Sida bakteeriyo laga helo xubinta taranka haweenka ay ugu fiican tahay caafimaadka

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Bakteeriyada nooca microbiome ee laga helo xubinta taranka haweenka ma aysan helin daneyn badan si la mid ah tan laga helo uur ku jirta – balse bakteeriyo si wacan u dheellitiran oo ku jirta xubinta taranka haweenka ayaa gacan ka geysan karta guud ahaan caafimaadkaaga.

Gudaha xubinta taranka waa hannaan jilicsan, oo ka sameysan kumannaan nooc oo bakteeriyo ah, fungas iyo fayrasyo isku maran, oo tartan ugu jira nafaqooyin iyo meel bannaan oo ay ku koraan.

Qaar ka mid ah bakteeriyada ku nool xubinta taranka haweenka ayaa door cajiib ah oo togan ku yeelan kara caafimaadka guud ahaan – laga soo bilaabo ka hortagga cudurka ilaa hagaajinta xaaladaha uurka. Markii vakteeriyada loo yaqaan Lactobacillus ay aad u badan tahay, khatarta dhalmo la'aanta, dhiciska, ilmaha oo xilligooda kahor dhasha iyo xitaa kansarka makaanka ayaa dhammaan yaraada.

Saynisyahannada ayaa haatan u degdegaya inay soo saaraan baaritaanno iyo daaweyn si wanaagsan loogula tacaali karo noolahan il ma qabatada ah. Haddii la garwaaqsado muhiimadda bakteeriyadan, waagan cusub ee daaweynta ayaa dib u ikhtiraaci kara daryeelka caafimaadka xubinta taranka ee haweenka.

Marka sidee ayay bakteeriyada xubinta taranka u saadaalin kartaa caafimaadka – maxaana la sameyn karaa si loo ilaaliyo?

Bakteeriyo

Xigashada Sawirka, .

"Waxay dilaan bakteeriyada xun. Waxay ka hortagaan in bakteeriyadaas xun ay sii korto. Waxay xoojiyaan hannaanka difaaca jirka, sidaa darteed waxay ka hor tagaan caabuqa. Waxay dilaan bakteeriyada isku dayeysa inay u gududbto jirka," ayay yiri Cheryl Sarkey, madaxa Hay'adda Sharciyaynta Alaabada Dawooyinka iyo Caafimaadka ee UK.

"Microbiome-ku waa sida kaynta oo kale. Ubax caafimaad qaba waxay ku koraan kayn caafimaad leh. Haddii qaab-dhismeedku aanu sax ahayn, nidaamka caafimaadku wuu lumi doonaa, "ayuu yiri khabiirku.

Bakteeriyadani waxa kale oo ay caawisaa in la go'aamiyo xaaladda uurka ee haweenka iyo muddada dhallaanku ku sii jirayaan calooshooda.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dhanka kale haddii aan ka eegno, ayaa ah in haddii xaaladda bakteeriyada xubintan ay isku qasmaan – isku-dheellitir la'aantaas oo loo yaqaanno vaginal dysbiosis – markaas waxaa badanaya caabuqyada fursadaha ka faa'iidaysanaya sida bakteeriyada xubinta taranka haweenka (bacterial vaginosis - BV), iyo (candidiasis) iyo caabuqyada kaadi mareenka (urinary tract infections - UTI).

Intaa waxaa sii dheer, haddii haweeneydu ay galmo samayso, dheellitirnaan la'aantan waxay ka dhigaysaa mid aad ugu nugul inay qaaddo caabuqyada galmada lagu kala qaado. Tusaale ahaan, dumarka leh heerarka hoose ee xaaladdan isku dheellitirnaan la'aanta waxay aad ugu nugul yihiin halista HIV-ga.

"Magaalada Cape Town ee Koonfur Afrika, heerka HIV-ga wuxuu u dhexeeyaa 20-30%, haddana qaar ka mid ah kuwa jirkooda ka ganacsada waxay u muuqdaan inay nasiib leeyihiin oo ay ka badbaadaan caabuqa," ayay tiri Laura Goodfellow, oo ah macallimad caafimaad oo ku takhasustay caafimaadka haweenka iyo carruurta ee Jaamacadda Liverpool ee UK.

Dumarka qaba isku dheellitirnaan la'aanta bakteeriyada uxbinta taranka waxay waqti dheer ku qaadataa inay iska nadiifiyaan caabuqyada HPV-ga, waxayna leeyihiin fursad sare oo caabuqu ugu beddelmi karo kansarka afka ilmo-galeenka.

Waa mid saadaalisa uurka

Bakteeriyo

Xigashada Sawirka, .

Waxaa xiiso leh, bulshada bakteeriyada ee ku nool qeybaha hoose ee xubinta taranka haweeneyda ayaa sidoo kale u muuqda inay door ka ciyaaraan go'aaminta fursadda uur-qaadidda iyo ilaa xilliga dhalmada.

Dumarka heerka hoose ee xaaladdan dheellitirnaan la'aanta Lactobacillus, tusaale ahaan, waxay u badan tahay inay ku dhacaan dhicis, ama uurka ectopic ee minka bannaankiisa ku beerka .

Dumarka qaba xaaladdan sidoo kale waxay leeyihiin fursad sare oo ah inay dhalaan ilmo dhicis ah - oo loo yaqaanno marka ilmuhu dhasho ka hor 37 toddobaad ee uurka..

Sidee bakteeriyada xun looga nadiifiyaa xubinta taranka haweenka?

Khubarradu waxay ka digayaan in adeegsiga hababka aan caafimaad ahaan lagu talin ee lagu nadiifiyo xubinta taranka ay sii xumayn karaan dhibaatada. Mid ka mid ah hababka aysan khubarradu ku talin ayaa ah in la isku dayo in xubinta taranka lagu nadiifiyo biyo gudaha loo geliyo.

Sidoo kale, isticmaalka kiriimyada (gels) iyo buufiska (sprays) laguma talinayo. Dhanka kale, kaniiniyada ka hortagga uurka saameyn kuma yeeshaan tirada bakteeriyada xubintan.

Waxaa lagula talinayaa in la raaco cunto caafimaad leh, gaar ahaan cuntooyinka qani ku ah fiitamiinnada A, C, D, iyo E. Waxaa sidoo kale muhiim ah in la isticmaalo cuntooyinka qani ku ah folic acid (folate) iyo kaalshiyamka.

Daraasado ayaa muujiyay in buurnidu ay yareyso xaddiga bakteeriyada caafimaadka qabta ee ku jirta xubinta taranka. Sidoo kale, sigaar-cabistu waxay waxyeello u geysataa caafimaadka taranka ee haweenka. Waxaa la ogaaday in boqolkiiba 15 haweenka aan cabin sigaarka ay leeyihiin "flora" bakteeriyada xubinta taranka oo caadi ah marka la barbar dhigo haweenka sigaarka caba.

"Cunista khudradda, helitaanka hurdo kugu filan, iyo cabidda biyo badan ayaa lagula talinayaa. Kuwani waxay gacan ka geystaan ilaalinta caafimaadka guud iyo caafimaadka taranka." Ayuu yiri khabiirka.