Maxay tahay diyaaradda Fly Lili ee Hargeysa Keentay wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil?

Markii uu diyaaradda kasoo degayey.

Xigashada Sawirka, X

Shirkadda diyaaradaha Fly Lili waa shirkad ka shaqeeysa duulimaadyada oo dhawaan gal ah, taas oo la aas aasay sanaddii 2020-kii, sida ku xusan bogga ay internet-ka ku leeyihiin, waxa ayna aqoonsi rasmi ah oo ay ku duuli karto heshay sanadkii ku xigay ee 2021-ka.

Fly Lili waxaa laga leeyahay dalka Romaaniya oo waddan ku yaalla, Bariga iyo Koonfur-bari Yurub. Shaqo ahaan waxa ay shaqada ka bilowday duulimaadyo ay ka sameesay gudaha dalka, iyada oo ah diyaaradaha sida qaaska ah loo kireysto.

Sanadkii 2024-kii ayey daah furtay duulimeedkeedii u horreeyey ee ay ku tagto qeybaha kale ee qaaradda Yurub. Hadda waxa ay bixisaa adeegyo iskugu jira duulimaadyo jadwalaysan, duulimaadyo kiro ah iyo kuwo xamuul ah.

Waxaa kireysta dowladaha, ururada iyo hay'adaha ka shaqeeya arrrimaha bini adannimo.

Ciro iyo Saar

Xigashada Sawirka, MADAXTOOYADA SL

Muxuu ahaa ujeedka wasiirka ay keentay diyaaradda Lili?

Maalinnimadii Talaadadii ayey Lili gaartay magaalada Hargeysa, iyada oo uu la socdo wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil Gideon Saar, kadib go'aankii ay ku aqoonsadeen. Safarka wasiirka ayaa lagu sheegay in uu hordhac u yahay iskaashiga laba dhinac ah, madaxweynaha Somaliland wuxuu kale oo caddeeyey in ay diyaar u yihiin iskaashi iyo wada shaqayn buuxda oo dhinacyo badan leh in ay la yeeshaan Israa'iil.

Wasiirka iyo Madaxweynaha oo shir jiraad qabtay kadib kulan ay ku yeesheeyn aqalka madaxtooyada ayey ku faahfaahiyeen waxa uu u yimid, waxa uuna sheegay in ay ka go'antahay fulinta mowqifka ay qaateen.

Waxa uu sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-gga wasiirka arrimaha dibadda Israel, ku yiri "Booqashada waxaan ku gudbineynaa fariin ah in ay naga go'an tahay in aan sii wadno xiriirka nagala dhexeeya Soomaaliland". Waxa uuna intaasi ku daray "Israel iyada ayaa iska leh go'aanka cidda ay aqoonsaneyso iyo cidda ay la yeelaneyso xiriir diblomaasiyadeed".

Wasiirka waxa uu sheegay in maanta uu madaxweynaha iyo xubno kale oo sare uu kala hadlay sidii loo sameyn lahaa xiriir buuxa. Wasiirka wuxuu kaloo sheegay madaxweyne uu aqbalay martiqaadka raysalwasaare Netanyahu.

Diyaaradda uu ku yimid

Diyaaradda

Xigashada Sawirka, Fly Lili Page

Dhanka duulimaadyada caalamiga ah ee soo galaya hawada Soomaaliya waxaa maamulkooda haya hay'adda duulista Soomaaliya. Balse shalay wasiirka arrimaha dibadda Israa'iil waxa uu yimid magaalada Hargeysa isaga oo aysan war ka haynin hay'addaas, waxa uuna soo raacay diyaarad ganacsi oo nooceedu yahay Airbus A319, kana tirsan shirkadda Fly Lili Airlines ee ka diiwaangashan dalka Roomaaniya.

Sida ay wararku sheegayaan diyaaradaan kasoo duushay Addisa ababa ee caasimadda Itoobiya barqadii hore ee shalay, iyada oo socdaalkeedu kasoo bilowday magalaada Talaabiib ee Israa'iil.

Safarka wasiirku waxa uu ahaa mid qorsoodi oo aysan warbaahintu xogo badan ka haynin. Isaga kulanka kadib dib uga laabtay magaalada Hargeysa.

Waxa ay ka tiri dowladda Soomaaliya

Kadib safarkii Gideon Saar, war ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda ee Soomaaliya ayay ku sheegtay in socdaalkii uu maanta Hargeysa ku yimid wasiirka arimaha dibadda Israa'iil uu ahaa "Mid sharci darro ah".

"Waxaan sida ugu adag u cambaareyneynaa duulaanka socdaalka sharci darrada ah ee wasiirka arimaha dibadda ee Israa'iil ku tagay Hargeysa".

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabada wasiirku ay "xadgudub ku tahay madaxbanaanida dhuleed iyo midnimada siyaasadeed ee Soomaaliya".

Waxa ay intaa lagu daray in "tallaabadaani ay ka dhigantahay faragalin aan la aqbali karin oo ku aadan arimo gudaha ee waddan xubin ka ah Qaramada Midoobay".

Inkasta oo aysan BBC-du si madax banaan u xaqiijin karin, hadana diyaaradda Lili, ayaa la sheegay in qandaraas kula jirto hay'ado ka shaqeeya daad-gureynta dadka reer Falastiin ee lagu geenayo waddamo ka baxsan dhulkooda, sida ay qortay shabakadda wararka Aljaziira.