Faahfaahin ka soo baxaysa geerida gabadhii ay askarta Maraykanku ku dileen Minneapolis

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sarkaal ka tirsan waaxda socdaalka ee dalka Maraykanka ayaa haweenay 37 jir ah toogasho ku dilay magaalada Minneapolis, waxaana arrintaasi ka dhashay dagaal afka ah oo ay masuuliyiinta dalkaasi ku gacan sayreen sheegashadii maamulka Trump ee ah inay is-difaacayaan.
Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegtay in haweeneyda, Renee Nicole Good, ay ahayd "rabshad wade" isku dayday in ay jiirto saraakiisha socdaalka iyo fulinta kastamka (ICE).
Laakiin duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey ayaa yiri, "Kani waxa uu ahaa sarkaal si taxadar la'aan ah u isticmaalay awoodda taasoo keentay in qof dhinto", isaga oo u sheegay saraakiisha ICE hadallo caro leh oo ah in ay ka baxaan magaalada hawada u mariyey.
Boqolaal ka mid ah askarta Hay'adda ICE ayaa la geeyay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka Aqalka Cad ee ka dhanka ah socdaalka sharci darrada ah.
Muuqaalo la soo galiyey baraha bulshada, ayna markii la duubayey daawanayeen dad goob joog ah ayaa u muuqda kuwa muujinaya xilliga toogashada ay dhacday, taasi oo dhacday abaaro 10:25 xiliga maxaliga ah subaxnimadii Arbacada.
Gaari midabkiisu bunni yahay ah ayaa lagu arki karay, kaas oo xannibaya waddo la deggan yahay oo ku taal Minneapolis.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadweyne aad u fara badan, oo u muuqda kuwo mudaaharaadaya, ayaa dhooban laamiga.
Baabuurta ciidanka ayaa ka muuqda meel u dhow. Saraakiisha socdaalka ayaa ku soo baxay gaarigii waddada yaallay, waxayna ka soo baxeen gaariga ayagoo u sheegay haweenaydii gaariga ku jirtay inay ka soo degto. Mid ka mid ah saraakiisha ayaa ku jiitay gacanka albaabka dhinaca darawalka.
Askari kale ayaa istaagay meel u dhow dhinaca hore ee baabuurka.
Ma cadda sida saxda ah ee uu ugu dhowaa sarkaalka ama haddii uu ku dhacay baabuurka iyadoo loo eegayo muuqaallada ay isla markiiba dib u eegtay BBC.
Askariga ayaa furaya rasaas markii ay gabadhu isku dayday inay gaariga kaxayso.
Saddex xabo ayaa la maqlayaa, waxaana la arkayaa gaariga oo koontaroolkiisa lumiyay oo ku dhacay gaari meel u dhow wadada hareerteeda taagnaa.
Qoraal uu soo dhigay Truth Social, wuxuu Trump ku sheegay in sarkaal ICE ka tirsan "si xun" loo jiiray. "Way adag tahay in la rumaysto inuu nool yahay, laakiin hadda wuu ka soo raynayaa oo wuxuu ku jiraa isbitaalka," ayuu qoray.
Madaxweynaha oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sidoo kale ku eedeeyay "Bidixda xagjirka ah" "hanjabaada, weerarka, iyo beegsiga Saraakiisha Dhaqangelinta Sharciga iyo Wakiilada ICE maalin kasta".

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Taliyaha booliiska Minneapolis Brian O'Hara ayaa sheegay in darawalka uu saarnaa gaariga uuna xiray wadada Portland Avenue. Ka dib waxaa isaga oo lug ku socda ku soo dhawaaday sarkaal ka tirsan ciidanka federaalka, "waxayna bilowday inay baabuurka kaxayso".
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka Kristi Noem ayaa sheegtay in haweenaydu ay "ku dhufanaysay oo ay carqaladaynaysay" askarta maalintii oo dhan, ayna isku dayday inay hub ka dhigato gaarigeeda" iyadoo isku dayaysa inay dul marto sarkaalka". Waxay dhacdada ku tilmaantay fal "argagixiso maxalli ah".
"Sarkaalka ciidanka federaalku wuxuu riday 'rasaas difaac ah' isaga laftiisana waa dhaawacmay", ayaa tiri Noem, ka hor inta aan la daweyn oo laga saarin isbitaal maxalli ah.
"Isla sarkaalka ayaa sidoo kale lagu dhuftay baabuur isagoo gudanaya waajibaadkiisa bishii Juun", ayey tiri Noem.
Waxay intaas ku dartay in howlgallada ICE ee magaalada ay sii socon doonaan, FBI-dana ay baari doonto dhacdadii Arbacada.
Golaha deegaanka ee Minneapolis, ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in Good ay "daryeelaysay deriskeeda" markii la toogtay oo la dilay.
Emily Heller ayaa u sheegtay CNN inay joogtay guriga markii ay aragtay wakiilada ICE oo bannaanka kula doodaya dibad baxayaasha. Waxay sheegtay inay maqashay saraakiil ku qaylinaya haweenay gaari wadatay, ka dib hal askari ayaa isku dayay inuu ka furo albaabka gaarigeeda, waxayna haweeneyda gaariga wadday isku dayday inay ku jiiddo.
"Askari ka tirsan ICE ayaa soo hor istaagay gaarigeeda oo ku yiri, 'Jooji!' ka dibna hore ayay ka dhaqaaqday, dabadeedna si af-saar ah ayuu uga toogtay muraayadda hore ee wejiga," Heller ayaa u sheegtay shabakadda Maraykanka.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa sidoo kale ku gacan sayray sheegashada ciidanka federaalka ee dhacdada.
"Ha rumaysan mashiinkan dacaayadaha" Walz ayaa u qoray isagoo ka jawaabaya qoraal ay soo saartay Waaxda Amniga Gudaha ee ku saabsan toogashada.
"Gobolku wuxuu xaqiijin doonaa inuu jiro baaritaan buuxa, cadaalad, iyo in degdeg loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo cadaaladda."
Dimuqraadiyiinta sare, oo ay ku jiraan madaxweyne ku xigeenkii hore Kamala Harris iyo hogaamiyaha laga tirada badan yahay ee Aqalka Hakeem Jeffries, ayaa sidoo kale soo saaray bayaan. Harris waxa uu maamulka Trump ku tilmaamay nooca dhacdooyinka "wax sii huriya".
Mudaaharaadyo iyo mudaaharaadyo ayaa ka dhacay meelo badan oo magaalada ah iyadoo qaar ka mid ah dadka Minneapolis ay ka caroodeen falka toogashada ah oo ay ku baaqeen in ICE ay meesha ka baxdo.
Halka uu dilku ka dhacay ayaa hal Mayl u jira meeshii uu askari booliska ka tirsan ku dilay George Floyd sannadkii 2020, taasoo dunida oo dhan ka qarxisay dibadbaxyo looga soo horjeedo midab-takoorka.













