Muxuu yahay xanuunka halista ah ee laga helay Joe Biden?

Joe Biden

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Joe Biden oo sawirkan laga qaaday mar uu bishii lasoo dhaafay ka hadlayay shir ka dhacayay Chicago
    • Author, Nadine Yousif
    • Role, BBC News

Madaxweynihii hore ee Maraykanka Joe Biden, oo 82 jir ah, ayaa laga helay kansarka qanjirka borostaatada, kaasoo ku faafay lafihiisa, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiskiisa Axaddii.

Biden, oo xafiiska ka tagay bishii Janaayo, ayaa xanuunkan laga helay Jimcihii ka dib markii uu arkay dhakhtar toddobaadkii hore isagoo isku arkay calaamado la xiriira kaadida oo isa soo tarayay.

Kansarkan waa nooca ugu daran cudurka, oo lagu garto dhibcaha Gleason waana 9 ka mid ah 10. Tani waxay la macno tahay jirradiisa waxaa loo kala saaraa "heer sare" unugyada kansarku si dhaqso ah ayay u faafi karaan, sida laga soo xigtay Cancer Research UK.

Biden iyo qoyskiisa ayaa la sheegay inay dib u eegis ku sameynayaan xulashooyinka noocyada daawaynta. Xafiiskiisu wuxuu intaa ku daray in kansarku uu ahaa mid xasaasi ah oo hormoonka ah, taasoo la micno ah inay u badan tahay in la maareyn karo.

Bayaanka Axaddii kasoo baxay xafiiska Biden ayaa lagu yiri: "Toddobaadkii hore, Madaxweyne Joe Biden waxaa lagu arkay baaritaan cusub oo qanjirka 'prostate nodule' ka dib markii uu isku arkay calaamadaha kaadida oo kasii daraya.

"Jimcihii, waxaa laga helay kansarka qanjirka 'prostate', oo lagu garto dhibcaha Gleason ee 9 (Heerka Kooxda 5) oo lafaha saameeyay.

"In kasta oo tani ay ka dhigan tahay nooca ugu daran cudurka, kansarku wuxuu u muuqdaa inuu yahay hormoon-xasaasi ah kaas oo u oggolaanaya maarayn waxtar leh."

Kadib markii uu soo baxay xanuunkiisa, madaxwaynihii hore ayaa taageero badan helay.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Madaxweyne Donald Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social kusoo qoray in isaga iyo marwada koowaad Melania Trump "ay ka xun yihiin inay maqlaan xanuunka dhowaan laga helay Joe Biden."

"Waxaan u fidinaynaa rajo wanaagsan Jill iyo qoyska," ayuu yiri, isaga oo ula jeeda marwadii hore ee Madaxweynihii hore Jill Biden. "Waxaan u rajaynaynaa Joe soo kabasho guul leh."

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Kamala Harris, oo ka hoos shaqeysay Biden, ayaa ku qortay X in iyada iyo ninkeeda Doug Emhoff ay qoyska Biden u duceynayaan.

"Joe waa dagaalyahan - waana ogahay inuu caqabaddan kala hortagi doono isla awooddaas, adkeysi, iyo rajo la mid ah taas oo had iyo jeer qeexday noloshiisa iyo hoggaamintiisa," Harris ayaa tiri.

Qoraal uu soo dhigay barta X, Barack Obama - oo soo noqday madaxweyne intii u dhaxaysay 2009 ilaa 2017 Joe Biden oo ahaa ku xigeenkiisa - wuxuu sheegay in isaga iyo xaaskiisa Michelle ay "ka fikirayeen dhammaan qoyska Biden".

"Qofna wax badan kama qaban si uu u helo daaweynta kansarka noocyadiisa kala duwan marka loo eego Joe, waxaana hubaa inuu caqabaddan kula dagaallami doono go'aankiisa iyo nimcadiisa. Waxaan u baryaynaa caafimaad degdeg ah oo buuxa," ayuu yiri Obama.

Sannadkii 2016-kii, Obama wuxuu u xilsaaray Biden inuu hoggaamiyo barnaamijka cilmi-baarista kansarka ee dawladda oo dhan ee "cancer moonshot".

Kansar

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warkan ayaa imaanaya ku dhawaad sanad kadib markii madaxweynihii hore lagu qasbay inuu ka haro doorashada madaxtinimada Mareykanka ee 2024-ka sababo la xiriira xaaladdiisa caafimaad iyo da'diisa. Waa qofkii ugu da'da weynaa ee qabta xafiiska taariikhda Mareykanka.

Biden, oo markaas musharraxa Dimuqraadiga u tartamayey dib-u-doorashada, ayaa la kulmay dhaleecayn isa soo taraya oo ku aaddan waxqabadkiisa liita mar uu ka qeyb galay dooddii bishii Juun ee laga sii daayey taleefishinka ee ka dhanka ahaa musharraxa Jamhuuriga iyo madaxweynaha hadda Donald Trump. Waxa lagu beddelay musharraxa Dimuqraadiga madaxweyne ku xigeenkiisa, Kamala Harris.

Kansarka qanjirka 'prostate' waa kansarka labaad ee ugu badan ee saameeya ragga, marka laga soo tago kansarka maqaarka, sida laga soo xigtay Clinic Cleveland. Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka (CDC) ayaa sheegay in 13 ka mid ah 100kii nin uu ku dhici doono kansarka qanjirka 'prostate' mar uun noloshooda.

Da'du waa khatarta ugu badan ee sababta kansarkan, CDC ayaa sidaas sheegtay.

Bishii May, waxa uu wareysi siiyay BBC-da - waana kii ugu horreeyay tan iyo markii uu ka tagay Aqalka Cad - halkaas oo uu ku qirtay in go'aanka looga tagayo tartanka 2024 uu ahaa "mid adag".

Biden ayaa la weydiinayay su'aalo ku saabsan xaaladda caafimaadkiisa bilihii la soo dhaafay.

Barnaamijka The View oo sidoo kale uu ka qeyb galay isla bishii May, Biden wuxuu dafiray sheegashada ah inuu la kulmay hoos u dhac garashada sannadkiisii ugu dambeeyay ee Aqalka Cad. "Ma jiraan wax taas caddeyn kara," ayuu yiri.

Sanado badan, madaxwaynuhu waxa uu u doodayay cilmi-baarista kansarka.

Sanadkii 2022, isaga iyo Mrs Biden waxay dib u bilaabeen hindisaha "moonshot kansarka" iyadoo ujeeddadu tahay abaabulka dadaallada cilmi-baarista si looga hortago in ka badan afar milyan oo dhimasho kansarka ah sanadka 2047.

Biden laftiisu wuxuu wiilkiisa ugu weyn, Beau, ku waayay kansarka maskaxda sanadkii 2015.

Muxuu yahay kansarka borostaatada?

Kansarka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kansarka borostaatada wuxuu saameeyaa qanjirka borostaatada, oo qeyb ka ah hannaanka xubinta taranka ragga ee ka caawiya manida ama biyada. Wuxuu qanjirkan ku yaallaa inta u dhaxeysa xubinta taranka iyo kaadi-heysta.

Sida ay sheegtay waaxda caafimaadka UK ee NHS, caadi ahaan tartiib ayuu u faafaa, sidaa darteed sanado ayaa dhici karta inaan laga war helin. Balse waxay sidoo kale la micno tahay calaamadaha aalaaba sooma muuqdaan ilaa mar dambe oo uu kansarku heer sare gaaray.

Biden ayaa laga helay xanuunka kadib calaamado kaadida oo uu isku arkay, waana mid ka mid ah calaamadaha ugu badan ee kansarka borostaatada. Taasina waxaa sabab u ah in aalaaba kansarkan la ogaado mar uu aad u faafay oo laga ogaan karo tubbada kaadi-heysta ku xiriirisa xubinta taranka ee loo yaqaanno urethra.

Calaamadahaas waxaa ka mid noqon kara inaad in badan u baahato inaad soo kaadiso, iyo sidoo kale hannaanka kaadi-heysta oo daciifa.

Baaritaanka kansarka borostaatada wuxuu qeyb ka yahay baaritaannada caadiga ah ee caafimaadka madaxda sida uu sheegay Dr Jeffrey Kuhlman, oo hore u ahaa dhaqtarka Aqalka Cad markii uu madaxweyne ahaa Barack Obama.

Kansarka borostaatada waa kan labaad ee ay u dhintaan ragga Ameerikaanka ah, sida laga soo xigtay American Cancer Society, marka laga soo tago kansarka sambabbada.

Waxaa sanadkan gudaha Mareykanka laga heli doonaa in ka badan 300,000 oo kiisas cusub ah, sida ay hay'addu sheegtay. Siddeeddii ninba mid ka mid ah ayaa laga heli doonaa kansarka borostaatada inta ay nool yihiin mar.