Muxuu ku dambeynayaa mustaqbalka kooxaha hubeysan ee Kurdiyiinta?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Kooxda kurdiyiinta (PKK) ayaa ku dhawaaqay in ay kala tagayaan oo hubka dhigayaan. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii hoggaamiyaha PKK ee xabisga ku jira, Abdullah Ocalan, kaas oo ku xirnaa Turkiga 26 sano uu ku baaqay in PKK la kala diro 27-kii Feberaayo.
Turkiga ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyay tallaabadan. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa ku tilmaamay tallaabada xisbiga mid taariikhi ah oo rajo leh.
Dhanka kale, agaasinka qeybta saxaafada madaxtooyada Turkiga ayaa sheegay in ay qaadayaan tallaabo kasta oo lagama maarmaan u ah sidii xisbiga uu si nabad ah u kala tagi lahaa.
Ilaa markii xisbigan uu isbahaysi la sameeyay kooxaha ku sugan Syria iyo Ciraaq, waxaa soo baxday su'aallo muhiim ah oo ay ka mid tahay, saameyn ceynkee ah ayey ku yeelaneysaa tallaabadan kooxaha Kurdiyiinta kale ee hubeysan ee ku sugan labadaas dal?
BBC-da waxay la xiriirtay ciidamada SDF ee Suuriya balse afhayeenkooda, Farhad Shami, waxa kaliya uu sheegay waa, "kama hadali karno xaaladaas xilligan".
Rustam Mahmoud oo ah cilmibaare siyaasadeed ayaa BBC-da laanta afka Carabiga u sheegay in go'aanka lagu kala diray PKK lagu gaaray dadaalada dowladda Turkiga ee wax looga qabanayo arrimaha Kurdiyiinta.
Mr. Devlet Bahceli oo ah hoggaamiyaha xisbiga Dhaqdhaaqa Wadaniga kaas oo si hoose wakiil uga ah dowlada Turkiga ayaa saadaaliyay in isbeddello aasaasi ay ka dhacayaan gobolka sanadaha soo socda.
Turkiga waxay doonayaan in dagaalka u dhexeeya Kurdiyiinta iyo Turkida laga saaro militeriga, loona guuro dhinaca siyaasadda, baarlamaanka iyo wadooyin sharci ah.
Saadaasha horumarka gobolka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Turkiga waxay bilooyin hadal haayeen in la kala diro xisbiga KWP ee kurdiga kaddib baaqii degdegga ahaa ee dowladda Bahceli Oktoobar sanadkii la soo dhaafay.
Bahceli wuxuu ugu baaqa in Ocalan loo ogolaado in uu ka soo muuqdo baarlamaaka xisbigana la kala diro.
Turkiga iyo dowalado badan oo reer galbeed ah waxay u arkan xisbiga PKK urur argagixiso oo weeraray kumanyaal rayid ah iyagoo fuliyay weeraro isqarxin ah. Ankara way diiday in ay wadahadal lagasho xisbiga balse waxay siisay cafis xadidan xubnahiisa.
Dagaalka u dhexeeya labada dhinac waxa uu socday 40-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana ku dhintay ugu yaraan 40,000 oo qof.
Ocalan, waa 76 jir, waxa uu ku jiraa xabsiga kaligii ah oo ku yaal jasiirada Imrali oo u dhow Istanbul ilaa iyo 1999-kii.
Kadar Pari oo ah madaxa machadka Kurdiyiinta aan xuduuda laheyn, kana faalooda siyaasada ayaa la fakar ah Rustam Mahmoud oo qaba in PKK aysan diidaneyn in ay hubka dhigaan marka la fiiriyo heshiiska ay la galeen dowlada Turkiga.
Kadari Pari waxa uu sidoo kale tilmaamay in isbeddelada asaasiga ay ku jiraan in la jabiyo ISIS kaddibna la burburiyo qeybaha Suuriya iyo Ciraaq?
Saameyn ceynkee ah ayuu go'aankan ku yeelanayaa Suuriya iyo Ciraaq?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Rostam Mahmoud waxa uu aaminsan yahay saameynta go'aanka xisbiga in ay gaareyso dalalka dariska. Tan koowaad waa midda fakar ah taas oo saameyneysa kumanyaal taageerayaal ah oo ku nool gobolada iyo tan labaad oo ah dhanka militeriga.
Kadar ayaa sidoo kale aaminsan in xisbiga uusan aheyn mid militeri balse uu sidoo kale ahaa xoog saameyn leh oo taageera Kurdiyiinta ku nool afarta qeybood ee Kurdistan.
Labada khabiir waxay isku raaceen in saameynta militeri ee Suuriya ay noqoneyso mid xadidan.
Rustam Mahmoud waxa uu tilmaamay in kooxda Suuriya ee SDF ay tahay mid u taal Suuriya taas oo ku xiran waxybaaha gudaha Suuriya ka socda.
Rustam Mahmoud waxa uu qabaa ciidamada PKK ee Ciraaq in arrintooda aheyn mid u taal Ciraaq, waxay isu arkaan in ay dagaal kula jiraan Turkiga fadhigooduna yahay xadka Ciraaq iyo Turkiga.
Turkiga ayaa saldhigyo militeri ka dhisyay goobahaas muddo 25 sano ah si uu ula dagaallamo ciidamadaas

Xigashada Sawirka, Getty Images
Marka laga soo tago arrimaha Suuriya iyo Ciraaq waxay labada khabiir ka hadleen arrimo kale.
Rostam Mahmoud wuxuu ka hadlay Iran isagoo sheegay, "waxa mustaqbalka ay kooxdan noqoneyso kalama cada, waxaana suuragal ah in uu noqdo kiisaska ugu adag heerka xiga".
Dhanka kale, Kadar wuxuu aaminsan yahay in Turkiga ay tahay in ay diirada saaraan arrimahooda gudaha isagoo sheegay, "waxaa la joogaa waqtigii la xalin lahaa arrimaha Kurdiyiinta, isbedelna lagu sameyn lahaa dastuurkiga Turkiga si ay uga tarjumo xaqiiqda ka jirta dalka oo ku saleysan qowmiyado kala duwan.













