Sida aad ilmahaaga uga ilaalin karto daawashada waxyaabaha anshax darrada ah

Carruurta waa laga ilaalin karaa anshax darrada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Carruurta ardayda ah waxay inta badan, ama qaarkood cabasho ka sameeyaan in heerkooda waxbarasho uu hoos u dhacayo.

Waalidka wiil 15 jir ah ayaa u kaxeeyey dhakhtar cilmu-nafsiga yaqaanna ka dib markii ay ogaadeen in cunugooda oo fasalkiisa ugu sarreeyey ilaa iyo fasalka lixaad uusan iminka waxbarashada siinin.

Markii uu dhakhtarku la hadlay wiilkaas isagoo kaligiis ah, waxaa u soo baxday dhibaatada waxa ay tahay. Wuxuu talo siiyey waalidka wiilkaas, taasoo ka caawinaysa in waxbarashadiisa lagu hagaajiyo.

Markii hore waalidku waxay ogaadeen in ilmahaas uu muddo dheer haystay telefoonka gacanta, oo uu isticmaalayey habeen iyo maalin.

Wiilkaas yar wuxuu dhakhtarka u sheegay in uu qolkiisa hoosta ka soo xiran jiray oo markii la weydiiyo waxa uu telefoonka ku samaynayo uu sheegi jiray "inuu saaxiibadiis la hadlayo".

Dr Ashok oo ku takhasusay cilmu-nafsiga wuxuu ogaaday in wiilkaas uu iskuulka ka dhuuntay si uu u daawado waxyaabaha anshax xumada ah, uuna door biday inuu kaligii joogo, isagoo dadka ka go'ay.

Arrintaas ayaa ah tan ay ka cabanayaan waalidiin dunida daafaheeda ku kala nool.

Dhawaan ayaa waxaa la diiwaan galiyey kiis ka dhan ah nin ku nool gobolka Kerala ee dalka Hindiya, kaasoo lagu eedeeyey inuu sawirrada anshax darrada ah ku daawanayey goob bulshada ka dhaxaysa.

Intii uu socday kiiskaas ayaa la sheegay in daawashada anshax darrada aysan dambi ka ahayn Hindiya, balse hadii uu ilmo yar bilaabo inuu daawado ay taasi ku keenayso saamayn wakhti dheer qaadata.

Maxkamaddu waxay sheegtay in loo baahan yahay in waalidiintu ay ku baraarugsanaadaan khataraha ka imaan kara in carruurta telefoon la siiyo, loona baahan yahay in ay ku dhiirri galiyaan daawashada fiidiyowyo waxbarasho oo horooda lagu shido, ama cayaaraha carruurta loogu tala galay.

Carruurta waa laga ilaalin karaa anshax xumada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Istaraatijiyada ay waalidku kaga hortagi karaan daawashada waxyaabaha anshax darrada ah

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dr Ashok wuxuu sheegay in iminka ay carruurtu si sahlan u heli karaan waxyaabaha galmada la xiriira ee Internetka laga helo, ayadoo tiknoloojiyadu ay ka horumarsan tahay sidii ay markii hoer ahaan jirtay. "Waxaa kaloo jira muuqaallo iyo macluumaad la mid ah kuwa laga helo baraha bulshada" ayuu yiri.

Wuxuu intaa ku daray tan iyo xilligii cudurka Covid 19, in telefoonnada iyo qalabka elektroonigga ah ay beddeleen macallimiinta, ayna ku adkaatay waalidiinta iyo macallimiinta inay ogaadaan marka uu ilmuhu qalabkaas isticmaalayo.

Sida uu khabiirkaas sheegayo, waalidku ma aha inay si hal-haleel uga falceliyaan marka ay ogaadaan in ilmahoodu waxyaabo anshax darro ah uu daawanayo.

"Xanaaqu ma caawinayo carruurta, sababtoo ah waa wax si sahlan loo samayn karo. Kaliya wuxuu xanaaqu sii kordhinayaa inay carruurtu sii raadiyaan waxyaabahaas" ayuu yiri.

Wuxu ku taliyey "qaabka ugu fiican ee loo wajihi karo waa in si deggan oo akhyaarnimo leh loogu sharraxo carruurta, lana fahamsiiyo dhibaatooyinka ka dhalan kara daawashada waxyaabaha anshax darrada ah".

"Haddii aad xanaaqdo, xaaladda ayaad uga sii daraysaa, dhibaatadana ma xallismayso" ayuu sii raaciyey.

Wuxuu intaa ku daray in carruurtu ay inta badan ku ciyaaraan meelo ka fog waalidka agtiisa, taasoo ah arrin iska caadi ah, balse "haddii ay waalidku ay arkaan cunugga oo kaligiis ah,kuna mashquulsan telefoonkiisa, markaa waxaa muhiim noqonaysa inay ilmahaas la hadlaan".

"Weydii haddii ay jirto dhibaato haysata, wakhti sii, una sheeg sida waalidku u jecel yahay".

Sidoo kale wuxuu ku taliyey jawiga loo beddelo iyo in cunnada lala cuno carruurta, taasoo aad isugu soo dhoweynaysa waalidka iyo carruurta.

Dr Ashok wuxuu sheegay in xiriirka noocaas ah uu muhiim yahay, waayo markaas ka dib ayey carruurtu ku dhiirranayaan inay waalidka u sheegaan waxa dhibaya.

Arrin kale oo muhiim ah ayuu ku tilmaamay wixii ka dambeeya da'da 11 jirka, in carruurtu ay muujiyaan inay si dabiici ah wax uga bartaan galmada.

"Waa middaas sababta ay muhiimka ugu tahay waalidka inay carruurtooda wax uga sheegaan arrintan, si aysan u luminin yoolkooda" ayuu yiri dhakhtarku.

Wuxuu ku taliyey in carruurtu marka 11 jir gaaraan lagala taliyo sigaar-cabidda, khamri-cabidda iyo galmada. "Qaabkaas waxay ku helayaan faham" ayuu sii raaciyey.