Nin maxkamad u saaran saaxiibtiis oo uu uga soo tagay buur dusheed kadibna dhimatay

.

Xigashada Sawirka, www.foto-webcam.eu

Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

In ka badan hal sano kadib markii haweeney 33 jir ah ku dhimatay qabow daran oo ka jiray buurta ugu dheer Austria, ninka ay saaxiibbada ahaayeen ayaa maxkamad la soo taagayaa Khamiista, isagoo lagu eedeeyay dil khatar ah oo dayacaad ka yimid. Kerstin G ayaa u dhimatay hypothermia intii ay ku jireen safar buur fuulid ah oo ku wajahnaa buurta Grossglockner, kaas oo ahaa qorshe si xun u qaldamay.

Ninkeeda waxaa lagu eedeeyay inuu ka tagay iyadoo daallan oo aan haysan wax ilaalin ah meel u dhow buurta dusheeda, xilli ay roobab iyo dabaylo xoog leh jireen habeennimadii 19 kii Janaayo 2025, isaga oo sheegay in uu baadidoon ugu baxay si uu caawimaad ugu raadiyo.

Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay dareenka Austria iyo bulshooyinka buur fanashada jecel ee dalal badan, maadaama uu taabanayo mas'uuliyadda qofka khibradda leh marka uu safar la galo qof ka tabar yar.

Dacwad oogayaashu waxay leeyihiin ninka la eedeynayo ayaa ahaa kii khibrad badnaa, sidaas darteedna wuxuu ahaa "hogaamiyihii mas'uulka ka ahaa safarka", balse wuxuu ku guuldarreystay inuu dib u laabto ama caawimaad waco waqtigii ku habboonaa si uu gabadha u badbaadiyo.

Warbaahinta Austria waxay ninka ku magacaabeen Thomas P. Isagu dembiga lagu eedeeyey wuu diidan yahay, waxaana qareenkiisa Kurt Jelinek uu sheegay in geerida haweeneydu ahayd "shil murugo leh".

Safarku wuxuu bilowday markii labadoodu ay fuulayeen buurta Grossglockner oo dhererkeedu yahay 3,798 mitir. Dacwad oogayaasha waxay ku eedeeyeen Thomas P inuu khaladaad badan sameeyay bilowgiiba, waxayna soo bandhigeen liis 9 qalad oo ay sheegeen in uu galay.

Doodda ugu weyn ee kiiskan ka taagan waa halka ay ku kala baxaan go'aan qaadashada qofka, khatarta la aqbalayo, iyo mas'uuliyadda sharci ee ka dhalan karta. Haddii lagu helo dambiga, arrintu waxay noqon kartaa "is beddel weyn oo ku yimaadda ciyaaraha buur fanashada ama buuro fuulidda," sida uu qoray wargeyska Der Standard ee Austria.

Dacwad oogayaashu waxay ku adkeysanayaan in Thomas loo arki karo "hogaamiyihii safarka" maadaama uu lahaa khibrad sare oo silsaladda buuraha ee Alpine loo yaqaan ahayd, islamarkaana uu ahaa qofkii diyaariyay safarka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Waxay sheegeen inuu bilowday safarka isagoo og in gabadhiisu aanay waligeed samayn dalxiis buur fuul oo dhererkiisu, dhibkiisu, iyo qabowgiisu heerkan gaadhsiisan yihiin, islamarkaana xaaladda jiilaalka ay ahayd mid aad u adag.

Waxaa lagu eedeeyay inuu ka dib dhacay wakhtigii saxda ahaa ee ay ahayd inuu gargaar dalbo iyo sida oo kale in uu qaato qalab ku filan oo u sahlaya in uu gurmad fidiyo haddii xaalad degdeg ahi dhacdo.

Waxa kale oo uu oggolaaday, sida ay dacwad oogayaashu sheegayaan, in ay xidhato kabaha "snowboard soft boots" oo ah kuwo aan ku habboonayn buur fuulista dhererka sare ee dhulka adag.

Isaga oo diidan eedahaas, qareenkiisu wuxuu sheegay in labada qofba ay safarka si wadajir ah u qorsheeyeen, islamarkaana labaduba ay isu arkayeen kuwo si fiican u diyaarsan oo leh khibrad ku filan.

Markii ay buurta gaadheen, dacwad oogayaashu waxay leeyihiin inuu farriin helay oo ahayd inuu dib u jeesto, maadaama dabayluhu gaareen 74km/h, heerkulkuna ahaa –8°C, halka dabayl qabowg waddaana ay maraysay –20°C. Si kastaba ha ahaatee, haddana lammaanuhu dib uma ay noqon.

Sheekooyinka waxa dhacay wixii ka dambeeyay way kala duwan yihiin. Qareenka ninka ayaa sheegay inay gaadheen meel la yiraahdo Frühstücksplatz 13:30 duhurnimo 18 ka Janaayo, halkaas oo laga bilaabo aan dib loogu laaban karin kahor inta aan cirka la gaadhin. Labaduba waxay sheegeen inaysan daallanayn, sidaas darteedna ay sii wadeen.

Dacwad oogayaashu waxay yidhaahdeen lammaanuhu waxay ku xayirmeen 20:50 fiidnimo, ninkuna wuu ku guuldarreystay inuu waco booliska ama uu bixiyo calaamad gargaar, xitaa markii diyaaradaha booliska ee qumaatiga u kaca ay kor martay 22:50.

.

Xigashada Sawirka, Bergrettung Kals

Qareenka difaaca ayaa sheegay in markaas labaduba ay weli dareemayeen inay fiican yihiin oo aanay baahi u qabin wicitaan degdeg ah. Sawirro laga qaaday kaamirooyinka webka ayaa muujinaya nalalka ay isticmaalayeen.

Si lama filaan ah, ayuu qareenku sheegay, ay xaaladdu isu beddeshay. Gabadhu si degdeg ah ayay u daashay, ilaa ay awoodi weyday inay dhaqaaqdo. 00:35 habeennimo ayuu ninku wacay garabka buuraha, balse booliska waxay sheegayaan inuusan markale soo wicin, isla markaana uu telefoonkajaray.

Qareenka difaaca wuxuu sheegay in ninkani gabadhiisa uga tagay meel 40 mitir ka hooseysa calaamadda ugu sarreysa ee buurta, isagoo doonayay inuu caawimaad ka raadsado dhinaca kale ee buurta.

Dacwad oogayaashu waxay sheegeen inuusan u isticmaalin bustayaal aluminium ah ama qalab kale oo gabadha ka difaaca qabowga. Wicitaankii xigay wuxuu sameeyay 03:30, xilligaas oo ay u badan tahay inay goor dambe ahayd si loo badbaadiyo. Dabaylihii xoogga lahaa ayaa na ka dhigay in aan helikobtar la dirin Karin, wakhtigaas

Kerstin G waxay ku dhimatay barafka buurta iyadoo kaligeed ah.

Hooyadeed waxay warbaahinta u sheegtay inay aad u jeclayd buur fuulista habeenkii. Qareenka Thomas P ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay geerideeda oo uu tacsi u dirayo qoyskeeda.

Haddii lagu helo dambiga, wuxuu halis u yahay ilaa saddex sano oo xabsi ah, waxaana suurtagal ah in go'aankan uu saamayn ku yeesho mustaqbalka mas'uuliyadda fuulayaasha buuraha marka ay safarrada wada galayaan, iyo sida masuuliyada u kala yeelanayaan.