Waa kuma hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Carbeed ee heshiiska la galay Israa’iil ee la dilay maanta oo kale

Anwar Saadaat

Xigashada Sawirka, Getty Images

Maanta oo kale lixdii Octoobar sanadkii 1981-dii ayey ahayd markii koox saraakiil ciidan ah ay dileen maaxweynihii Masar Anwar Saadaat kaas oo ka qayb galayey dhoolatus militari oo ka dhacay magaalada Qaahir.

Dilkiisa waxaa ka soo wareegtay 43 sano. Madaxweyne Saadaat, munaasabaad lagu dilay waxaa lagu xusayey sanad guuradii siddeedaad ee ka soo wareegtay dagaalkii dhexmaray dalalka carabta oo ay Masar hoggaaminaysay iyo Israa’iil.

Anwar Saadaat, ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed oo heshiis la gala Israa’iil laba sano ka hor dilkiisa, go’aankaas oo ka caraysiiyay dad badan oo Masaari ah isla markaana horseeday banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo.

Bilowgiisii

Muxamad Anwar Saadaat, waxa uu ku dhashay bishii December 25, 1918-kii tuulada Mit Abu al-Kum ee gobolka Menoufia ee dalka Masar.

Sida ay sheegtay Encyclopedia Britannica Saadat, ayaa ka qalin jabiyay kuliyadii ciidamada ee Qaahira sanadkii 1938-kii, dagaalkii 2-aad ee aduunkana uu qorsheeyay in uu Ingiriiska ka saaro Masar isaga oo kaashanaya Jarmalka.

Ingriiska ayaa xiray sanadkii1942-kii, balse laba sano ka dib wuu baxsaday. Sannadkii 1946-kii, Saadaat ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa dilkii wasiirkii taageersanaa Ingiriiska Amiin Cismaan, waxaana uu xirnaa ilaa 1948-kii isagoo aakhirki wax dambi ah lagu waayay.

Sanadkii 1950-kii, waxa uu ku biiray Dhaqdhaqaaqii Xoreynta Qaranka. Saadaat waxa uu ka mid ahaa madaxdii ururkii Free Officers Organisation ee afgambiyey boqortooyadii Masar sannadkii 1952-kii, waxa kale oo uu taageeray doorashadii Cabdi Naasir ee madaxweynenimada sannadkii 1956-kii.

Madaxweynanimadiisii iyo caqabadihii

Masar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saadaat waxa uu soo qabtay jagooyin sar sare oo kala duwan oo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenka intii u dhaxaysay 1964 ilaa 1966 iyo 1969 iyo 1970-kii

Ka dib waxa uu noqday ku simaha madaxweynaha dhimashadii Naasir, ka dib Sebtembar 28-dii sanadkii 1970=kii, waxaana loo doortay madaxweyne afti dadweyne Oktoobar 15, 1970-kii.

Waxa uu la kulmay caqabado waaweyn ka dib markii uu jagadan ka qaatay kuwii loo yaqaanay xarumaha awoodda, kuwaas oo ahaa tiirarkii taliskii Cabdi Naasir, waxa uuna ku guuleystay in uu afgambiyo wixii Masar looga yaqaanay “Kacaanka toosinta”.

Dhaqaalaha Masar ayaa sidoo kale ahaa mid liita kadib dagaalkii 1967-kii iyo jabkii ciidamada Masar ay kala kulmeen Israa’iil, waxaana bulshada Masar la ildarnayd sicir barar iyo la’aan adeegyadii aasaasiga ahaa.

Sannadkii 1972-kii, ka dib markii Saadaat uu dareemay in Midowga Soofiyeeti aanu siinin taageero ku filan, waxa uu dalka ka saaray kumannaan farsamo-yaqaanno iyo la-taliyeyaal ah oo Soofiyeedka ah.

Dagaalkii 1973-dii

Masar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sida laga xigtay Encyclopædia Britannica, hindisayaasha nabadeed ee Masar ee ku wajahan Israa'iil waxay billaabeen horraantii madaxweyne Saadaat, markii uu ku dhawaaqay inuu diyaar u yahay inuu xal nabadeed gaaro haddii Israa'iil ay soo celiso Jasiiradda Siinaay oo "Israa'iil ay qabsatay dagaalkii 1967-kii."

Ka dib markii uu ku guul daraystay hindisahan, Saadaat, waxa uu qaaday weerar millatari isaga oo kaashanaya Suuriya si ay dib ugu hantaan dhulalkaas, kaas oo dhaliyay dagaalkii Carabta iyo Israa'iil ee Oktoobar 6-deedii sanadkii 1973-kii.

In kasta oo Israa’iil ay iska celisay horusocodka ciidammada Masar si ay dib ugu qabsadaan gacanka Siinaay, waxa ay la kulantay khasaare xooggan.

Saadaat, waxa uu ka soo baxay dagaalka. Waxa kale oo uu mawqifkii uu ka taagnaa masraxa caalamiga ahaa mid xoog badan, iyada oo ay dad badani u arkayeen in uu yahay halyey qaran iyo hoggaamiye maskax badan oo soo celin kara sharaftii iyo karaamadii ummadda Carabta. Si kastaba ha ahaatee, dagaalkani ma ahayn kaliya dhaqdhaqaaq ciidan, balse wuxuu horudhac u ahaa dhaqdhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo waaweyn.

Nabada

heshiiskii nabada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Saadaat waxa uu heshiiska Camp David la saxeexday Madaxweynaha Maraykanka Jimmy Carter (dhexda) iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Begin

Dagaalka ka dib, Saadaat waxa uu ka shaqeeyay sidii nabad looga dhalin lahaa Bariga Dhexe. Waxa uu booqasho taariikhi ah ku tagay Israa’iil 19-kii iyo 20-kii November 1977-kii, xilligaasi oo uu u safray magaalada Jerusalem si uu ugu soo bandhigo qorshihiisa nabadeed aqalka Knesset ee Israa'iil.

Tani waxay kicisay dadaallo dublamaasiyadeed oo isdaba joog ahaa oo Saadaat uu sii waday in kasta oo ay si weyn uga soo horjeesteen inta badan dalalka Carabta iyo Midowga Soofiyeeti.

Madaxweynaha Maraykanka Jimmy Carter, ayaa dhexdhexaadiyey wada-xaajood dhex maray Saadaat iyo Menachem Begin Ra’iisul wasaarihii Israa’iil, kaas oo natiijadii ka soo baxday ay noqotay in la saxeexo heshiiskii Camp David Sebtembar 17, 1978-kii , heshiis nabadeed oo hordhac ah oo u dhexeeya Masar iyo Israa'iil.

Saadaat iyo Begin waxa la guddoonsiiyey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel sannadkii 1978-kii, gorgortankoodii siyaasadeed ee socdayna waxa uu keenay in heshiis nabadeed la saxeexo March 26, 1979-kii , kaas oo u dhexeeya Masar iyo Israa’iil.

Dhaxalkii Saadaat

Anwar Saadaat

Xigashada Sawirka, Getty Images

Geeridiisa ka dib, shakhsiyadda Anwar Saadaat, waxa ay noqotay arrin muran weyni ka taagan yahay, iyadoo dadka qaarkood ay u arkayeen inuu ahaa halyey qaran iyo horseedkii nabadda ee Bariga Dhexe, halka qaar kalena ay u arkaan inuu yahay shakhsi kala qaybiya gudaha iyo dibadda. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la dafiri karin in dhaxalkiisa uu saameyn weyn ku yeeshay Masar iyo Carabta.

Marka la eego heerka caalamiga ah, Saadaat waxaa lagu tiriyaa mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii ka qayb qaatay beddelka astaamaha Bariga Dhexe. Heshiiskii nabadeed ee uu la saxeexday Israa’iil ma ahayn oo keliya heshiis laba geesood ah, balse waxa uu ahaa bilowga weji cusub oo xidhiidhka dalalka Carabta iyo Israa’iil, xataa haddii aanu xidhiidhkaasi si buuxda u horumarin ilaa sannado badan ka dib.

Dadka qaarkiis waxay dareemayaan in taariikhdu ay cadaysay habkii Sadat u wajahnaa colaadda Carabta iyo Israa'iil. In ka badan toban sano ka dib dilkiisa, Falastiiniyiintu waxay bilaabeen wadadii dheerayd ee dhibka badnayd ee ay ku nabadayn lahaayeen dariskooda, waxa ku xigay Urduniyiinta oo la heshiisay Israa’iil, ka dibna waxaa heshiisla saxiixday Israa'iil dalaka Imaaraadka, Marooko, Suudaan iyo Baxrayn.