Hooyo iyo cunuggeeda oo nolosha lagu gubay kadib markii sixir lagu eedeeyay

Xigashada Sawirka, Mohammad Sartaj Alam/BBC
- Author, Mohammad Sartaj Alam
- Role, BBC Hindi, Jharkhand
- Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo
Afar qof ayaa lagu xiray gobolka Jharkhand ee bariga Hindiya ka dib markii lagu eedeeyay in ay gubeen haweeney iyo wiil ay dhashay oo 10 bilood jir ah, taas oo looga shakiyay in ay sixir ku shaqeyneysay horraantii toddobaadkan.
Ninka qabay haweeneyda la weeraray ayaa isna waxaa soo gaaray gubasho aad u daran, wuxuuna ku jiraa isbitaal.
Booliska ayaa sheegay in ay baadi goobayaan dad badan oo laga yaabo in ay ku lug leeyihiin. Eedeysanayaasha ayaa xiran oo weli si cad ugama hadlin.
Sida laga soo xigtay Xafiiska Diiwaanka Dembiyada Qaranka, in ka badan 2,500 oo qof, oo u badan dumar, ayaa lagu dilay Hindiya iyaga oo looga shakisan yahay sixirka intii u dhaxaysay 2000 iyo 2016.

Xigashada Sawirka, Mohammad Sartaj Alam/BBC
Dilka Talaadadii loo gaystay Jyoti Sinku iyo wiilkeeda ayaa dhacay bilo ka dib markii shan xubnood oo isku qoys ah lagu dilay gobolka dariska ah ee Bihar, iyadoo la sheegay in nolol lagu gubay ka dib markii lagu eedeeyay inay sixirka ku dhaqmi jireen.
Kiisaska noocan oo kale ah ayaa inta badan laga soo sheegaa deegaannada ay degaan beelaha laga tirada badan yahay ee danyarta ah, halkaas oo ay ku baahsan yihiin khuraafaadka, iyadoo nidaamka caafimaadka dadweynaha ee aan jirinna uu keeno inay ku tiirsanaadaan dhakhaatiir beenaadka si ay talo caafimaad uga helaan.
Dilka ka dhacay Jharkhand ayaa ka dhacay tuulada Kudsai, oo ah deegaan fog oo ay ku nool yihiin qabaa'il, kana kooban ilaa 50 guri oo dhoobo ah, kuna yaalla 250km (155.3 mayl) u jirta caasimadda gobolka ee Ranchi.
Rabshadaha ayaa u muuqda kuwo ay kiciyeen dhacdooyin dhowaan ka dhacay tuulada, oo ay ku jiraan warar xan ah oo ku saabsan dhimashada xoolaha oo kedis ah iyo xanuunka iyo dhimashada nin deegaanka ah oo lagu magacaabi jiray Pustun Birua.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaskiisa Jano Birua ayaa sheegtay inay la tashatay bixiye daryeel caafimaad oo aan rasmiga ahayn—kaas oo caan ka ah tuulooyinka aanay dhakhaatiirtu joogin—markii uu bilaabay inuu la dhibtoodo walwal iyo miyir-doorsoon. Wuxuu u sheegay in ninkeedu uusan qabin wax xanuun jireed ah.
Markii la weydiiyay sababta ay u geyn weysay isbitaal, waxay tiri: "Waxaan nahay dad faqiir ah, markaas suurtagal ma ahayn inaan meel fog u qaadno."
Dhanka kale, waxaa faafay warar xan ah oo sheegaya in Jyoti Sinku ay ku dhaqmi jirtay sixirka, iyaduna ay mas'uul ka ahayd xanuunka ninkaas.
Pustun Birua ayaa dhintay fiidnimadii Talaadada. Habeenkaas, sida uu sheegay ninka ay Jyoti is qabeen ee Kolhan Sinku oo hadda isbitaalka jiifa, koox ka kooban dhowr qof, oo ay ku jiraan shan dumar ah, ayaa ku soo jabiyay gurigooda, waxayna dab qabadsiiyeen xaaskiisa iyo cunugga.
Isagoo dib u xusuusanaya argagaxa isagoo sariirta isbitaalka jiifa, wuxuu yiri: "Waxaan ka codsaday anigoo gacmaha isku haya in arrinta lagu xaliyo golaha tuulada balse weeraryahannadu ima maqal."
Iyadoo la tixraacayo marag-furka Kolhan Sinku iyo xubin kale oo qoyska ah, booliska degmada ayaa diwaangeliyay dacwad ku saabsan dil iyo shirqool dambi.
Booliska ayaa sheegay in afar nin la xiray, koox gaar ah oo boolis ahna loo xil saaray inay soo qabtaan xubnaha kale ee kooxdaas ka tirsan.
Waxay intaas ku dareen inay abaabuli doonaan barnaamijyo miyiga ah si kor loogu qaado wacyigelinta looga soo horjeedo khuraafaadka.













