Putin diyaar ma u yahay 'xabbad joojin' mise waa ka jahawareerin?

Xigashada Sawirka, Reuters
Wuxuu Vladimir Putin sheegay in Ruushku uu diyaar u yahay joojinta dagaalka, balse "waxaa jira kala shaki." Kala shakigan uu ka hadlay kahor wadaxaajoodka uu la yeelanayo ergada Mareykanka ee Kremlin-ka ayaa ah kuwo si weyn u saameyn kara fursadda xabbad-joojin 30 maalmood ah.
Dalabyada uu Ruushku soo bandhigay waa kuwii uu hore u dalban jiray tan iyo markii uu bilaabay duullaankiisa buuxa, xitaa kahor taas. Laakiin dalabkan, qaar badan oo ka mid ah, ma noqon doonaan kuwo la aqbali karo ama la fulin karo marka la eego mowqifka Ukraine iyo xulafadeeda reer Galbeedka.
Wuxuu Putin ku bilaabay hadalkiisa si rajo leh: "Waxaan ogolnahay soo jeedinta lagu joojinayo dagaalka," balse wuxuu hadalkiisa ku daray: "Joojinta dagaalku waa inay noqotaa mid horseedaysa nabad waarta oo xallisa sababaha asalka u ah dhibaatadan.".
Ma jiro qof diidi kara baahida nabad waarta, balse fikirka Putin ee sababaha asalka u ah dagaalka wuxuu ku wareegayaa xaalado saamaynaya rabitaanka Ukraine ee ah inay ahaato dal madax-bannaan oo ka baxsan saameynta Ruushka.
Ukraine waxay rabtaa inay ka mid noqoto NATO iyo Midowga Yurub – taasoo xitaa lagu caddeeyey dastuurkeeda. Inkasta oo Madaxweyne Trump uu hore u muujiyey shaki ku saabsan xubinnimada Ukraine ee NATO, Putin marar badan ayuu gabi ahaanba meesha ka saaray fikradda ah in Ukraine ay tahay dal madax-bannaan.
Arrintaas ayaa saldhig u ah faahfaahinta uu Putin ka bixiyey dalabkiisa.
Wuxuu doonayaa in la joojiyo awoodda Ukraine ay ku xoojisanayso ciidankeeda iyo hubkeeda – taasoo la micno ah in aan wax hub ah dambe laga siin karin reer Galbeedka. Wuxuu sidoo kale rabaa inuu ogaado cidda xaqiijin doonta arrintaas.
Laga soo bilaabo bilowgii dagaalkan, Putin wuxuu dalbanayay in "militariga laga xoreeyo" Ukraine – taasoo ah wax aanay aqbali karin Kyiv iyo xulafadeeda.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ugu dambeyn, Putin wuxuu u muuqdaa mid raadinaya dammaanad amni oo jihda-ka-soo-horjeedda ah – taasoo la macno ah in Ukraine laga dhigo dal aan lahayn awood militari isla mar ahanataana aan halis ku ahayn Ruushka.
Miyay suurtagal tahay in Ruushku ogolaado inuu joojiyo hubeyntiisa ama diyaarinta ciidamadiisa? Taasi waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn, mana jiraan wax calaamad ah oo muujinaya inuu tanaasul samaynayo, sida uu ula hadlay suxufiyiinta Kremlin-ka.
Putin wuxuu si kalsooni leh ugu soo laabtay Moscow ka dib safar uu ku tegay gobolka xuduudka ah ee Kursk, halkaas oo ciidamada Ruushka ay haystaan gacanta sarena leeyihiin, maadaama Ukraine ay qabsatay qaybo ka mid ah tan iyo bishii Agoosto ee la soo dhaafay.
Ruushku wuxuu hadda xukumayaa dagaalka Kursk, waxaana muuqata in Putin uu dareemayo inuu ttagan yahay xagal adag oo xoog leh, mana doonayo inuu lumiyo faa'iidadaas.
"Haddii aan joojino dagaalka muddo 30 maalmood ah, maxay taasi ka dhigan tahay? Ma dhammaan kuwa halkaas naga jooga ayaa dagaalka ka bixi doona?"
Wasaaradda difaaca Ruushka waxay Khamiistii ku dhawaaqday inay si buuxda gacanta ugu dhigtay magaalada Sudzha, taas oo ahayd magaalada ugu weyn ee Ukrainianka qabsadeen. Putin wuxuu sheegay in waxa ka harsan Ukraine ay tahay xagal yar, markaa muxuu Ruushku u joogsanayaa hadda?
"Haddii go'doon rasmi ah uu dhaco maalmaha soo socda, qofna ma awoodi doono inuu baxsado gabi ahaanba. Waxaa jiri doona laba doorasho oo kaliya – inay is dhiibaan ama dhintaan."
Putin wuxuu sidoo kale sheegtay in xaalada dagaalka ee khadka hore ee 1,000km (620-mile) ay si xawli ah isu bedelayso, isla markaana ciidamada Ruushka ay "ku siqayaan dhamaan jihooyinka."
Dhab ahaantii, taas ma aha waxa ka jira goobta dagaalka, sababtoo ah inta badan jiidda hore waa mid hakad gashay, in kasta oo Ruushku guulo yar ka gaadhay bariga Ukraine.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Putin wuxuu aaminsan yahay in xabbad-joojin 30 maalmood ah aanay iyaga wax badan ugu jirin balse Ukraine ay helayso waqti ay dib isu abaabusho oo ay dib u hesho hub.
"Maxay yihiin dammaanadaha aan ku haysanno inaysan taasi dhicin?" ayuu si maldahan u weydiiyay.
Ilaa hadda, ma jirto hannaan la isku raacay oo xaqiijin kara in shuruudaha xabbad-joojinta la ilaalinayo.
In kasta oo 15 waddan oo reer Galbeed ah ay si hordhac ah u soo jeediyeen in la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah, haddana taas waxay suurtagal noqon kartaa oo keliya marka heshiis nabadeed oo rasmi ah la gaadho, balse ma khuseyso xabbad-joojin.
Ruushkuna xitaa ma ogolaan doono in ciidamo nabad ilaalin ah la geeyo goobaha dagaalka.
Marka la eego dhammaan "faahfaahinta" uu Putin sharxay, wuxuu u muuqday mid aad u shaki qaba sida xabbad-joojinta dan ugu ahaan karto Ruushka, gaar ahaan xilligan uu dareemayo in ciidamadiisu ay leeyihiin gacanta sare.
Putin wuxuu Khamiistii fiidkii Moscow kula kulmay wakiillada Trump, oo ay ka mid yihiin Steve Witkoff.
Si kasta oo ay wadahadalladaasi u dhacaan, Putin wuu ogyahay in wada hadalkiisa ugu muhiimsan uu noqon doono mid uu la yeesho madaxweynaha Mareykanka.
"Waa in aan la hadalno saaxiibbadeenna Mareykanka… laga yaabee in aan taleefon kula hadlo Madaxweyne Trump oo aan kala hadalno arrintan," ayuu yiri.
Laakiin Putin wuxuu horey u caddeeyay shuruudihiisa kahor inta aanay wadahadalladu bilaaban, isaga oo muujinaya in jidka xabbad-joojinta lagu gaari karo uu ka buuxo shuruudo aad u adag oo suurtagal noqon waaya.













