Maxaan ka ognahay safarka la sheegay in Cirro uu ku tegayo Israa'iil?

Wararka sheegaya safarka Cirro ee Israa'iil

Xigashada Sawirka, Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha JSL; naqshadeynta: BBC.

Qoraalka sawirka, Wararka sheegaya safarka Cirro ee Israa'iil
    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC Somali

Warar sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu u safray, ama uu isu diyaarinayo safar uu ku tago Israa'iil, ayaa si weyn ugu faafay baraha bulshada ilaa shalay, balse waxaa garab socda qodobbo muhiim ah oo aanan weli la xaqiijin.

Asalka wararkan wuxuu dib ugu biya-shubanayaa wicitaan taleefan oo dhacay 26-dii Diseembar 2025, kaas oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu. Wicitaankaas, ayaa Netanyahu wuxuu u sheegay Madaxweyne Cirro in Israa'iil ay aqoonsatay Somaliland iyo inay tageerayaan xaqa ay uleeyihiin is-maamul madax banaan, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas mid taariikhi ah.

Wuxuu sidoo kale ku casuumay Madaxweyne Cirro inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Israa'iil, isagoo sheegay inuu gaarsiin doono madaxweynaha Maraykanka Donald Trump rabitaanka Somaliland u qabto ku biirista heshiisyada Abraham Accords oo ujeeddadoodu tahay in la caadiyeeyo xiriirka Israa'iil iyo dalalka Carabta.

Wicitaan taleefan oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, 26-dii Diseembar 2025.

Xigashada Sawirka, Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil

Qoraalka sawirka, Wicitaan taleefan oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil, 26-dii Diseembar 2025.

Madaxweyne Cirro ayaa ku sheegay wicitaanka inuu aqbalay casuumaadda, diyaarna u yahay inuu Israa'iil booqdo "sida ugu dhaqsaha badan ee suurtagalka ah", isagoo tilmaamay in safarku dhici karo sannadkan 2026. Saas oo jidha, jadwal rasmi ah ama war rasmi ah oo safarka la xiriira lama shaacin.

Shalay 18-kii Janaayo 2026, qoraal lagu daabacay barta X oo uu qoray akoon magaciisu yahay Rabbi Avi Hirsch ayaa ku andacooday inuu helay xog ah in Madaxweyne Cirro uu gaaray Israa'iil. Safarkaas oo uu ku tilmaamay mid taariikhi ah oo lagu doonayo in Somaliland si rasmi ah loogu daro heshiisyada Abraham Accords. Qoraalkaas ayaa si degdeg ah u faafay, isagoonan wehelin wax ilo rasmi ah oo xigasho noqon kara.

Magaca "Rabbi Avi Hirsch" waa mid Cibraani ah. "Rabbi" waxaa loogu yeeraa wadaadka Yuhuudiga ah, halka "Avi" uu macnihiisu yahay "aabbahay".

Akoonkaas X ee warka faafiyay ayaa imika la hakiyay. Ka hor inta aan la cinwaanka hawada laga saarin, dad badan ayaa shaki geliyay runnimadiisa, iyagoo ku tilmaamay akoon majaajilo ama marin-habaabin u eg.

Akoonka ayaa isticmaalayay sawirka Sheekh Cabdi Hirsi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo caan ah, inkastoo aysan jirin wax caddeyn ah oo muujinaysa inuu wax xiriir ah la lahaa akoonka ama sheegashooyinkiisa.

BBC-du ma aysan awoodin inay si madax bannaan u xaqiijiso cidda dhab ahaantii maamuleysay akoonkaas ama halka uu ka keenay macluumaadka uu baahiyay.

Dhinaca kale, xogta isha-furan, ama sirta suuqa taalla ee OSINT loo yaqaano, ayaa tibaaxaysa dhaqdhaqaaq lala xiriirinayo diyaarad gaar ah. Sida xogtu sheegayso, diyaarad nooca Hawker 800XP ah, kuna diiwaangashan lambarka T7-NKS, ayaa shalay, 18-kii Janaayo ka duushay garoonka Ben Gurion ee Israa'iil una jiheysatay Hargeysa, iyadoo martay hawada Itoobiya isla markaana sameysay wareegyo hakad ah ka hor inta aysan si toos ah u galin hawada Hargeysa.

Wax caddeyn ah oo si rasmi ah u muujinaysa cidda saarnayd diyaaradda ama ujeeddada duullimaadka lagu ma soo bandhigin goobaha warbaahinta. BBC-du na si madax-bannaan ilaa hadda uma xaqiijin karto liiska rakaabka saarnaa ama sababta diyaaradani u timi Hargeysa.

Dhaqdhaqaaqa diyaaradda T7-NKS

Xigashada Sawirka, AfriMEOSINT/X

Qoraalka sawirka, Dhaqdhaqaaqa diyaaradda T7-NKS

BBC-da ayaa la xiriirtay Somaliland si ay u hesho xaqiijin ku saabsan safarka la sheegay ee Madaxweyne Cirro iyo wararka ku saabsan diyaaradda. Waqtigii warbixintan la diyaarinayay, mas'uuliyiinta Somaliland kama aysan jawaabin wicitaankeenna.

Ilaa iyo inta ay ka imaanayaan xaqiijin rasmi ah oo ka timaadda Somaliland ama Israa'iil, wararkani waxay uun ahaan doonaan war suuq oo aanan la xaqiijin karin.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa 26-kii December ku dhawaaqay in Somaliland ay si rasmi ah ugu aqoonsadeen dal madax-bannaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si xooggan uga hortimid aqoonsigaas, waxayna ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanideeda. Dalal badan oo dunida ah ayaa sidoo kale taageero u muujiyay Soomaaliya, iyadoo aysan jirin dal taageeray aqoonsigaas.