Maxay tahay sababta loo iibsado nooca ugu dambeeya ee telefoon casri ah?

Telefoon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa la joogaa waqtigii ay shirkadaha teknolojiyadda soo saarayeen dhammaanba telefannadooda si ay adiga kuugu qalqaaliyaan inaad cusbooneysiiso moobilkaaga.

Dhowaan waxaan aragnay Google oo soo saartay noocii ugu dambeeyay ee Pixel 9, waxaana ku xigay Apple oo iyadana soo saartay iPhone 16.

Bishii July, Samsung ayaa iyadana shaaca ka qaadday nooca cusub ee telefoonnadeeda isku laabmaya, waa Z Flip6 iyo Z Fold6, iyadoo Huawei ay haatan uun daaha ka qaadday nooc moobil cusub oo lagu magacaabo Mate XT, oo Shiinaha lagu sameeyay, kaasoo isagana saddex jeer isku laabmaya.

Iyadoo iibsashada teleofonnada casriga ah ee dunida ay sii yaraaneyso, haddana farriimaha suuq-geynta ayaa ah kuwo aad qofka usoo jiidanaya.

Madaxa shirkadda Apple Tim Cook ayaa ballan-qaaday in iPhone16 uu “dib u qeexid ku sameyn doono waxa smartphone uu qaban karo”, wax walboo taas loola jeedaba. Ku xigeenka madaxa wax soo saarka Google Brian Rakowski ayaa isagana aad u ammaanay naqshadda “quruxda badan” ee Pixel 9.

Huawei haatan waxayba leedahay hees u gaar ah, iyadoo xustay in ka dhabeynta riyooyinka ay astaan u yihiin guusha ay shirkadda gaartay.

Haa. Weli waxaan ka hadleynaa telefoonnada.

Apple iyo Google labadaba waxay ku faanayaan inay leeyihiin qeybo caqliga macmalka ah ku shaqeeya.

Balse weli ma jirtaa cid dhab ahaantii muujisay inay waxaasoo dhan u baahan yihiin?

Telefoon

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Khabiirka telefoonnada gacanta Ben Wood, oo ka tirsan shirkadda baaritaanka ee CCS Insight, ayaa sheegay in iyadoo qeybaha mashiinnada macmalka ah ee telefoonnada qaar lagu soo kordhiyay looga gol leeyahay inay nolosha fudeydiyaan, haddana aysan ka dhigneyn inay ahmiyad u leeyihiin cid walba.

“Waxaan u maleynayaa in inta badan dadka ay haatan ogyihiin waxa ay ka rabaan telefoon, iyadoo mid ka mid ah waxa ugu muhiimsan ay tahay kaamira,” ayuu yiri.

Naqshadeeyeyaasha telefoonka ayaa sidoo kale arrintan og. Telefoon walba oo cusub kaamiradiisu way ka fiican tahay tii hore. Balse tan xitaa ma aha wax la isku hubo oo dadka lagu soo jiidan karo si ay u iibsadaan telefoonka.

“Waxa dhacaya ayaa ah in dadka ay telefoonnadooda heystaan muddo dheer. Sanadkii 2013 ilaa 30 milyan oo telefoonno ah ayaa sanadkii la iibiyay,” ayuu intaa raaciyay Mr Wood. “Sanadkan waxay noqon kartaa ilaa 13.5 milyan.”

Tan dabcan waxaa sabab u ah qiimaha maciishadda ee sii kordhaya ee saameynata go'aannada wax kharash gareynta ee dadka.

Waxaa kale oo intaa dheer, inay jirto arrin soo kordheysa oo ah in waaliddiinta iyo dadka da'da yar, ay isku dayayaan ka fogaanshaha telefoonnada casriga ah gebi ahaanba.

Shirkadda is gaarsiinta ee EE ayaa ku talineysa in carruurta ay da'doodu ka yar tahay 11 aysan isticmaalin telefoon casri ah.

Dr Sasha Luccioni, oo ah saynisyahan baaritaan sameysa kana tirsan shirkadda Hugging Face ee mashiinnada macmalka ah, ayaa sheegtay in ilaa iyo haatan, farriintan aysan u muuqan mid dadka ka dhaadhacaysa.

Mid ka mid ah shirkadaha telefoonnada ayaa dhowaan ka jawaabtay codsiga dadka ee ah soo saaridda telefoon tayadiisu fiican tahay balse ay xaddidan yihiin waxyaabaha laga heli karo.

Shirkadda dalka Finland laga leeyahay ee HMD – oo weli soo saarta Nokia, ayaa bishii lasoo dhaaftay daah-furtay telefoon aysan ku jirin wax apps ah, kaamirada hore iyo waxyaabo kale, keliyana waxaa ku jira hal game. Haddii aad u baahato inaad hees dhegeysato, wuxuu leeyahay FM radio.