22 Itoobiyaan ah ayaa ku dhimatay shil baabuur oo ka dhacay gobolka Cafarta

Xigashada Sawirka, Afar Communication Bureau/Facebook
Ugu yaraan 22 ayaa ku dhimatay 65 kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii uu la rogmaday gaari xamuul ah ay ku safrayeen gobolka waqooyiga bari ee Cafarta, sida uu sheegay sarkaal sare oo lagu magacaabo Mohammed Ali Biedo.
Ku dhawaad 85 muhaajirin ah ayaa ku safrayay wadada bariga dalka markii gaariga uu ku rogmaday magaalada Semera saakay.
Halka ay u socdeen lama oga balse wadadaas waxay isku xirtaa Itoobiya, Jabuuti iyo ilaa iyo Yemen kadidbna waxaa laga sii aadaa Sacuudiga iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe.
Yemen ayaa ah jidka ugu weyn ee muhaajirinta ka imaanaya Bariga Afrika sii maraan si ay shaqo uga helaan wadamada Khaliijka.
Beido wuxuu kaloo sheegay in 30 qof oo wax ku noqday shilka in xaaladoodu ay aad u liidato.
Hay’ada caalamiga ee muhaajirinta IOM waxay ku tilmaantay safarka geeska Afrika ee dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea ilaa Yemen in uu yahay kan mashquulka badan.
In ka badan 60-kun oo muhaajirin ah ayaa yimid Yemen sanadkii 2024-kii oo kaliya, intooda badan waxay galeen Sacuudiga sida ay IOM sheegtay













