Cuntooyinka aadka loo isticmaalo Ramadaanka ee qiimahoodu sare u kacay

Waxa uu isku diyaarinayay mid ka mid ah xilliyadiisa ugu mashquulka badan sanadka - iibka ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan - laakiin hakadka ku yimid maraakiibta badda cas ayaa walaac ku beertay.
Qoraalka sawirka, Waxa uu isku diyaarinayay mid ka mid ah xilliyadiisa ugu mashquulka badan sanadka - iibka ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan - laakiin hakadka ku yimid maraakiibta badda cas ayaa walaac ku beertay.

Awadh Cumar waxa uu dukaan meel gees ah ku leeyahay suuqa Magaalada Mombassa. Waxa uu iibiyaa timirta macaan ee Sucuudiga laga keeno iyo malabka dabiiciga ah ee macaan ee laga keeno dalalka Yemen iyo Jarmalka.

Waxa uu isku diyaarinayay mid ka mid ah xilliyadiisa ugu mashquulka badan sanadka - iibka ka hor bisha barakeysan ee Ramadaan - laakiin hakadka ku yimid maraakiibta badda cas ayaa walaac ku beertay.

Sidaa darteed Awadh waxa uu go'aansaday in uu dalabkiisa sii dirsido sanadkan horraantiisa si uu u hubiyo in alaabtiisu u timaaddo xilli hore.

Laakiin nasiib darro Awadh waxa uu seegay 20-ka maalmood ee dawladda Kenya ee cashuur dhaafka ee Ramadaanta oo bilaabatay 1-dii Maarso.

Waxaa jiray hakad weyn oo labadii bilood ee la soo dhaafay ku yimid badeecadii Bariga Afrika ee markabta lagu keeni jiray, sababo la xiriira weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ay ku qaadeen maraakiibta ganacsiga ee mara badda cas.

Tani waxay saameyn weyn ku yeelaneysaa qiimaha nolosha ee gobolka oo dhan. Maraakiibta ayaa loo weeciyay hareeraha Cape ee Koonfurta Afrika iyadoo taasi ay ku kordhinayaan kharashaadka lagu soo qaado badeecadaha kala duwan.

Sacuudi Carabiya "Waxay soo saaraan timir heersare ah oo ay dadku jecel yihiin halkan. Sannadkan, waxaan aragnaa qiimo koror, sababtoo ah wax badan ayaa nalagu soo dalacayaa xamuulka, iyo sidoo kale sarifka doolarka qaaliga ah oo aan faa'iido noo lahayn," ayuu yiri Cawad.

Shilinka Kenya ayaa hoos u dhacay marka loo eego doolarka Mareykanka, waxaana billowgii bishii Maarso uu 1-kii doolar ahaa 144 shilin, halka sanad ka horna uu halkii doolar ahaa 127 shilin.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in cunooyinka macmacaanka aysan sannadkan gaarin dad badan.

Khalkhal galinta Badda Cas waxay sababtay in ganacsatada ay soo sheegaan daahitaan joogto ah iyo kharashyo badan oo alaabtooda la xiriira

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Khalkhal galinta Badda Cas waxay sababtay in ganacsatada ay soo sheegaan daahitaan joogto ah iyo kharashyo badan oo alaabtooda la xiriira
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Hal kartoon oo timir ah hadda waxa lagu iibinayaa 17 doolar, halka sannadkii hore lagu iibinayey ilaa 10 doolar. Waa ay adag tahay in aan soo iibsado alaab qaali ah oo aan raqiis gedi karin," ayuu yiri Fu'aad Cumar oo ka mid ah ganacsatada Mombasa.

Timirtu waa cunto muhiim u ah bulshada Muslimiinta ah ee ku nool daafaha caalamka. Timirta la isticmaalo sanadka oo dhan waxay ka ciyaartaa kaalin mug leh inta lagu jiro Ramadaanka taasoo dadka siinaysa tamar aad loogu baahan yahay soonka. Waxa loo cunaa cibaado ahaan (Sunna) marka la afurayo.

Waxyaabaha kale ee qiimahadoodu sare u kacay waxaa ka mid ah Sarreenka iyo burka oo iyagana aad loo isticmaalo Ramadaanka.

Khalkhal galinta Badda Cas waxay sababtay in ganacsatada ay soo sheegaan daahitaan joogto ah iyo kharashyo badan oo alaabtooda la xiriira laakiin kharashyadkan dheeraadka ah ayaa hadda garaaya dukaamaystayaasha caadiga.

Mustaqbalka dheer, carqaladayntan maraakiibta ayaa saamayn xun ku yeelan karta dhaqaalaha oo adduunka oo dhan.

Marka laga soo tago badeecadaha raashinka arrintan waxaa kale oo ay saameyn weyn ku yeelatay badeecooyinka kale ee dibadda laga keeno ee loo alaabta raaxada, oo ay ku jiraan baabuurta kala duwan.

Leonard Njiru, oo ah mulkiilaha shirkad soo dejisa baabuurta, ayaa BBC-da u sheegay dib u dhaca ku yimid maraakiibta ka imaanaya Yurub, Dubai, Singapore iyo Japan ee ku sugan dekedda Mombasa ay khasaare u horseedi karto ganacsatada.

Mr Njiru waxa uu sharaxay in baabuurta la isticmaalay iyo kuwa 8-da sano ka weyn ee ka imaanaya dibada aan loo ogolayn in ay galaan suuqa Kenya sidaas darteedna aysan helyn wax diiwan gelin ah.

BBC -da waxay la xiriirtay maamulka dekedaha Kenya si ay jawaab uga bixiso hoos u dhaca la soo sheegay ee ku yimid tirada maraakiibta konteenarada ee yimid Febraayo 2024 marka loo barbardhigo Diseembar 2023 laakiin wali wax jawaab ah kamaysan bixin.