Kiimiko kansar sababta oo laga helay qaar ka mid ah boomaatooyinka lagu daweeyo finanka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Heerarka sare ee baasiinka oo ay ku jirto kiimiko sababta cudurka kansarka, ayaa laga yaabaa inay ka ku jirto careemada iyo wax-yaabaha kale ee loo isticmaalo daawaynta finanka gaar ahaan kuwa ay ku jirto maaddada benzoyl peroxide, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka soo baxday Valisure, oo ah shaybaar madax-bannaan.
Warbixintu waxa ay sheegtay in baasiinka “uu samayn karo heerar aan la aqbali karin” oo lagu daro dawooyinka iyo alaabada ay ku jirto maaddada benzoyl peroxide.
Natiijooyinka baaritaanka sheybaarka Valisure ayaa muujinaya in badeecadaha qaar ay kujiri karaan in ka badan 800 jeer heerarka baasiin ee ay dejisay Hay'adda Cuntadu iyo Daawooyinka Maraykanka.
Cilmi-baarisyada ku lugta leh qaar ka mid ah alaabooyinkan waxay soo jeedinayaan in marka alaabooyinka ay ku jirto maaddada benzoyl peroxide la kaydiyo ama la kulmaan heerkul sare - sida marka la geliyo baabuur kulayl ah oo in ka badan 150 digrii ah ayna ku jiraan ugu yaraan 14 maalmood - waxay sii deyn karaan xaddi badan oo baasiin ah. sida lagu sheegay baaritaanka uu Arbacadii ku dhawaaqay sheeybaarka.
Hal tijaabo ayaa lagu sameeyay daawo ama kareemo loogu talagalay baabi’inta finanka ayaa lagu kaydiyay heer-kul 158 darajo ilaa 17 saacadood.
Noocyada kale ee alaabta ama daawooyinka daaweynta finanka ee la tijaabiyay, sida kuwa ay ku jiraan maadooyinka salicyclic acid ama adapalene, uma muuqan inay soo saaraan heerar sare oo baansiin ah, sida uu qabo shaybaarka.
Baansiinka waa mid ka mid ah 20 ka kiimiko ee ugu badan ee laga isticmaalo Maraykanka, dadkuna waxay la kulmaan "gaar ahaan xilliga neefsashada hawo ay ku jirto baasiin," sida laga soo xigtay Ururka Kansarka Maraykanka, oo aan ku lug lahayn warbixinta sheybaarka Valisure.
Baasiin waa kiimiko laga abuuray hababka dabiiciga ah iyo kuwa bini'aadamka labadaba, si degdeg ah ayuuna hawada ugu faafaa.
Waxaa loo isticmaali karaa in laga sameeyo kiimikooyinka sida balaastikada iyo fiilooyinka synthetic, sida laga soo xigtay Xarumaha Xakamaynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Maraykanka. Waxa kale oo loo isticmaalaa alaabooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin saliidaha, rinjiga, saabuunta iyo daroogada.
"Ilaha dabiiciga ah ee baasiinka waxaa ka mid ah foolkaanada iyo dabka kaynta. Baasiin sidoo kale waa qayb dabiici ah oo ka mid ah saliidda cayriinka, shidaalka iyo qiiqa sigaarka," ayay tiri xarunta CDC.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Talaadadii, sheeybaarka Valisure wuxuu FDA la wadaagay in baaritaan hordhac ah ay ku ogaadeen in 175 oo ah alaabooyinka lagu baabi’iyo finananka ay 99 ka mid ah ay ku jiraan maaddada benzoyl peroxide wuxuuna sheeybaarka codsaday in la hakiyo iibinta alaabta ay ku jirto maaddada benzoyl peroxide."
Afhayeen u hadlay FDA ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii ku sheegay inay heleen codsiga sheybaarka ayna si toos ah ugu jawaabi doonaan codsadaha oo ay jawaabta u diri doonaan dukumeenti dadweyne oo loo qoondeeyay.
Sanadkii la soo dhaafay, FDA waxay uga digtay dawo-sameeyayaasha khatarta wasakhowga baasiinka ee alaabada qaarkood sida kuwa loo isticmaalo nadiifinta gacmaha iyo waxyaabaha lagu buufiyo hawada, iyadoo xustay in baasiinka uu sababo kansarka gaar ahaan kan dhiigga ku dhaca sidoo kalana uu sababo cudurrada kale ee dhiigga ku dhaca.
Ma aha markii ugu horeysay ee sheybaarka Valisure ay codsi muwaadin u dirto FDA ee ku saabsan welwelka khatarta baasiinka. Sannadkii 2022, shaybaar ayaa lagu ogaaday khatarta baasiin ku jiray shaambo engegan taas oo FDA ku kalliftay inay dib u soo celiso alaabta. Sidoo kale 2021, sheeybaarka Valisure ayaa ogaaday baasiin lagu daray saliid.













