Hogaamiyihii ugu sareeyay Hezbollah oo lagu dilay Beirut

Ugu yaraan hal dhisme ayaa dumay halka kuwa kalena ay soo gaareen burbur xooggan.

Xigashada Sawirka, Dowladda Mareykanka

Qoraalka sawirka, Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida Ibrahim Caqiil, oo ay Israa'iil duqeyn la beegsatay

Hogaamiye sare oo ka tirsan ciidamada Xisbullah ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil ku qaaday caasimadda Lubnaan ee Beirut Jimcihii, weerarkaas oo sii kordhiyay cabsida laga qabo dagaal dhan walba ah.

Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida Ibrahim Caqiil ka dib markii Israel ay sheegtay inuu ka mid ahaa dhowr sarkaal oo sare oo Xisbullah ah oo lagu dilay duqeynta.

Goor sii horreysay, saraakiisha Lubnaan ayaa sheegay in ugu yaraan 14 qof ay ku dhinteen tobanaan kalena ay ku dhaawacmeen weerarka lagu garaacay deegaanka Dahieh oo dadku ku badan yihiin, oo ah goob ay ku xooggan yihiin kooxda ay Iiraan taageerto ee ku yaalla duleedka koonfureed ee magaalada.

Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa waxaa ka jiray isku imaatin, iyadoo kooxaha adeegyada caafimaadka ay u gurmadeen dadkii ku dhaawacmay weerarka, sidoo kale waxa ay baadigoob ugu jireen dad la rumeysan yahay inay ku hoos jiraan burburka.

Ugu yaraan hal dhisme ayaa dumay halka kuwa kalena ay soo gaareen burbur xooggan.

Goobta waxaa durba soo gaaray xubno ka tirsan Xisbullah, kuwaas oo xiray wadooyinkii ka agdhawaa guriga ay Israa’iil duqeysay, todobaad gudihiis ayay kooxdu la kulantay weeraro badan iyadoona aad loo hadal hayo dhacdadii maalmo kahor kadib markii ay ku qarxeen aalad ay ku wada xiriirayeen.

Weerarkii shalay eel ala beegsaday hogaamiyaha saree e ka tirsan Xisbullah, kana dhacay Beirut ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay ee magaaladaas lala beegsado tan iyo iyo bishii Luulyo, kadib dilkii madaxii militariga ee Xisbullah Fu'ad Shukr.

Bayaan uu soo saaray, afhayeenka ciidamada difaaca Israel (IDF) Daniel Hagari ayaa sheegay in Caaqil, oo ahaa taliye sare oo ka tirsan ciidamada Radwan ee Hezbollah, lala dilay saraakiil sare oo ka tirsan shaqaalaha kooxda iyo taliyayaal kale oo Radwan ah.

Hagari waxa uu sheegay in ay “ku soo urureen dhulka hoostiisa dhisme la dego oo ku yaala bartamaha xaafadda Dahiyah [koonfurta Beirut], iyaga oo ku dhex dhuumanaya dadka rayidka ah ee Lubnaan,”.

Duqeynta Israel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ugu yaraan hal dhisme ayaa dumay halka kuwa kalena ay soo gaareen burbur xooggan.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Afhayeenka ciidanka IDF waxa uu intaa ku daray in shaqsiyaadka weerarka lala beegsaday ay wadeen qorshe ay Xisbullah ku dooneysay in ay weerarto deegaamo ay ku suganyihiin dad Israa’iiliyiin ah.

Qorshahaan ayay horay u sheegeen militariga Israa’iil sanadkii 2018, waxa ayna xilligaas sheegeen in ay weerarayaan godad ay Xisbullah u adeegsanayeen in ay gudaha ugu galaan dhulka Israa’iil si ay dad uga soo afduubtaan sidoo kalena dilal uga fuliyaan.

Bishii Abriil, Washington waxay sheegtay inay raadinayso Caaqil, oo sidoo kale loo yaqaan Tahsin, waxayna soo bandhigtay in ay abaalmarin siineyso qofkii keena macluumaad ninkaas la xiriira, sida "macluumaad u horseedaya aqoonsigiisa, goobta uu ku sugan yahay, iyo taliskiisa".

Ninkaan ayay Mareykanku ku tilmaameen in uu awood ku dhexleeyahay Xisbullah, iyadoona kooxdaas ay dalal ay kamid yihiin Israa’iil, UK, Maraykanka iyo kuwo kale u aqoonsadeen in ay yihiin rogeen urur argagixiso.

Sideetamaadkii, Caaqil waxa uu ka mid ahaa kooxdii soo abaabushay qaraxyadii safaaradda Maraykanka ee Beyruut iyo weerar lagu qaaday xero ku taalay badda, oo ay ku dhinteen boqolaal qof.

Xisbullah oo xaqiijisay geerida ninkaan, qoraal ay baahiyeen ayay ku tilmaameen in uu yahay mid kamid ah "hogaamiyeyaasha jihaad doonka ah".

Google/BBC
Qoraalka sawirka, Masawir muujinaya goobta weerarka lagu qaaday

Horaantii Jimcihii, Xisbullah waxa ay sheegtay in ay duqaymo ku qaadday goobo ciidan oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil. IDF ayaa sheegtay in 140 gantaal lagu garaacay waqooyiga dalkaasi, halka booliska Israa’iil ay soo saareen digniino ku saabsan burburka waddooyinka.

Dagaalka xuduudka ah ee u dhexeeya Israa'iil iyo Xisbullah ayaa sii kordhay wixii ka danbeeyay 8-dii Oktoobar 2023 – xiligaas oo weerar aan horay loo arag ay qaadeen Xamaas.

Wixii markaas ka dambeeyay boqollaal qof oo u badan dagaalyahannada Xisbullah ayaa lagu dilay dagaalka xudduudaha isaga gudba, halka tobanaan kun ay sidoo kale ku barakaceen labada dhinac ee xadka.

Mas'uuliyiinta Mareykanka iyo UK ayaa ku booriyay muwaadiniintooda inaysan u safrin Lubnaan.