Qoys Hindi ah oo barafka ku dhex dhintay iyaga oo u lugeynaya Maraykanka

Qoyska reer Patel ee geeriyooday

Xigashada Sawirka, BBC GUJARATI

Qoraalka sawirka, Qoyska reer Patel ee geeriyooday

Mas'uuliyiinta Canada ayaa sheegay in qoys qaboow u dhintay iyaga oo Canada lug kaga baxaya oo Maraykanka galaya in ay ahaayeen dad lasoo tahriibiyay.

Qoyskan oo afar xubnood ka koobnaa, dalka Hindiyana kasoo jeeday ayaa qaboowga daran ee dalkaasi ka jira u dhintay xilli ay dhawr talaabo ah u jireen in ay gudaha u galaan Maraykanka, kana tageen Canada oo maalmo ka hor uun ay safar ku tageen.

Jagdish Patel, 39 jir, xaaskiisa Vaishailben Patel, 37 jir , iyo carruurtooda oo kala ah Vihangi, 11jir iyo Dharkmik, 3 jir ah ayaa ku dhintay meel u dhow gobolka Manatoba ee Canada, xilli ay kasoo gudbeen dalka Maraykanka.

Heerka qaboowga Canada ayaa gaaray darajada -35C habeenkii ay qoyskan iyaga oo lug ah ay isku dayayeen in ay galaan Maraykanka.

Safaaradda Hindiya ee Canada ayaa shaacisay magacyada qoyska oo meydkooda la heleu 19-kii Janaayo. Waxaa sidoo kale arrintan xaqiijiyay booliiska Canada.

Qoyskan ayaa ka yimid gobolka Gujurat ee Hindiya, iyaga oo fiiso dalxiis ku tagay Canada sida ay sheegeen dadkii dariska la ahaa.

Sida uu sheegay mas'uul u hadlay booliiska Canada Rob Hill, qoyskan ayaa Canada duulimaad ku tagay 12-kii Janaayo, iyaga oo isla maalintii xigtay safar ku aadday gobolka Manatoba ee xiga Maraykanka.

Qoraalka Codka, Reer Saleebaan Bidde, qoys wada maansoyahano ah

Lama helin wax gaari ah oo meesha yiilay, taas oo tilmaamaysa in uu jirey qof kaxeeyay oo meesha inta geeyay kasoo laabtay.

Sida ay BBC-da u sheegeen qaar ka mid ah dadka tuulada Dingucha ee Hindiya ee ay qoyska kasoo jeedeen, waxaa jira cadaadis dhaqameed oo dadka ku qasbanaya in ay dibadaha aadaan ama xiriir la sameeyaan, iyada oo dadka ay aad u fahamsanyihiin shuruudaha qofka looga baahanyahay si uu dibada u aado.

Arooskoodii

Xigashada Sawirka, KARTIK JANI

Qoraalka sawirka, Arooskoodii

Booliiska Canada kama aysan hadlin in qoyskan ay la socdeen 7 qof oo reer Hindiya ah oo lagu qabtay xudduuda iyo in kale. Waxaa kale oo jirta in nin lagu magacaabo Steve Shand oo Florida degen lagu soo oogay dacwado la xiriira in uu dad tahriibinayay, isaga oo lagu qabtay in uu gaarigiisa ku waday labo qof oo Hindi ah.

Booliiska ayaa si dhib badan barafka uga soo dhex saaray maydadka qoyskan

Dadka qaar ayaa sheegay in qoyskan ay lugeynayay 11 saacadood oo xiriir ah ka hor intii aysan ku go'doomin barafka daran ee Canada, iyada oo qofna uusan xamili karin hal saac xitaa in uu ku dhex lugeeyo.

Waa arrin cusub in ay dadka u kala lugeeyaan Canada iyo Maraykanka oo cimilada ay aad u xuntahay xilliyada qaar.

Booliiska ayaa adeegsaday gaadiidkaasi kaaraha u eg ee barafka jiira si ay meydadka usoo saaraan

Xigashada Sawirka, RCMP MANITOBA

Qoraalka sawirka, Booliiska ayaa adeegsaday gaadiidkaasi kaaraha u eg ee barafka jiira si ay meydadka usoo saaraan

Booliiska Canada ayaa hadda si weyn u baaraya dhibaatada ku dhacday qoyskan, iyaga oo garab ka helaya safaaradda Hindiya.

Sidoo kale dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in iyaduna ay baaritaan ku hayso dhacdadan.