Trump oo sheegay inuu wici doono Putin, muxuuse kala hadlayaa

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Marayanka Donald Trump ayaa sheegay inuu la hadli doono madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin isniinta si ay ugu wadahadlaan joojinta colaada Ukraine, isagoo sheegay in wicitaanku ku saabsanaan doono "joojinta daadinta dhiigga".
Qoraal lagu daabacay barta bulshada ee Truth Social, Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in wicitaanka uu dhici doono 10:00 subaxnimo waqtiga Mareykanka (14:00 GMT), kadibna uu la hadli doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky iyo qaar ka mid ah madaxda waddamada gaashaanbuurta NATO.
Ruushka iyo Ukraine kama aysan gaarin wax horumar weyn ah kulankii fool ka foolka ahaa ee ugu horreeyay muddo saddex sano ah oo ka dhacay magaalada Istanbul Jimcihii, inkasta oo ay isla oggolaadeen is dhaafsiga maxaabiista.
Trump wuxuu soo jeediyay inuu ka qayb galo wadahadalladii ka dhacay Turkeyga haddii Putin uu isna tagayo, balse Madaxweynaha Ruushka ayaa diiday inuu yimaado wadahadalladii ka dhacay dalka Turkeyga.
Hadalka Trump ayaa imaanaya kadib markii uu soo jeediyay in horumar laga gaari karo joojinta dagaalka kaliya haddii isaga iyo Putin ay yeeshaan kulan fool ka fool ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Afhayeenka Kremlin-ka, Dmitry Peskov, ayaa u xaqiijiyay wakaaladaha wararka Ruushka inuu socdo diyaargarow ku aadan si wicitaan u dhaco Isniinta kaas oo u dhexeeya Putin iyo Trump. Labada hoggaamiye ayaa horey mar telefoon uga wada hadlay arrintan.
"Wadahadalku waa mid socda," ayuu Peskov u sheegay wakaaladda wararka ee Tass.
Qoraalka Trump ee barta bulshada ee Truth Social ayaa ku yiri.
"Waxaan rajeyneynaa inay noqon doonto maalin wax soo saar leh, xabad joojin ayaa dhici doonta, dagaalkan rabshadaha wata, dagaal aan waligiis dhicin, wuu dhamaan doonaa."
Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa ugu baaqayay Ruushka inuu aqbalo xabbad-joojin 30-maalmood ah oo la xiriirta dagaalka.
Waxaa la filayaa in madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ruushka ay ka wada hadlaan xabbad-joojin iyo sidoo kale suurtagalnimada shir ay labada hoggaan yeeshaan.
Inkasta oo Moscow aysan u dhaqaaqin si degdeg ah sida uu Trump jeclaan lahaa, haddana waxay soo dhawaysay dadaallada Mareykanka ee dhexdhexaadinta, sida lagu sheegay wicitaan Sabtidii dhex maray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Marco Rubio, iyo dhiggiisa Ruushka Sergei Lavrov.

Xigashada Sawirka, EPA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ruushka ayaa duulaan buuxa ku qaaday Ukraine bishii Febraayo sanadkii 2022-kii.
Ka dib wadahadalladii Istanbul, Ukraine waxay sidoo kale ku celisay baaqeeda ku aaddan xabbad-joojin buuxda oo shuruud la'aan ah.
Sida laga soo xigtay sarkaal Ukraine ah, Kremlin-ka ayaa keenay "shuruudo cusub oo aan la aqbali karin oo ay ka mid yihiin in Kyiv ay ciidamadeeda kala baxdo qaybo badan oo ka mid ah dhulkeeda", ayuu yiri, iyagoo ku beddelanaya xabbad-joojin.
Madaxa wafdiga Ruushka, kaaliyaha Putin Vladimir Medinsky, ayaa sheegay inay ku qanacsan yihiin wadahadallada ayna diyaar u yihiin inay sii wadaan xiriirka.
Saacado ka dib, diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay ayaa ku duqaysay bas rakaabka ah gobolka Sumy, halkaas oo ay ku dishay sagaal qof - taas oo keentay in madaxweyne Zelensky uu dalbado cunaqabatayn adag oo la saaro Moscow.
Waxa uu sheegay in weerarka lagu qaaday baska uu ahaa "dil ula kac ah oo loo geystay dad rayid ah". Ruushka ayaan ka hadlin, balse warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in ciidammadu ay duqeeyeen "xarun ciidan oo diyaar garow ku jirtay" oo ku taal gobolka Sumy.













