Xamaas oo hogaamiye ka tirsan guutada Al-Qassam looga dilay Lubnaan

Al-Qassam

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Hogaamiyaha ayaa lala dilay qoyskiisa

Israa’iil ayaa wali duqeymo ka wada deegaano kala duwan oo ku yaala dalka Lubnaan, oo ay ku jiraan kuwa dhaca waqooyiga dalkaas, taas oo keentay in la bartilmaameedsado laba hoggaamiye oo caan ka ahaa garabka gubeysan ee Xamaas.

Garabka hubeysan ee Al-Qassam ayaa u baroor diiqaya hogaamiyihii guutada oo lagu magacaabayay Saciid Atallah Ali, iyo saddex xubnood oo qoyskiisa ah, oo kala ah xaaskiisii iyo laba carruur ah kadib markii ay Israa’iil duqeysay gurigooda.

Al-Qassam ayaa sheegtay in ay u aargudi doonaan hoggaamiyaha la dilay iyo masuuliyiintii horay looga dilay dhaqdhaqaaqooda, waxa ayna tilmaameen in ay ficil sameyn doonaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sidoo kale duullaan cusub ku qaaday deegaanno ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut kaddib markii ay soo saareen amar cusub oo ay ku doonayaan in dadka rayidka ah ay uga guuraan dhismayaashooda ku yaalla xaafadda Burj al-Barajneh si ay ugu diyaar garoobaan beegsiga bartilmaameedyo, iyo fulinta weerarro hor leh.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabo Avichai Adraee, ayaa bartiisa ‘X’ waxa u uku qoray diginin dagdag ah oo ku socota dadka daggan agagaarka koonfurta gaar ahaan kuwa ku jira dhismayaal lagu muujiyay khariidad, waxa ayna ku yaalaan xaafadda Burj al-Barajneh, afhayeenka ayaana sheegay in dhismayaashaas ay ku yaaliin meel u dhaw xarumaha Xisbullah, halkaas oo ciidamada Israa’iil ay howlgallo ka fulin doonaan.

Wuxuu intaas ku daray: "Amnigaaga iyo badbaadada xubnaha qoyskaaga, waa inaad si degdeg ah uga guurtaa dhismayaasha iyo xarumaha deriska la ah oo aad ka fogaato masaafo aan ka yarayn 500 oo mitir."

Xoghayaha difaaca ee Maraykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in “Israa’iil aysan awoodi doonin burburinta Xisbullah,” dagaalkana uu sii xoogeysan doono uuna ku fidi doono dhanka waqooyi ee Lubnaan.

Isbitaalka Salah Ghandour oo ku yaalla Bint Jbeil oo dhacda Koonfurta Lubnaan, ayaa waxaa weerartay Israa’iil, iyadoona la sheegay in diginin laga bixiyay, maamulka isbitaalka ayaa xaqiijiyay weerarka lala beegsaday waxa ayna ku baahiyeen baraha bulshada.

“Israa’iil ayaa duqeyn bahalnimo ah ku garaacday isbitaalka Saalax Ghandour, eek u yaala Bint Jbeil, waxaana ku dhaawacmay sagaal qof oo isugu jira shaqaale caafimaad iyo kalkaalisooyin, ayna soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaa goobta laga saaray shaqaalihii waxyeeladu gaartay kuwii kale iyadoona daadgureynta ay qeyb ka ahaayeen hay’adda Laanqeyrta Cas ee Lubnaan, iyo maamulka magaalada,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay isbitaalka.

Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ee ay maamusho dowladda Lubnaan ayaa ku warantay in dhismaha isbitaalka “lagu garaacay madaafiicda Israa’iil”.

Isbitaalka Salah Ghandour

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Isbitaalka Salah Ghandour oo ku yaalla Bint Jbeil oo dhacda Koonfurta Lubnaan
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr. Hisham Fawaz, oo ah madaxa waaxda isbitaallada iyo rugaha caafimaadka, xubinna ka ah qolka qalliinka ee wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan, ayaa wareysi uu siiyey barnaamijka “Dialogue Point” oo laga sii daayo BBC-da, waxa uu ku yiri, “Tirada dhaawaca ayaa kor u dhaaftay 9,000 oo qof. tirada dhimashadana waxay kor u dhaaftay 1,900 oo shahiiday”.

Waxa uu intaa ku daray in waaxdu ay dhulka ku leedahay 79 xarumood oo guurguura si ay u daboolaan baahiyaha caafimaad ee barakacayaasha, hadday tahay dawo, cunto iyo wax kaleba.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Gaadiidka gurmadka deg deg ah iyo xarumaha caafimaadka ayaa si toos ah loo beegsaday, waxaana jira in la duqeeyay in ka badan 10 isbitaal kuwaas oo si toos ah loo duqeeyay, taasoo keentay inay si ku meel gaar ah u shaqeeyaan.

Hay'ad Mareykan ah oo ka shaqeysa arrimaha bini'aadantinimada kana howlgasha Lubnaan, ayaa sheegtay in boqolkiiba soddon dadka dalkaas ay noqdeen barokac, guud ahaan dadka reer Lubnaan ayaana lagu sheegay inay gaarayaan 5.8-Milyan oo qof, waxaana cabsi laga muujinayaa inay sii yaraanayaan waxyaabaha aasaaska u ah nolosha.

Barakaca Lubnaan

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Barakaca Lubnaan oo gaaray boqolkiiba soddon

Samar Al-Yasser, oo ah maamulaha hay'adda gargaarka qaxootiga Mareykanka ee ANERA, ayaa BBC-da u sheegtay sidaan: "Waxaan ku jirnaa dhibaato bini'aadanimo oo weyn."

Dhanka kale waxa ay xustay in dalka Lubnaan oo horayba uga soo kabanayay dhibaatooyin dhanka dhaqaalaha ah uusan u diyaarsaneyn dhibaatooyin baaxaddaan leh, iyo in ay meesha ka baxayaan waxkasta oo nolosha muhiim u ahaa.

Samar ayaa xustay in dadkii barakacay aysan heli karin wax ay ku noolaadaan maadaama ay guryahoodii uga carareen cuntadii, biyihii, iyo gogoshiiba.