Laamaha ammaanka Libya oo tahriibayaal kasii daayay 'xabsi qarsoodi ah'

Libya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hay'adaha amniga ee Liibiya ayaa sii daayay in ka badan 200 oo muhaajiriin ah oo ku xirnaa meel ay ku tilmaameen xabsi qarsoodi ah oo ku yaalla magaalada Kufra ee koonfur bari dalkaas, ka dib markii lagu hayay xaalado bini-aadanimada ka baxsan, sida ay labo ilo-wareed oo dhanka amniga ah u sheegeen wakaaladda Reuters maalintii Axadda.

Ilo-wareedyadan oo codsaday in aan magacooda la xusin ayaa sheegay in ciidanka amnigu ay heleen xabsi dhulka hoostiisa ku yaalla oo qoto dheerkiisu yahay ku dhawaad saddex mitir, kaas oo ay sheegeen in uu maamulayay nin Liibiyaan ah oo ka ganacsada dadka. Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in ninkaas aan weli gacanta lagu dhigin.

"Qaar ka mid ah muhaajiriinta la sii daayay ayaa ilaa laba sano ku xirnaa qolalka dhulka hoostiisa ah," ayuu yiri mid ka mid ah ilo-wareedyada. Isha kale ayaa iyaduna sheegtay in waxa ay hawlgalku heleen ay ahaayeen "mid ka mid ah dambiyada ugu xun ee ka dhanka ah bini-aadanimada ee abid laga helay gobolka."

"Hawlgalku wuxuu yimid kadib weerar lagu qaaday xabsi qarsoodi ah oo ku dhex yaalla magaalada, halkaas oo laga helay dhowr qol oo dhulka hoostiisa ah oo loogu talagalay xarigga kuwaas oo xaaladoodu ay aad u xumayd," ayuu raaciyay mid ka mid ah ilo-wareedyada.

Muhaajiriinta la soo badbaadiyay ayaa ka soo jeeda dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Ereteriya, waxaana ka mid ah haween iyo carruur. Magaalada Kufra waxay dhacdaa bariga Liibiya, waxayna qiyaastii 1,700 oo kiiloomitir u jirtaa caasimadda Tripoli.

Libya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Liibiya waxay noqotay waddo ay sii maraan muhaajiriinta ka baxsanaya colaadaha iyo faqriga ee u socda Yurub, iyagoo adeegsanaya waddooyin halis ah oo dhex mara saxaraha iyo badda Meditareeniyaanka tan iyo markii xukunka laga tuuray Mucammar Qadaafi kacdoonkii ay taageeraysay NATO ee dhacay sanadkii 2011.

Dhaqaalaha Liibiya ee ku tiirsan saliidda ayaa isna soo jiita muhaajiriinta tabaalaysan ee shaqo doonka ah, balse amniga dalka oo dhan ayaa ah mid liita, taasoo muhaajiriinta u nugleynaysa tacaddiyo.

Ugu yaraan 21 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga helay xabaal wadareed ku taal bariga Liibiya toddobaadkii hore, iyadoo ilaa 10 qof oo ka badbaaday kooxdaas ay ka muuqdeen calaamado muujinaya in la jirdilay ka hor intaan laga soo deyn afduubka, sida ay laba ilo wareed oo dhanka amniga ah u sheegeen Reuters.

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Liibiya ayaa bayaan uu soo saaray Jimcihii ku sheegay in mas'uuliyiinta bariga dalka ay maxkamad u gudbiyeen eedeysane loo haysto xabaal wadareedkaas, kaasoo lagu soo eedeeyay "inuu galay xadgudubyo halis ah oo ka dhan ah muhaajiriinta".

Bishii Febraayo ee sanadkii hore, 39 meyd oo muhaajiriin ah ayaa laga soo saaray ilaa 55 xabaal wadareed oo ku yaal Kufra. Magaaladaas waxaa ku sugan tobanaan kun oo qaxooti Suudaani ah oo ka soo cararay colaaddii ka qaraxday Suudaan sanadkii 2023