Maxaan ka ognahay xaaladda Soomaalida uu dagaalku ku qabsaday Lubnaan

Xigashada Sawirka, Xamda Raage
- Author, Xasan Sheekh Cumar
- Role, Wariye
Xaalad adag ayaa ka taagan caasimadda Lubnaan ee Bayruut halkaas oo diyaaradaha Israa’iil ay ka wadaan duqeymo xooggan oo dhaliyay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur baaxad leh.
Duqeymaha ugu badan ayaa ka dhacaya inta badan aagagga ay ku xoogan yihiin ururka Xisbullah, oo hoggaamiyahoodi Xasan Nasrallah la dilay Jimchii la soo dhaafay.
Kumanaan qof ayaa ka barakacay duqeymahaan iyo iska horimaadyada ka dhacay caasimadda iyo agagaarkeeda. Inta badan waddooyinka magaalada ayaa xiran, ganacsiguna ma shaqeynayo waxaana muuqanaya in dadku ay wajahyaan dhibaato saameynteedu taabanayso dhinac walba oo nolosha ka mid ah.
Waxaa jira dalal badan oo dadkoodii halkaa ka soo daad gureeyay bilowgii rabshadaha, hase-yeeshee waxaa sidoo kale jira dad kale oo u badan arday oo qaarkood hadda ku go’doonsan yihiin halkaa, maadaama mararka qaar ay hakad galaan howlaha garoonka diyaaradaha ee Bayruut.
Walaaca dadka qaar qabaan ayaa ah in duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka tagi jiray ay joojiyeen safarradii ay Lubnaan ku tagi jireen wixii ka horreyyay xaaladda hadda taagan.
Hal Shirkad oo sameeysa duulimaadyo ku eg Bariga Dhexe ayaa jirta, balse taa qudheedana way adag tahay in dad badan ay fursad u helaan.
Xaaladda ardayda Soomaalidu ka mid tahay

Xamda Raage waa gabar Soomaali ah kana mid ah ardayda ajaanibta ah ee wax ka barta Jaamacad ku taalla Lubnaan. Waxay ka mid tahay boqollaalka qof ee halkaa ku wajahaya xaaladda. go’doon-ka ah, maadaama ay doonaysay in ay dalka isaga baxdo, balse ay la’dahay diyaarad ay raacdo.
“Walaal hal diyaaradbaa waddanka ka shaqeynaysa oo la yiraahdo Middle East, laakin waxay u kala gooshtaa waddamadaan Bariga Dhexe, diyaaradihii caalamiga ahaa oo dhan way istaageen ayay tiri Xamda oo BBC-da la hadashay.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxay intaas sii raacisay “aniguba waxaa u xanibanahay diyaaraddaas oo aan magaalada Bayruut weli ugu suganahay”.
Waxaa jira in dalalka qaarkood ay ardayda halkaa ka joogay ay u direen diyaaradaha Qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaanno. Dalalkaas waxaa ka mid ah Tunisia.
Ardayda wax ka barta Lubnaan ayaa hadda quus muujinaya maadaama dadkii muwaadiniinta ah ee dalka u dhashay ay dalkii ka baxsanayaan oo ay raadinayaan dalal kale oo ay nafta iyo nooliga ay haystaan ay ula baxsadaan.
Dhibaatada halkaa ka taagan waa mid dadka wada haysata hase-yeeshee qolaba qolo ayaa uga sii nugul oo ajaanibta aan waddanka u dhalan ayaa ugu sii daran, iyaga qudhooduna waa sii kala liitaan.
Dadka ayaa aad uga wal-walsan sida xaaladdu ku dambeyn doonto, gaarahaan colaadda ka dhex aloosan Israa'iil iyo Xisbullah. "Dadku aadbey uga walwalsan yihiin in xaaladdaan ay sii socon doonto oo waliba waxay aad uga deyrinayaan in ay aad uga duwan tahay xaaladdu sidii 2006-dii ka dhex dhacday ururka Xibsullah iyo Israa'iil," ayay tiri Xamde Raage.
Sharon Atyang, oo ah ardayad 27 jir ah oo kana soo jeedda waqooyiga Uganda, waxay hadda dhameystiraysaa heerka labaad ee waxbarashadeeda.
Waxay tiri "dhibaatooyinka korontada iyo internetka ee guriga ka jira waxay ka dhigeen mid aan suurtagal ahayn in waxbarashadeeda dhanka Online-ka ah, aan sii wato, dadkii deeqda waxbarasho i siiyayna ma ogi haddii aan dalkeyga ku laabto inay i soo celin doonaan” ayay tiri.
Si guud xaaladda Lubnaan waxaa sii cakiraya hajabaadaha ay is wadaarsanayaan dhinacyada Israa'iil, Xisbullah iyo Iran oo taageerta ururka Xisbullah. Lamana qiyaasi karo sida wax noqon doonaan maalmaha iyo bilaha soo aaddan maadaama gobolka xiisaddiisu ay ka taagneed muddo dheer.

Xigashada Sawirka, Reuters













