Colaadda Yemen: Muxuu dagaalka Yemen ugu sii fidayaa Imaaraadka Carabta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxaan warbixinteena ku bilaabeynaa wargeyska Independent oo wax ka waydiiyey sababaha keenay in dagaalka Yemen uu ku fido Imaaraatka, kadib markii Xuutiyiintu ay todobaadkii hore laba weerar oo ka fuliyeen dhulka Imaaraatka.
Wargeysku waxa uu sheegay in mid ka mid ah kooxahaasi ay beegsadeen Saldhig Milatari oo ay leeyihiin Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku yaalla Imaaraadka.
Waxaa muuqata in dagaalka 7-da sano socday uu u muuqdo in isu beddelay khatar gobolka ah."
Wargeyska ayaa tibaaxay in mid ka mid ah sababaha ay dhawaanahan cirka isku shareertay xiiisaddu ay tahay "Xuutiyiinta oo ku guul daraystay in ay dhamaystiraan gacan ku haynta waqooyiga dalka, waxaana taasi sabab u ah Imaaraadka Carabta".
Sida laga soo xigtay The Independent, Xuutiyiintu waxay raadinayaan "aargoosi ka dib weerarkii ay ku qabsadeen Marib ee guul la'aanta ku soo dhamaaday."
Wargeysku waxa uu sheegay in Xuutiyiinta gacan ku haynta Marib ay siin lahayd in ay maamulaan Waqooyiga Yemen, sidaas darteedna ay meel sare ka gaadraan wada xaajoodka nabadeed ee soo socda.
Sidoo kale wargeysku waxa uu sheegay in is bedelka ku yimid difaacii ciidamada isbahaysiga ee Marib ay horseedday markii ay ciidamada Imaaraadka taageero ee ay maamulayeen Shabwa oo ku taalla koonfurta, kana saareen Xuutiyiinta, isla markaana ay ka jareen waddooyinkii ay sahayda u mareeysay ee Ma'rib.

Xigashada Sawirka, AFP
"Jawaabta Xuutiyiinta waxay ahayd inay gantaallada ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaanno Drones-ka ee sida qaraxyada, ay ku garaacaan Sucuudiga, ka dibna Imaaraadka."
Waxa uu ay intaasi ku daray in ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ay sida muuqata kaga jawaabeen weeraro xoogan oo ay ku qaadeen magaalada Sanca, sidoo kalena ay duqeeyeen xabsiga Sacda, halkaasi oo ay ku dileen in ka badan 80 qof.
Ka dibna isbahaysigu waxay duqeeyeen dhisme isgaarsiineed, kaasoo internet-ka ka jaray Yemen muddo afar maalmood ah.
The Independent oo soo xiganaysa falanqeeye arrimaha Yemen, oo la yirahdo Rayman al-Hamdaani, ayaa yiri "Xuutiyiintu waxay isku dayayaan inay Imaaraadka geliyaan colaad ay isku dayayeen inay ka baxaan.
Waxa uu sheegay in Maraykanka iyo Qaramada Midoobay ay ku guul-darreysteen inay sii wadaan wada-xaajoodyada labada dhinac ee colaaddu u dhexayso, iyadoo Xuutiyiintu ay xoojiyeen weerarrada ay ku hayaan Marib.
Wargeyska oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri "Dadka qaar ayaa aaminsan in Iran ay door ka qaadan karto sare u kaca Xuutiyiinta oo ay xulafo yihiin".
Si kastaba ha ahaatee, wargeysku wuxuu soo xigtay falanqeeye Reman al-Hamdani inuu sheegay in uusan si buuxda ugu qanacsanayn fikradda ah in Iran ay qabsato marinada.
Al-Hamdaani ayaa u sheegay The Independent, "Xuutiyiintu waxa laga yaabaa inay Iran ku leeyihiin taageeradooda, laakiin Iran ma amri karto inay wax sameeyaan," waxa uu yiri, "Tani waxay dhacdaa oo keliya marka ay ku habboon tahay labadaba."










