakasi ku jira uu yahay noociisa Shidaal ama Gaas.

Wariyaha BBC Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo wareysi ka qaadaya Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed

Waa imisa saamiga ay Soomaaliya ka heli doonto Shidaalka la soo saarayo?

Waxaa muddooyiinkii u dambeeyay soo baxayay warar sheegayay in dowladad soomaaliya ay saami yar ku yeelan doonto shidaalka marka la soo saaro oo ay dhaqaalaha inta badan uu qaadan doono Turkiga.

Boqolkiiba 10 oo kali ah ayay wararku sheegayeen in ay Soomaaliya heli doonto marka shidaalka la soo saaro.

Balse wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa BBC u sheegay in lacagaha boqoolkiiba 90 ee ay helayso shirkada ay tahay qarashkii ka galay howlaha shidaal baaritsa iyo qodidda.

Waxaa uu farta ku fiiqa in ay wanaagsan tahay in dhaqso la iska bixiyo qarashaadka shirkadda taasi oo ku dhici karta oo kali ah in saamiga ugu badan marka hore la siiyo shirkadda.

"Arrintaa waa faham qaldan boqolkiiba 90 waa soo celinta qiimahii qarashkii ka galay, tusaale qofka marka uu meesha 1 milyan uu galiyo ama 100 kun oo dolar uu galiyo, waxa ugu horeeya waxay tahay inuu lacagtiisa soo celiyo, haddii uu ku yiraahdo hal mar ayaan kaa wada ceshanayaa iyo hadduu kuu yiraahdo maalin-ba waxoogaa ayaan kaa ceshanayaa adiga laba jeeraba intii lagu geliyay ayaa lagaa soo ceshanayaa" ayuu yiri Mr

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ay xusay in arrinta saamiga uu Turkiga qaadanayo ay tahay mid la buunbuuniyay.

"Waa wax dad wax-magarato ah ay buunbuuniyeen oo hormarka Soomaaliya ka soo horjeeda inay dhahaan boqolkiiba 95 ama boqolkiba 90 ayay Turkiga qaadanayaa, xirma kasta waxaa uu leeyahay heshiis u gaar ah waxaa uu leeyahay wax lagu qodoayo, waxaa jira canshuur lagaa rabo, waxaa jira wax uu faa'ida u leeyahay marka 90% waa qiimaha soo celinta qarashka dowladaasi Turkiga marka ay galisana ay la soo baxayso" ayuu yiri Mr Dahir.

Labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Turkiga Xsan Sheekh Maxamuud iyo Racep Tayyip Erdogan

Xigashada Sawirka, TRT

Ma jiraan shirkado dalal kale oo lala galay heshiisyo?

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku yaallaan xirmooyiin badan oo shidaal oo maalgalin u baahan.

Mr Daahir ayaa xusya in ay jiraan in ka badan 260 xirmo oo badda Soomaaliya ku yaala islamarkana 16 xirmo oo kali ah ay heshiisyo ka galeen.

"Saddexdan xirmo oo kali ah ma aha ee 16 xirmood ayaan buuxinay heshiiskooda oo badda ah, 16 xirmo saddex waa beriga, Soomaaliyana wxaay badda ku leedahay 260 xirmo in ka badan .

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta dowladda federaalka ee Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed ayaa sheegay in ay jiraan dhowr shirkadood oo kale oo laga leeyahay dalal kala duwan oo ay la galeen heshiis shidaal baaris ah.

"Marka 260 xirmo in ka badan umbaa saddex xirmo Turkiga laga siiyay, saddex kale waxaa laga siiyay shirkad Mareykan ah, 7 kale waxaa la siiyay shirkad kale oo Mareykan ah" ayuu intaa ku daray.

Sannadkii 2020 kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qayb kamid ah badda Soomaaliyta uu ku jiro kayd saliid oo ku dhow 30 bilyan oo barmiil, oo leh kayd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin.

Si kastaba ha ahaatee su'aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido kayd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo taas oo sida muuqaalka oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.