Maxay tahay waxa hadda la ogaaday ee uu ninkan ku sameyn jiray gabadha uu hooyadeed qabay?

Colombia

Xigashada Sawirka, Reuters

Dacwad-oogayaasha dalka Colombia ayaa shalay ku dhawaaqay eedeymo tacaddiyo jinsi oo ka dhan ah aabbaha labo ka mid ah afar carruur ah oo bishii May ka badbaaday shil diyaarad oo ka dhacay gobolka Amazon ee dalkaas.

Carruurta ayaa la waayay kaddib markii diyaarad yar oo ay ku safrayeen ay dhacday, waxaana ku dhintay hooyadood iyo labo qof oo kale.

Dacwad-oogayaasha ayaa war ay soo saareen ku eedeeyay Manuel Ranoque inuu tacaddiyo jinsi kula kici jiray gabadha uu adeerka u yahay ee 13 jirka ah, taasoo aad loogu ammaanay sidii ay walaalaheed ka yar ugu badbaadisay keymaha muddo 40 maalmood ah.

Ranoque, oo la xiray Jimcihii, ayaa lagu eedeynayaa inuu tacaddiyo u geysan jiray gabadha uu hooyadeed qabay tan iyo intii ay 10 jirka ahayd.

Wakaaladda wararka Reuters oo warkan laga soo xigtay uma aysna suurtogelin inay la hadasho Ranoque amaba qareenkiisa, si ay ay arrintan wax uga weydiiso.

Carruurtan oo da’doodu ay u dhaxeysay 1 ilaa 13, ayaa isbitaal la dhigay muddo bil ah kaddib markii lasoo badbaadiyay bishii June ee sanadkan.

Waxaa tan iyo markaas gacanta ku hayay machadka xannaanada qoyska ee Colombia, halkaasoo dacwad-oogayaashu ay sheegayaan inay tahay meesha laga ogaaday arrintan.

Iyadoo sii dhimaneysa ayay carruurteeda kula talisay inay isaga tagaan oo ay naftooda badbaadiyaan

Colombia

Xigashada Sawirka, Reuters

Hooyada dhashay afartan carruurta ah oo la soo badbaadiyay kaddib 40 maalmood oo ay ku jireen keymaha Amazon ayaa la sheegay inay nooleyd afar maalin kaddib markii diyaaraddii ay la socdeen ay burburtay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Magdalena Mucutuy ayaa iyadoo sii dhimaneysa carruurteeda kula talisay inay iska tagaan oo ay caawinaad raadsadaan.

Aabbaha carruurtan ee eedeymaha loo heysto, Manuel Ranoque, oo xilligaasi warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gabadhiisa weyn ay u sheegtay in hooyadood ay kula talisay "inay iska tagaan" oo ay is badbaadiyaan.

Walaalahan, oo da’doodu ay kala tahay 13, sagaal, shan, iyo hal jir, ayaa markii laga soo badbaadiyay keymaha lagu qaaday diyaarad.

Waxaa kaddib la geeyay isbitaal militari oo ku yaalla caasimadda Colombia ee Bogota.

"Waxa keliya ee [Lesly oo 13 jir ah] ay ii caddeysay ayaa ah, in xaqiiqdii, hooyadeed ay nooleyd afar maalin," ayuu Mr Ranoque u sheegay weriyeyaasha isagoo bannaanka isbitaalka ku sugan.

Lesley ayaa ah gabadha la sheegay in aabbahan uu tacaddiyo kula kici jiray.

"Kahor inta aysan dhiman, hooyadood ayaa ku tiri, 'Adinka ka taga halkan. Adinku waxaad arki doontaan nooca qof ee uu aabbihiin ahaa, wuxuuna idiin tusin doonaa jaceylka aan aniga idiin tusiyay," ayuu yiri.

Faahfaahinno ayaa ka soo baxayay markii ay carruurtu joogeen keymaha iyo sidii mucjisada ahayd ee loo soo badbaadiyay – waxaana ka mid ahaa waxyaabihii ugu horreeyay ee ay carruurtan yoraahdeen markii la helay.

Nicolás Ordóñez Gomes oo ah shaqaale gargaar ayaa dib u milicsanaya markii ay arkeen carruurta.

"Gabadha ugu weyn, Lesly, oo cunugga ugu yar gacanta ku heysa, ayaa igu soo orodday. Lesly waxay tiri: 'Waan baahanahay,'" ayuu u sheegay warbaahinta RTVC.

"Mid ka mid ah labada wiil dhulka ayuu jiifay. Wuu soo istaagay wuxuuna igu yiri: 'Hooyadey way dhimatay.'" Wuxuu sheegay in samatabixiyeyaashu ay ugu jawaabeen "erayo wanaagsan, iyagoo u sheegaya inay saaxiibbo ahaayeen, oo ay qoyska usoo direen iyaga".

Mr Ordóñez ayaa sheegay in wiilku ku jawaabay: "Waxaan rabaa rooti iyo sausage."

Colombia

Xigashada Sawirka, Reuters

Carruurtan waxay ka soo jeedaan qowmiyadda Huitoto, awowgood ayaana warbaahinta Colombia u sheegay in aqoonta ay u leeyihiin miraha la cuni karo ay muhiim u ahayd soo badbaadintooda.

Gabadha carruurta ugu weyn ee 13-jirka ah Lesly, ayaa lagu ammaanay inay walaalaheed badbaadisay.

Henry Guerrero, oo ah nin u dhashay qomwiyadda Huitoto qeybna ka ahaa kooxdii soo badbaadisay carruurta, ayaa sheegay inay u suurto gashay inay dhistaan meel yar oo ay ku hoydaan.

"Waxay sameysteen teendho go’ ayayna dhulka dhigteen. Waxay mar walba joogi jireen meel u dhow webiga, iyada [Lesly] ayaana sidatay dhalo cabitaan ka hdammaaday oo ay biyo kusoo dhaamin jirtay."

Muuqaal laga soo duubay carruurta markii la badbaadinayay, ayaa la arkayay afartan walaalo oo ay ka muuqato tabardarro ay ka qaadeen intii ay is badbaadinayeen.

Mr Guerrero ayaa sheegay in "waxa keliya ee markii la helay ay maanka ku hayeen ay tahay in wax la cuno". "Waxay rabeen inay cunaan bariis, waxay doonayeen inay cunaan rooti," ayuu yiri.

Ms Mucutuy iyo carruurteeda ayaa 1-dii May ku safrayay diyaaradda Cessna 206 oo kasoo duushay Araracuara, oo ka tirsan gobolka Amazonas, waxayna kusii jeedeen San José del Guaviare.

Qorshahooda ayaa ahaa inay u tagaan aabbahood, oo gurigooda uga cararay kaddib markii ay usoo hanjabeen kooxo mucaarad ah.

Diyaaradda ayaa ku burburtay keymaha cufan ee ku yaalla koofurta Colombia kaddib markii uu matoorka ka hallaabay. Labo toddobaad ayay kooxaha samatabixinta ku qaadatay inay helaan halka ay ku burburtay.

Colombia

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Awoowaha carruurta, Fidencio Valencia

Meydadka dad diyaaradda saarnaa – hooyada carruurta iyo labada duuliye – ayay ciidamadu ka heleen goobta burburka balse waxay u muuqatay in carruurtu ay sii galeen keymaha si ay caawinaad u helaan.

Carruurta la waayay ayay markaas diiradda saareen kooxaha badbaadada oo ka koobnaa in ka badan 100 askari, dadkii deegaanka u dhashay iyo eeyaha wax baara.

Kooxaha wax baarayay ayaa la sheegay inay dhowr mar calaamado ku arkeen keymaha, waxaana ka mid ahaa raadka iyo miro la cunay, kuwaasoo u caqiijiyay inay carruurtu badbaadeen.

Helikobtarro ayaa loo diray halkaas, waxayna baahinayeen farriin la soo duubay oo ah codka ayeydood oo luqadda Huitoto ku hadleysa kun aboorrineysa inay halkooda joogaan si ay u fududaato baadigoobkooda.

Carruurta ayaa samatabixiyeyaasha u sheegay inay maqleen kelikobtarrada iyo farriintaba.

Ugu dambeyn kooxaha samatabixinta ayaa helay 40 maalmood kaddib, iyagoo maqlay oohinta mid ka mid ah walaalaha. "Markii aan helnay, waxay dhabtii ahayd farxad weyn,"ayuu yiri Mr Guerrero, oo sharraxayay marxaladda.

Awoowaha, Fidencio Valencia, ayaa sheegay inay "aad daciif u ahaayeen, ayna ku yaalleen dhaawacyo yar yar, waxaa hayay xanuun ay ka qaadeen keymaha, balse guud ahaan way fiicnaayeen, waxay ku jiraan gacmo ammaan ah".