Maayarkii ugu da'da yaraa waqooyiga Gaalkacyo iyo waxa uu qaban doono

Xigashada Sawirka, Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL
Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland waxaa shalay ka dhacday doorashada maayarka, oo ay u tartameen laba murashax oo a labaduba ka tirsan urur siyaasadeedka Kaah.
Ururka Kaah ayaa aqlabiyad ahaan ku guulaystay doorashadii golaha deegaanka, taasoo u saamaxday in gudahooda uu ka yimaado duqa magaalada.
Lix iyo tobanka xubnood ee golaha deegaanka ugu jira ururkaas ayeyy toban ka mid ah u codeeyeen Maxamed Cabdirisaaq Daacad oo noqday maayarkii ugu da’da yaraa ee degmada soo mara.
Duqa cusub ee da’da yar ayaa sheegay inuu hadda dareemayo mas’uuliyad culus iyo in uu fursad u helay in bulshada deegaankiisa uu u shaqeeyo.
Wuxuu sheegay Daacad in Muqdisho uu ku dhashay sanadkii 1989-kii isla markaana waxbarashada uu ka gaaray heerka labaad ee Jaamacadda.
Ka hor qabashada xilkaan shalay uu ku guuleystay waxa uu soo qabtay shaqooyin kala duwan oo waxbarashadu ay ka mid tahay.
Wuxuu soo noqday guddoomiyaha mid ka mid ah xaafadaha waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ah dhanka Puntland, gaarahaan xaafadda Yameys.
Sidoo kale Maxamed Cabdirisaaq Daacad Xildhibaan golaha deegaanka ah iyo maamule mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla Gaalkacyo ayuu soo noqday.

Xigashada Sawirka, Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sababaha u fududeeyay in uu hadda noqdo duqa magaalada Gaalkacyo ayuu qaarkood ku sheegay in uu yahay xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka, sidoo kalena uu ka tirsanyahay xisbiga Kaah ee aqlbiyadda ka helay golaha doortay.
Wuxuu intaa raaciyay Daacad in qorshihiisa siyaasadda uu la wadaagay xildhibaannada u codeyay ayna u arkeen sida uu isagu sheegay inuu hoggaamin karo magaalada.
"Waqti dheer ayaan runtii ku haminayay in aan fursadda noocaan oo kale ah aan dadkeyga iyo bulshadeyda ugu shaqeeyo" ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq Daacad oo BBC-da warysi siiyay.
Gaalkacyo waxaa lagu sheegaa inta badan in ay tahay magaalo ay ku badanyihiin rabshadaha iyo isku dhacyada dadka wada deg, iyadoo taa ay jirto ayaa Maxamed Cabdirisaaq Daacad waxaa uu sheegay in qorshihiisa siyaasadeed uu yahay in uu ka shaqeeyo nabadda iyo mdnimada dadka wada deg labada dhinac ee magaalada ee Puntland iyo Galmudug.
"Waxyaabaha ugu horreeya ee ajandaheyga siyaasadeed nambarka koowaad u ah waa in aan runtii ka shaqeeyaa mideynta iyo nabadda walaalaha wada dega ee Galmudug iyo Puntland labadooda shacab," ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaa raaciyay duqa waqooyiga Galalkacyo in dadka magaalada wada deggan ay isku dan-yhiin wax badnna ay ka dhaxeeyaan, loona baahanyahay in ay si wada jir ah uga shaqeyaan ammaanka iyo horumarka magaalada.
"Fursadda aan haysano waxaa weeye si wada jir ah aniga iyo dhigay oo ah (duqa dhanka Galmudug) in aan si wada jir ah uga shaqeyno, waxaana u arkaa haddii labada dhinac -labada dowladood ay wada shaqeeyaan in mas'uuliyadda na saaran aan ka soo bixi karno" ayii yiri Daacad oo BBC-du waydiisay sida ay labada dhinac u wada shaqeyn karaan.
Maxamed Cabdirisaaq Daacad ayaa xilkaan qabanaya kadib markii dabayaaqadii bishii aynu ka soo gudubnay ee September uu is casilay Xasan Maxamed Jamaac (Xasan jidka) oo horey xilkaan u hayay.
Xasan ayaa sheegay markii uu xilka ka tagayay in kadib kulamo uu la qaatay qaybaha bulshada uu go'aansaday in uu xilka banneeyo hase-yeeshee faahfaahin kama bixin sababta keentay inuu xilka ka tago.

Xigashada Sawirka, FACEBOOK













