Ma dhab baa in haweenka caadadu ka go’day ay halis ugu jiraan wadno-istaagga?

wadnaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xanuunka wadnaha waa kan dhimashada ugu badan u sababa haweenka caalamka, balse baariddiisa iyo daweyntiisa ayaa caqabad weyn ah, sida ay ka digayso dhaqtarad caan ah oo ku takhasusay cudurrada wadnaha.

Dr Susan Connolly, oo ka tirsan Jaamacadda University Hospital of Galway, Ireland, ayaa sheegtay inay muhiim tahay in haweenku ay ka war qabaan khatarrada xanuunka wadnaha.

Sida ay dhaqtaraddu sheegtay, waa in meesha laga saaraa fekerka ah in dhibaatooyinka wadnaha ay inta badan saameyso ragga.

Khatarta ayaa sii xoogeysata sababo la xiriira isbeddellada hoormoonka ee dhaca kaddib marka ay haweeneydu caadada ka go’do.

"Kahor inta uusna go’in dhiigga caadada, khatarta wadno xanuunka ee haweenka way ka yar tahay tan ragga. Si kastaba, kaddib marka caadadu go’do, suurtogalnimada dhibaatooyinka wadnaha aad ayay u korortaa. Tan waxaa loo maleynayaa inay sabab u tahay hoos u dhaca estrogen, hoormoon difaac ah", sida ay sharraxeyso dhaqtaradda.

Estrogens waa koox hoormoonno ah oo door muhiim ah ka cayaara caafimaadka taranka haweenka, sida marxaladaha qaan-gaarka, caadada, uurka, iyo caado go’a.

wadno

Xigashada Sawirka, Getty Images

Hoormoonnadan ayaa sidoo kale muhiim u ah wadnaha, lafaha iyo caafimaadka maskaxda ragga iyo haweenka, sida uu qabo Sheybaarka Qaranka ee Caafimaadka Mareykanka.

Sida ay qabto Sandra McNeill, oo ku takhasustay xanuunnada wadnaha, waa u muhiim haweenka inay caafimaadkooda ku dadaalaan marka ay caadadu ka go’do.

Waxaa ka mid ah inaysan sigaar cabin, xakameynta miisaanka, aalkolada kuwa caba inay yareeyaan ayna jimicsi sameeyaan.

wadnaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

"Caadi ahaan, waxaa loo maleyn jiray in dhibaatooyinka wadnaha ay ku badan yihiin ragga. Nasiib-darro, tani maaha xaalka sida uu yahay. Haweenka waxaa xitaa xoogaa difaaca estrogen kaddib marka ay caadadu ka go’do", ayay tiri dhaqtaradda.

Si kastaba, marka ay haweenku marxaladdan gaaraan waxaa hoos u dhaca heerarka estrogen, wadnaha ayay dhibaato soo gaartaa – sida ay sheegtay McNeill, waxaa xitaa jira dhibaatooyin wadnaha ah oo badan oo haweenka asiiba, si ka badan ragga.

Sababo la xiriira saameynta togan ee estrogen, haweenku caadi ahaan wuxuu wadno xanuun ku dhacaa toban sano kaddib marka u uku dhaco ragga.

Haddii caadada ay go’do kahor da’da 40, khatarta wadno xanuunka lagu arko haweenka ayaa sii badaneysa.

Calaamado kala duwan

"Waxaa laga yaabaa inaynaan lahayn calaamado la mid ah kuwa ragga," ayay ka digtay Ms McNeill.

Calaamadaha muuqda ee wadno-istaagga iyo xaalado kaleba waa xabadka oo ciriiri aad ka dareento, xanuun gacanta ah, jareys iyo neefta oo kugu dhegta – kuwaasoo sidoo kale lagu arki karo haweenka qaba xanuunka wadnaha.

Balse iyaga, calaamadahan ma aha kuwa keliya ee qeexaya in arrin halis ah ay ku dhacday wadnaha. Haweenka ayaa sidoo kale la kulma laqanyo, daal, calool-istaag, isku-buuq iyo suuxdin.

"Haweenka ayaa calaamadaha lagu arkaa marka isbitaalka la geeyo, sababtoo ah ma ogaadaan inay wadno xanuun qabaan umana arkaan inay khatar ku jiraan," ayay tiri Connolly.

wadnaha

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Sida ay qabto Susan Connolly, oo xanuunnada wadnaha ku takhasustay, wadno-istaagga waa kan ugu badan ee ay u dhintaan haweenka adduunka.

In la aqoonsado lana daweeyo xanuunka wadnaha xilli hore ayaa qofka fursad u siin karta inuu badbaado.

Aaalaaba haweenka durba lagama dareemo xanuunka sida ragga oo kale.

Waxaa sidoo kale laga yaabaa inay ku dhacaan xanuunno kale oo ba’an oo wadnaha ah.

Xilliga la ogaanayo oo soo daahda ayaa dib u dhigi karta daryeelka, taasoo daaweynta adkeyn karta xaaladdana ka sii dari karta.

"Xanuunka wadnaha waa kan ugu badan ee dila haweenka adduunka," ayay tiri Connolly.

"Haweenku waxay aad ugu dhintaan xanuunnada wadnaha iyo kansarka naaska. Markaasi waa u muhiim qof walba inuu ogaado khatarta, taasoo ka bilaabata caado go’a", ayay dhaqtaraddu intaas ku dartay.

Marka laga soo tago inay caafimaadkooda maskaxda iyo jirka ka fekeraan, haweenka doonaya inay ilaaliyaan wadnahooda ayaa sidoo kale lagula talinayaa inay ka war qabaan heerarka beer-subagga, dhiig-karka iyo sokorta.