Bisadda Soomaali ee laga dhalay tan Itoobiyaanka ah ee dunida caanka ka noqotay

bisad

Xigashada Sawirka, .

Bisada loo yaqaano Somali ayaa xilligan caan ka ah adduunka oo dhan, iyada oo lagu tilmaamay inay tahay bisad dhexdhexaad ah ooleh muuqaal qurxoon, isla markaana lagu garto tamar cajiib ah iyo dhogor qurux badan.

Dareenka mulkiilayaashoodu aad bay muhiim ugu yihiin bisadahaan, in kasta oo bisadaha ay seexdaan qiyaastii 16 saacadood maalintii, haddana bisadda Soomaali, aad bay uga heshaa in ugu yaraan hal saac ay maalintii hesho wehel, arrintan kuwa Soomaali loo yaqaanno iyo kuwa kalaba waa ay ka samin yihiin marar badan.

Taariikhda taranka

Bisadaha Soomaalidu waxay caan noqdeen, billowgii qarnigii 20-aad. Dadka tarmiya bisadaha loo yaqaano Abyssinians ayaa waxay ka fikireen inay soo saaraan bisad Abyssinians ah oo leh dhogor midabkeedu qalin yahay ama buluug, sidaa daraadeed ayay isku bacrimiyeen bisada persian ka iyo kuwa Abyssinians ka ee loo yaqaano Angora iyo chinchilla.

Tijaabadaas ayaa waxaa ka dhashay laba bisadood oo leh dhogor wayn oo midabo kala duwan leh, laakiin lama gaarin riyadii ahayd in la helo bisadaha Abyssinians ka oo leh dhogor buluug ah ama qalin ah.

Haddaba, waxa la dhihi karaa taariikhda dhabta ah ee bisadaha Soomaalida waxay soo bilaabatay markii qof barbaariya bisadaha Abyssinia ka oo ka timid New Jersey ay si lama filaan ah u heshay bisad la dhihi jiray Geordie. Ninkii lahaa aad buu ugu farxay xayawaankan rabbaayadda ah, wuxuuna u bixiyey Abyssiniantii timaha dheereed. Taranka ayaa aad loogu farxay kadib markii ay ogaatay in Geordie uu yahay labka bisadda ee taranka.

Sannadkii 1967-dii, bisadaha Soomaalida ayaa mar horeba laga xiisaynayay Maraykanka iyo Canada, iyadoo sannad iyo wax kayar kadib ay aqoonsadeen Ururka Bisadaha Maraykanka (CFA). Si dhakhso ah bisaddu waxay heshay magac dheer, ma ahayn oo kaliya gudaha Mareykanka, laakiin sidoo kale Yurub ayaa ku jirtay.

Bishii January, 1982-dii, jinsiyadda bisadaha Soomaali waxaa aqoonsaday FIFe. Bisadihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ayaa yimid Lithuania iyagoo ka yimid Riga 1995-tii, afar sano kadib, bisado yaryar oo Soomaaliyeed oo midab duur joog ah leh ayaa ku dhashay Lithuania.

bisad

Xigashada Sawirka, .

Bisadaha Soomaalida: muuqaal ahaan

Maadaama ay bisaddan weli aad u yar yartahay, heerka ku habboon weli lama go'aamin. Muqaalka bisadda Soomaalida ayaa aad ugu eg bisadda loo yaqaano Abyssinian, balse bisadaha Soomaalidu way ka weyn yihiin oo malaha dhogortii dheereyd ayaa sidaas ka dhigtay.

Sida caadiga ah, bisadahan ayaa miisaankoodu yahay 3.5 ilaa 7 kg, waa dhexdhexaad. Madaxa bisadda Soomaali waa mid dheer, qaab saddex xagal ahna u sameysan, oo leh xariiq toosan oo aad u xoog badan. Dhegaha ayaa waaweyn, oo leh timo "burush ah". Lugaha wey dhaadheeryihiin, oo qurux badan yihiin. Indhuhu aad bay u muuqdaan oo waxa ay leeyihiin midabbo. Saynta ayaa dheer, oo waxaa ku daboolan timo dhaadheer.

Jirka bisadda Soomaalida oo dhan waxaa ku dahaaran dhogor badan, jilicsan. Dhogorta qoorta ayaa iyadana leh midabbo "cajiib” ah. Waxaa jira dhowr midab oo bisadaha Soomaali ay leedahay: duurjoogta waa, caddaan, buluug ama midabka kafeega ah ee loo yaqaanno qaxwiga.

Waxaa jiri kara ilaa laba iyo toban midab oo kala duwan oo ay timeheedu leeyihiin! Ilmaha yaryar ee bisadda, waxay ku dhashaan ku dhawaad madow, iyo waxa loogu yeero midabka oranje xigeenka ah.

bisad

Xigashada Sawirka, .

Bisadaha Soomaaliyeed: Dhaqankooda

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilmaha yar ee bisadaha Soomaalida waa quwad dhab ah oo doonaya in guriga ay ku noolyihiin xoreystaan. Aad bay muhiim u tahay in bisada Soomaali ay guriga ku haystaan meel ku filan oo ay ku dhaq dhaqaaqaan ama fuulaan.

La ciyaaristoodu had iyo jeer aad bay u xiiso badan tahay marka mulkiilahodu la joogo, markaa ka hor inta aadan helin bisad ama aadan guriga keensan, ka fiirso inaad waqti ku filan siin karto.

Arrinta wanaagsan ayaa ah in bisadaha Soomaali ay aad u fududahay in la koriyo lana tababaro, sidaa darteed waxaad baran kartaa xayawaanka rabaayada ah ma aha oo kaliya dabeecad wanaagsan, laakiin sidoo kale waxaad baran kartaa khiyaamo kala duwan oo xayawaanka la xiriirta.

Marka ay d'da yar yihiin, bisadaha Soomaali inta badan ma aha kuwa kalgacal badan, laakiin sannadaha soo socda xaaladdu way isbedeleysaa, mar dhow ama hadhowba xayawaankaaga rabbaayadda ah ayaa hubaal ah inuu qadarin doono jacaylkaaga iyo daryeelkaaga.

bisad

Xigashada Sawirka, .

Bisadaha Soomaaliyeed: daryeelkooda

Bisadaha Soomaalidu aad bay u caafimaad qabaan, celcelis ahaan cimrigoodu waa 11 ilaa 13 sano. Waa in fiiro gaar ah loo yeeshaa nafaqeynta bisadaha Soomaaliyeed, xaaladdan oo keliya ayaa la damaanad qaadi karaa in bisadu ay caafimaad ahaan u kori doonto, jismigeeduna uu dhalaalayo.

Bisadaha noocaan ah waa mid aad u dheer oo qurux badan, sidaas darteed maahan wax la yaab leh in ay u baahan yihiin dayactir ka badan bisadaha Abyssinia. Waxaa lagu talinayaa in loo mayro ama loo qumeeyo dhowr mar oo kala duwan, waa muhiim in aan la hilmaamin ilaa dhegaha in loo sifeeyo.