Waa kuma ninka aqoonsiga Somaliland ugu dhex olaleeyay gudaha Golaha Odayaasha Ingiriiska?

.

Xigashada Sawirka, .

Stuart Polak, oo ah siyaasi ingiriis ah iyo mudane ka tirsan aqalka duqayda ee dalkaas ayaa dood ay yeesheen goluhu oo ku saabsaneed siyaasadda dibadda ee ingiriiska wuxuu ka hadlay arrin la xiriira Somaliland iyo Soomaaliya.

Wuxuu u soo jeediyay golaha in muhiimada ay leedahay in aqoonsado didaalka Somaliland ay ku bixineyso si ay qayb uga qaadato horumarka gobolka.

Balse waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in wax badan ay is badaleen tan iyo markii dawladda Ingiriiska aqbashay in ay jirto Soomaaliya mid ah.

“Dunida waa ay is badashay horay ayay u socotay tan iyo markiiaan aqbalnay nidaamka hal Soomaaliya oo dhashay sanadkii 19961 dii. Haatana waxaa la joogaa waqtigii aan anaguna nidaamkeena badali lahayn,” ayuu yiri Polak oo hadal ka jeedinayay golaha dhexdiisa.

“Waxaan rajeynayaa in saaxiibkeeya xoghayaha arimaha dibadda uu waqti u heli doono aqoonsiga iyo garabsiinta waxa ay Somaliland ugu taalo xasiloonida gobolka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

.

Xigashada Sawirka, Somaliland

Dhanka kale mudanahaan ayaa ka hadlay heshiiskii is afgaradka ahaa ee dhawaan Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, taas oo uu sheegay in Somaliland ay aqoonsi uga heli doonto dawladda Itoobiya.

“Itoobiya oo ah saaxiib muhiima oo uu leeyahay Ingiriisku, waxay heshiis is afgarad la sixiixatay Somaliland, taas oo ay Itoobiya ku aqoonsandoonto Somaliland, badalkeedana Itoobiya ay ku heli doonto saldhig ciidan iyo mid ganacsi,” ayuu golaha ka horsheegay Stuart Polak.

Dawladda Soomaaliya ayaa ka carootay markii heshiiskaasi dhacay, waxaana masuuliyiinteedu sheegeen in uu dhaawacayo wadahadaladii Soomaaliya iyo Somaliland, oo sida ay marar badan sheegeen ay rajo uga qabeen in dhinacyadu ay isku soo dhawaadaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xiisadd ka dhalatay heshiiska ayaa sabatay dagaal dublumaasiyadeed oo dhexmara wadamada Itoobiya iyo Soomaaliya, sidoo kale xiisad la xariirtaa arrintaas ayaa ka dhalatay hawada Soomaaliya, taas oo keentay in diyaardo caalami ah ay helaan xogo duulimaad oo aan rasmi ahayn.

Horay ayaa waxaa u jiray mudanayaal ka tirsan Golaha Dadweynaha ee Ingiriiska kuwaas oo marar kala duwan fagaarayaal caalami ah uga hadlay arrinka aqoonsiga Somaliland.

Waxaa ka mid ahaa xildhibaanadaas, Sir Gavin Williamson, Ian Paisley, Kim Johnson Alexander Paul Thomas Stafford, Paul Christopher Blomfield, Alec Edward Shelbrooke, John Francis Spellar, Alun Hugh Cairns, Dr Lisa Cameron, Rt Sir Robert Buckland, iyo Clive James Charles Betts.

Stuart Pola ayaa ka mid noqonaya mudanayaashaas hoay uga hadlay arrinka aqoonsiga Somaliland ee ololaha u galay.

Xildhibaan Gavin oo mar ka hadlayay sababta ay u doonayaan aqoonsiga Somaliland ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu muhiim u yahay amniga Britain iyo baayac mushtarka dunida marka laga hadlayo intaraatijiyadda halka ay ku taallo Somaliland ee gacanka Cadmeed.

Polak

Xigashada Sawirka, Polak

Waa Kuma Stuart Polak?

Stuart Polak, Baron Polak oo haatan ka tirsan Golaha Duqeyda ee dalka Ingiriiska aya ah 63 jir ku dhashay magaalada Liverpool ee dalka Ingiriiska.

Waas siyaasi ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ee dalka Ingiriiska.

Ddallinyarnimadiisii Polak wuxuu sargaal ka ahaa gole ay leeyihiin dadka Yuhuudda ee Ingiriiska sanadkii 1980 kii, kuwaas oo xaruntoodu ahayd degmada Edgware eek u taalla Wuqooyi-galbeed ee magaalada London.

Sanadkii 2015 kii ayuu Stuart Polak ku biiray Golaha Duqayda ee Ingiriiska. Dhanka kale waxa uu tan iyo 2016 kii qayb ka ahaa Guddi hoosaadka Cadaaladda ee Midowga Yurub, iyo Guddiga guud ee Midowga Yurub oo joogay tan iyo bishii July ee sanadkii 2019 kii.

Lord Polak ayaa loo magacaabay Agaasime ku xigeen labaad ee kali ah ee Golaha Muxaafidka ah ee Saaxiibada Israa’iil sanadkii 1989 kii, booskaas oo uu hayay tan iyo sanadkii 2015 kii kolkaas oo laga dhigay madaxweyne sharafeed.