Muxuu dalka Soomaaliya deriska la ah ka faa'iidayaa dayax-gacmeedka uu hawada u diray?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa hawada sare u dirtay dayax-gacmeedkii ugu horreeyay ee dalku leeyahay kaas oo muddo lagu waday horumarin iyo tijaabooyin hirgalintiisa.
Howlgalkan hawada sare ee Jabuuti waxaa wadajir loogu dhisay ka dib iskaashi dhex maray Djibouti iyo Center Spatial Universitaire de Montpellier ee Faransiiska.
Koox la soo xulay oo ardayda reer Jabuuti ah ayaa noqday qayb ka mid ah geeddi-socodkii laga bilaabo diyaarinta naqshada ilaa dhammaystirka farsamada iyadoo ay haganayaan injineerro khabiir ah oo jooga Faransiiska.
Dayax gacmeedkan oo lagu magaaco Djaibouti-1A ayaa soo aruurinaya xogaha iyo macluumaadka ku saabsan isbaddalka cimilada iyo cilmi baarisaha
Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jabuuti Nabiil Maxamed Ahmed oo ka hadlay hirgalinta mashruucan ayaa xusay inuu dalka u yahay fursad bilow ah oo ay ku horumarinayaan cilmi baarisyda
“Waxaanu diyaarinay dhammaan waxyaabihii lagama maarmaanka u ahaa in mashruucan lagu guuleysto oo ay ugu horreyso xulashada ardayda Jabuuti soo saaraan si ay u sameeyaan horukac dhanka tiknoolajiyada taas oo horseedaysa in Djibouti ay awood u leedahay inay soo saarto dayax-gacmeedka oo ay hawada u dirto dayax gacmeedkan” ayuu yiri Nabiil
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in mashruucan dayax gacmeedka ay jabuuti ugu tababarteen ilaa 10 qof oo isugu jira Imgineero iyo farsamayaqaano iyagoo sidoo kale horumarin lagu sameeyey habka soft wareka.
Dayax gacmeedkan waxaa uu dalka Jabuuti ka caawin doonaa inay helaan xogta dalka waqtiyada loo baahan yhay gaar ahaan heerkullka, roobabka, gaar ahaan xaddigga biyaha roobabku dhigaan.
Sidoo kale waxaa kaalin weyn ka tarayaa dayax gacmeedkan sida kor loogu qaado beeraha oo si wanaagsan loola socdo isbeddellada deegaanka ee waddanka oo dhan.

Xigashada Sawirka, TZ2
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa toos u daawanayey xilligii hawada loo dirayey dayax gacmeedka dalkiisu u diray hawada sare.
Dayax gacmeedka ayaa sanadkan 2023-ka maray tijaabo adag isagoo Jabuuti ku tilmaamtay horumar dhanka tecnolajiyada oo dalku gaaray
Dalkan ku yaala bariga Afrika ayaa xusaya horumar tignoolajiyada ah oo muhiim ah taas oo muujinaysa guul weyn oo u soo hoyatay isku filnaanta tignoolajiyadda Djibouti iyo horumarka sayniska.
Waxay u oggolaanaysaa Djibouti inay door firfircoon ku yeelato bulshada hawada sare ee caalamka oo ay wax ka qabato caqabadaha ka jira xudduudaheeda.
Dhacdadan taariikhiga ah waxay ka dhacday Saldhigga Ciidanka Cirka ee Vandenberg dalkuna wuxuu hamigan galiyey muddo sanadaa.
Ma aha markii ugu horreysay ee ay Jabuuti hawada hiigsato. Horraantii sanadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu ku dhawaaqay in Jabuuti ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay Afrika ee dekad ka fura hawada.
Madaxweynaha ayaa horraantii January bartiisa Twitter-ka kusoo qoray in dalkiisa uu qorsheynayo dekaddan hawada sare laga dhisayo, iyadoo lala kaashanayo shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Hong Kong Aerospace Technology. Waa mashruuc weyn oo dalkan Geeska Afrika ku yaalla uu ku horumarinaypo dhaqaalihiisa.
Jabuuti ayaa in muddo ah ku tiirsaneyd dhulkeeda istaraatiijiga ah ee Badda Cas ku xeeran, waana mid ka mid ah marinnada ganacsi ee ugu mashquulka badan adduunka.
Macluumaadkan waxaa daabacay Facebook. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri Facebook xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka Facebook boggan
Dalal Bariga Afrika iyo tartanka hawada sare

Xigashada Sawirka, TZ2
Dalalka ku yaalla Bariga Afrika ayaa tartarn ugu jiray sidii ay door ugu qaadan lahaayeen helidda tignoojiyadda ka caawin karta dhanka hawada sare gaar ahaan cilmi baarista beeraha iyo la socodka cilmi baarista cimiladda.
Kenya iyo Itoobiya ayaa dadaal xooggan u galay sidii ay u heli lahaayeen dayax gacmeed ka caawiyada kobcinta xaga beeraha maadaama dalalkan haystaan dhul beereed baaxad leh.
Sanadkan 2023-ka Kenya ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horreeyay kaas oo dul saaran gantaalka SpaceX ee ka yimid Mareykanka, sida ay muujisay warbixin toos ah oo ay soo saartay shirkadda gantaallada ee Elon Musk.
Dayax gacmeedkan oo ay soo saareen sagaal injineer oo Kenyan ah ayaa uruurin doona xogta beeraha iyo deegaanka, oo ay ku jiraan fatahaadaha, abaaraha iyo dabka, kuwaas oo mas’uuliyiinta ay qorsheynayaan in ay u adeegsadaan maareynta musiibooyinka iyo la dagaallanka cunno yarida.
Sidoo kalana Itoobiya ayaa hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horeeyay sanadkii 2019-kii kaas oo laga ganay hawada saree e dalka shiinaha
Dayax gacmeedkan ayaa waxaa naqshadeeyay Injineero u dhashay Shiinaha iyo Itoobiya, waxaana dowladda Shiinaha ay bixisay illaa 6 milyan oo doollar oo ka mid ah in ka badan 7 milyan oo doollar oo ku baxay wax soo saarka, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Solomon Belay oo ah agaasimaha guud ee machadka sayniska iyo tignoolajiyadda Itoobiya.














