"Waxa la igu eedeeyey in aan aabbahay sixir ku dilay"

.

Xigashada Sawirka, Shali Reddy

"Waxa ay igu qeyliyeen, iyaga oo i leh 'adiga ayaa dilay," Monica Boulos ayaa si kal iyo laab ah u sheegtay wixii ku dhacay markii caafimaadka aabbaheed uu xumaaday ee uu u dhintay xanuun dhanka wadnaha ah, walaalkeed ayaa ku eedeeyay inay dishay iyada oo adeegsaneysa sixir, waxaana loogu hanjabay jidhdil.

"Naxdin ayay igu ahayd," ayay tidhi Monica. "Dhammaan saaxiibadayda iyo qoyskayga way iga tageen waxayna i dareensiiyeen inaan ahay qof xun. Markii ay i dacweeyeen, waxaan dareemayay in ay i raacday ceeb lixaad leh."

Monica waxay ku qasbanaatay inay ka qaxdo magaaladeedii oo ay ku noolaato masaafuris ahaan dal ka duwan keedii Papua New Guinea, oo ah jasiirad ku taal koonfur-galbeed ee Badweynta Baasifigga.Laakiin sheekada Monica maahan mid gaar ah, xaaladduna aad ayay uga daran tahay intan.

"Waa dhibaato joogto ah"

Rabshadaha la xidhiidha eedeymaha sixirka ayaa dalkan ku baahay. Inkastoo aysan jirin xog la isku halayn karo oo la heli karo inta jeer ee ay tani dhacdo. Tirokoobyada dowladda ayaa ka hadlaya ilaa 6,000 oo dhacdo 20kii sano ee la soo dhaafay.

Laakiin qiyaasaha madaxa banaan ayaa tilmaamaya in tiradu ay aad uga badan tahay, maadaama kumannaan dhibanayaal ah, oo badanaa dumar iyo gabdho ah, la eedeeyo sanad walba, oo inta badan loo geysto xadgudubyo jidheed iyo mid jinsi.

Inta badan, eedeymaha ayaa ku yimaada geeri degdeg ah oo qofka ku timaadda ama jirro aan la garanayn sababteeda oo haleesha.

"Waxaan ka hadlaynaa heerka rabshadaha xad dhaafka ah, qaar ka mid ah kuwii ugu xumaa ee aan abid arko," ayay tiri Stephanie MacLennan, oo ah agaasimaha sare ee Human Rights Watch, oo aad u darsay rabshadaha sixirka.

Iyada oo sii wadata hadalkeeda Stephenie waxa ay sheegtay: "Waxaa jira weeraro aad u naxariis daran, halkaas oo dhibanayaasha la xidho, la jidhdilo, lagu gubo biro, la qaawiyo oo inta badan la dilo. Runtii waa waxshinimo."

Kiiska Marie Koppari ayaa sanadkan qabsatay cinwaannada warbaahinta caalamka ah markii si naxariis darro ah loo dilay ka dib dhimashada ilmo laba sano jir ah oo iyada lagu tuhmay

.

Xigashada Sawirka, Shali Reddy

Haweeneydan oo suuqa ku iibineysay baradho ayaa waxaa qabtay koox dabley ah oo nolosha ku gubtay. Ma jirto cid loo qabtay falkan, inkastoo dhacdadan laga duubay muuqaal lagana baahiyey warbaahinta gudaha.

Dhowr haween oo kale ayaa sidoo kale la beegsaday, laakiin waxaa u suurtagashay in ay u baxsadaan kaynta.

Markii Monica lagu eedeeyay inay sixir ku shaqaynaysay, iyaduna waxay ku guulaysatay inay baxsato.

"Markii ay igu eedeeyeen dil aaan u adeegsady sixirka, go'aan ayaaba la iga gaadhay, uma ay baahnayn caddayn," ayay tidhi.

"Waxaa layga hor istaagay in aan ka soo qayb galo aaska aabbahay ama aan ka qaybgalo xusaskii kale ee xabaalaha," ayay tidhi. "Waxaan xaqiiqsaday in aanan hadda boos ku lahayn qoyskayga, beeshayda iyo qabiilkayga."

Waxay aaminsan tahay in walaalkeed ku eedeeyay sixir si uu keligiis ula wareego guriga aabbahood iyada oo aan walaashii la wadaagin.

"Laakin eedeymaha oo dhan ma ahan kuwo dhaqaale dhiirigelinayo, maadaama qaar badan oo ka mid ah ay ka soo jeedaan caqiido qoto dheer, halkaas oo sixirku yahay dhaqan qoto dheer," ayay tidhi Monica.

Ka hor inta aan dilka loo geysanayo dadka denbigaa lagu eedeeyo si qarsoodi ah loo fulin, hadda dumarka ayaa jidadka lagu jiidaa, runtii waa wax ka baxsan bini'aadantinimada.

.

Xigashada Sawirka, Shali Reddy

Horaantii sanadkan, booliisku waxay badbaadiyeen haweenay iyo inanteedii ka dib markii la xidhay oo la jirdilay, oo lagu eedeeyay inay ku dhaqmeen sixir, markii ninkeedu u dhintay Covid-19.

Sida ay sheegayaan wararka gudaha, labadan haween oo 45 jir iyo 19 jir ah, ayaa gacmaha laga jabiyey sida oo kalena laga gubay meelo jidhkooda ka mid ah taas oo ka dhalatay jidhdil loogu geystay biro kulul.

Dowladda dalka ayaa hadda sameysay guddi baarlamaani ah oo wax ka qabta rabshadahan.

Madaxwaynaheeda, Hon Charles Appel, ayaa yidhi: "Rabshadu waa kansar cunaya Papua New Guinea iyo bulshada, waxaanu nahay waddan Masiixi ah, laakiin in dadka lagu dilo magaca sixirka maaha habdhaqan Masiixi ah."

Waxa ay intaas ku dartay: "Dadka si arxan darro ah ayaa loo dilaa, taasna looma dulqaadan karo, Covid 19-na wuu ka sii daray, sababtoo ah dadku waxay marmarsiinyo ka dhiganayaan inay dadka ku ceebeeyaan sixirka, waxaas oo dhan waa inay joojiyaan."

Waxaa jiray 6,000 oo kiis oo rabshado ah oo lala xidhiidhinayey eedeymo ah "sixir", ku dhawaad kala badh kuwaas oo ku dhamaaday dhimasho, Papua New Guinea intii u dhaxaysay Juun 2000 iyo 2020, sida lagu sheegay Warbixinta Baarlamaanka ee Rabshadaha Ku Salaysan Jinsiga.

Dhacdooyinka kuma koobna dadka reer miyiga ah, warbixintu waxay ogaatay in 156 kiis oo laga diiwaan galiyay caasimadda kana dhacay 42 bilood ee la soo dhaafay.

Difaacidda dadka dhibban

Ka dib waaya-aragnimada Monica, Monica waxay halis gelisay nafteeda si ay dadka kale uga ilaaliso waxa loogu yeedho "ugaadhsiga saaxirka" waxayna tidhi, "Waxaan ogaaday isbeddel ku yimid muddadii aan dhibaatadan ka shaqaynayey, laakiin ma filayo in isbeddelku dhowaan dhaco, gaar ahaan xanuunka Corona Virus."

Iyada oo musaafuris ku noolayd qayb kale oo ka tirsan Papua New Guinea, Monica waxay goob joog u noqotay haweenay dhagax lagu dilayo meel fagaare ah. Dembiga ay gashay ayaa ahaa in ay nin afkiisa ka qaniintay mar uu damcay in uu kufsado oo uu ku eedeeyay in ay tahay saaxirad.

"Haweenayda waxaa lagu dilay hortooda saraakiil ka tirsan dowladda iyadoo aan cidna faragelin… waan ogaa xilligaas in ay tahay inaan wax uun sameeyo," ayay tidhi.

Monica waa aasaasaha dhaqdhaqaaqa Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Haweenka, waxayna ku qiyaastay tirada dhibanayaasha rabshadaha la xidhiidha sixirka ee la badbaadiyay 15-kii sano ee la soo dhaafay in ka badan 500.

Tan iyo markii Monica bilawday hawlahan, waxaa jir dad dab qabadsiiyey gurigeeda.

.

Xigashada Sawirka, Shali Reddy

Dalka ayay ka soo carartay, waxayna hadda qaxooti ahaan ugu nooshay dalka deriska la ah ee Australia. "Runtii aad bay u adag tahay inaan ka fogaado saddexdayda carruur ah, laakiin haddii ay nabad qabaan waan nafisayaa laakiin way i dhibaysaa," ayay tidhi.

Monica Boulos ayaa ka carartay gurigeeda oo ku yaalla dalka Papua New Guinea. Waxay nafteeda halis u gelisay si ay dadka uga ilaaliso "ugaadhsiga sixirka" waxayna dabada ka riixaysaa isbedel lagu sameeyo sharciga dalka.

'Waxaan u baahanahay inaan tallaabo qaadno'

Talyaaniga iyo Qubrus waxay ku cadaadiyeen Papua Guinea arrintan gaarka ah inay qaadaan tallaabooyin looga hortagayo dhacdooyinka noocaan ah.

Guddoomiye Alan Bird, oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga xadgudubyada ku saleysan jinsiga ee baarlamaanka, ayaa BBC-da u sheegay in markii ugu horeysay "lacag aad u badan" loo qoondeeyay miisaaniyadda 2022 si loola dagaallamo xadgudubyada ku saleysan jinsiga.