Maxaa xalay ka dhacay Beyruut iyo qiiq madow oo saaka laga arkayo halkaas

Xigashada Sawirka, Reuters
Duqeymaha Israa’iil ayaa u muuqda inay sababeen qaraxyo waaweyn oo ka dhacay meel ka baxsan garoonka caalamiga ah ee Beyruut, xilli habeen kale oo xalay ahayd duqeymo cirka ah la beegsadeen kooxda Xisbullah ee magaalada.
Ma cadda bartilmaameedka balse garoonku wuxuu xuduud la leeyahay deegaanka Dahiyah oo ah xarunta ay Xisbullah ku xooggan tahay ee caasimadda. Qiiq badan ayaa laga arkayay magaalada oo dhan markii uu waagu baryay maanta oo jimce ah.
Geesta kale, ciidamada Lubnaan ayaa sheegay in laba ka mid ah askartooda lagu dilay koonfurta dalkaas, iyadoo ciidamada Israa’iil ay sii wadeen duullaankooda ka dhanka ah Xisbullah, waxayna ku amreen dadka deggan 20 kale oo magaalo iyo tuulooyin ah inay ka guuraan.
Milateriga Israa’iil ayaan ka hadlin arrintan, balse waxay sheegeen in ciidamadooda ay dileen dagaalyahanno ka tirsan Xisbullah oo ku sugnaa meel u dhow xuduudda. Xisbullah ayaa sheegtay in ay beegsatay ciidamada Israa’iil ee labada dhinac ee xuduudka.
Labada weerar ee khasaaraha badan dhaliyay ee lagu qaaday askarta ciidamada Lubnaan ayaa saacado yar u dhexeeyey maalintii Khamiista oo ahayd maalintii saddexaad ee howlgalka Israa'iil ee dhanka xadka.
Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay in afar ka mid ah mutadawiciinteeda ay sidoo kale dhaawacyo fudud yihiin, waxaana dhaqdhaqaaqooda uu la shaqaynayey nabad ilaalinta Qaramada Midoobay.
Ciidanka ayaa sheegay in dhacdadii labaad lagu dilay askari kale "kadib markii Israel ay beegsadeen fariisin ciidan oo ku yaala aagga Bint Jbeil".
Bulshooyinka lagu amray in ay guuraan Talaadadii, dhamaantood waxay deggan yihiin waqooyiga webiga Litani, kaas oo qiyaastii 30km (18 mayl) u jira xudduudda.
Kahor duulaanka, Israa’iil waxay dalbatay in Xisbullah ay isaga baxdo Litani, iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee soo afjaray dagaalkii ugu dambeeyay ee 2006-dii .
Isaga oo BBC-da kula hadlayay Beyruut agaasimaha dalka ee Hay’adda Cunnada Adduunka ee dalka Lubnaan, Matthew Hollingworth, ayaa ku tilmaamay xaaladda halkaas ka jirta inay tahay “mid argagax leh”.
“Waxaa jira qiiq madow oo dul heehaabaya xaafadaha koonfureed, waxaana aragnaa subax walba markaan shaqada u nimaadno oo aan aragno maalinta oo dhan. Waxaana jira tiro dad ah oo ku barakacay daafaha magaalada.”
Juan Gabriel Wells, oo ah agaasimaha dalka Lubnaan ee guddiga samatabbixinta caalamiga ah, ayaa sheegay in ku dhawaad kala bar dadka barakacay ee uu ururkiisu sahanka ku sameeyay hoyga ay dawladdu maamusho ay ahaayeen carruur da'doodu ka yar tahay 15 jir.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Duqeymihii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ka geysatay Beyruut ayaa ku soo aadeysa 24 saac kadib markii la weeraray dhismo la dego oo ku yaalla bartamaha caasimadda.
Hay'adda difaaca madaniga ah oo xiriir la leh Xisbullah ayaa sidoo kale sheegtay in toddobo ka mid ah shaqaalahoda ay ahaayeen sagaal qof oo lagu dilay weerarka.
Wasiirka caafimaadka Lubnaan ayaa markii dambe sheegay in in ka badan 40 ka mid ah shaqaalaha caafimaadka iyo dab-damiska ay ku dhinteen duqaynta Israa’iil saddexdii maalmood ee la soo dhaafay.
Ciidamada Cirka ee Israa'iil ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah maalintii Khamiista ee lala beegsaday bartilmaameedyo ay ku sheegeen inay ka tirsan yihiin Xisbullah oo ay ku jiraan xarumaha sirdoonka ee kooxda, goobaha hubka laga soo saaro, xarumaha lagu kaydiyo hubka.
Laba toddobaad oo duqeymo iyo weeraro kale oo Israa’iil ay ku bartilmaameedsatay Xisbullah ayaa lagu dilay in ka badan 1,300 oo qof guud ahaan Lubnaan, waxaana ku barakacay in ka badan hal milyan, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Lubnaan.

Israa'iil ayaa qaaday weerarka ka dib ku dhawaad hal sano oo colaad xudduudaha ah oo ka dhashay dagaalka Qasa, iyada oo sheegtay in ay doonayso in ay xaqiijiso in ay si nabad ah ku soo laabtaan dadka deggan aagagga xudduudaha ee ay barakiciyeen gantaalladaiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Xisbullaah.
IDF ayaa sidoo kale ku dhawaaqday Khamiista in diyaaradaheedu ay duqeeyeen 200 oo bartilmaameedyo oo ku yaalla koonfurta Lubnaan iyo meelo kale oo ay ku jiraan xarumaha kaydinta hubka iyo goobaha kormeerka.
Ciidamada waxay intaa ku dareen in dhisme ay ku noolaayeen saddex taliye oo tirsan Xisbullah lagu burburiyey hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada cirka iyo kuwa lugta.

Xisbullah ayaa sheegtay fiidnimadii Khamiista in dagaalyahanadeeda ay "iska caabiyeen isku dayo fashilmay" oo ay sameeyeen kumaandooska Israa'iil oo ay ku doonayeen in ay gudaha u galaan qaar ka mid ah tuulooyinka xuduudka ah ku yaalla.
IDF, waxay sheegtay in in ka badan 230 madfac lagu soo riday dhulka Israa’iil intii lagu jiray maalintaas. Inta badan waa la qabtay ama waxay ku dhaceen meelo bannaaan sida ay ciidanka Israa’iil sheegen
Dean Sweetland, askari hore oo British ah oo u guuray Israa'iil siddeed sano ka hor, waa mid ka mid ah dadka tirada yar ee weli ku nool kibbutz oo ku dhow magaalada Bint Jbeil ee Lubnaan.
Waxa uu BBC-da u sheegay in gurigiisa uu dhowr jeer ku gariiray maalintiiba gantaallo iyo garnaylada lidka taangiyada laga soo tuuro Lubnaan, kuwaas oo qaar ka mid ah ay qabteen difaaca cirka ee Israa’iil.













