Dameerka Soomaaliya ku badan ee adduunka kasii dabar go'aya

Xigashada Sawirka, Reuters
Dameeraha lagu yaqaanno dhulka Soomaalida ayaa adduunyada inteeda kale waxaa la sheegayaa inay ka sii dabar go’ayaan.
Seere lagu xanaaneeyo duur joogta dalka Chile ayaa u dabaaldegay dameer seeraha ugu dhashay.
Sababta dabaaldegga keentay ma aha jacayl dameerka loo qabo, laakinse dunida waxaa la sheegayaa in ay ku hareen in ka yar 200 oo dameer oo kaliya.
Sidaa darted dhalashada dameerkaas waxay ka dhigan tahay mid qiime weyn ku fadhid waayo waa tiro ku soo korortay dameeraha.
Seeraha (Zoo-ga) Buin eek u yaalla duleedka magaalada Santiago wuxuu sidaa kaga qayb qaatay dadaalka caalamiga ah ee dameer-Soomaaliga sii dabar go’aya dib loogu soo celinayo tiradiisa.
Midowga caalamiga ee ilaalinta dabeecadda (IUCN) wuxuu dameerka ku tilmaamay mid khatar ugu jira inuu dabar go’o.
“Waxaan ku faraxsannahay in akhbaartan sheegno xilligan adag ee la doonayo in la dhowro noocyo badan oo xayawaan ah” ayuu yiri IgnacioIdalsoaga, oo ah aasaasaha iyo agaasimaha Seeraha Buin.
Wuxuu intaa ku daray in akhbaarta dhalashada dameerka ee todobaadkii hore ay seerahaas ka dhigayso inay ku nool yihiin shan dameer. Seerahaas waxaa hore ugu dhashay laba dameer 2021.
“War lagu diirsado ayey u tahay ilaalinta dameeraha duurjoogta ah ee dunida ka sii dhamaanaya, waxaanan awood u leenahay in aan halkan ku tarmino” ayuu sii raaciyey Idalsoaga.

Dameeraha dunida ku haray ee dameer-soomaaliga ayaa sida laga soo xigtay hay’adda IUCN waxay ku sii harsan yihiin Eritrea iyo Itoobiya.
Tirada dameeraha ayaa hoos u sii dhacaysay 35kii sano ee u dambeeyey. Tirada dameeraha la ogyahay inay dunida ku nool yihiin waxaan ku jirin Dameeraha Soomaaliya gudaheeda ku nool oo hay’adda IUCN aysan war ka hayn.
Tirada sii yaraanaysa ee dameeraha waxaa loo aanaynayaa ayagoo waayey deegaankii ay ku noolaayeen, ugaarsasho iyo ayagoo loo adeegsado cunto iyo daawo ahaan.
“lafaha waxaa laga sameeyaa maraq la aaminsan yahay in lagu caafimaado, laakinse saynis ahaan lama caddayn” ayu yiri Idalsoaga.
Dameeraha waxay inta badan ku nool yihiin afrikada bari, waxaana dadyowga ku nool ay siyaabo kala duwan uga manaafacaadsadaan noolahan.
Deegaannada Soomaalida, dameeraha waa la rartaa, laakinse hilibkooda, caanahooda iyo maqaarkooda lama isticmaalo.

Laakinse 2012 waxaa dalka Kenya sharci laga dhigay in la furan karo meelo lagu gawraco dameeraha. 2014 waxaa laga furay kawaankii ugu horreeyey ee lagu qalo dameeraha, ayadoo hilibkiisa iyo maqaarkiisa loo dhoofin jiray dalka Shiinaha.
Afar kawaan oo Kenya ku yaalla oo dameeraha lagu qalo ayaa lagu qiyaasay in maalin kasta ay qali jireen 1,260 dameer.
Muddo afar sano ah gudaheed Kenya waxay weyday tiro lagu qiyaasay 700,000 oo dameer. Taa waxay keentay in wasaaradda beeraha ee Kenya ay xirto kawaannadii dameeraha lagu qali jiray, ka dib markii cabasho ay ka timid dadweynaha taasoo ku saabsan indameerahooda la xado, ka dibna la qalo.
Inkastoo Soomaaliya ay dameero badan ku nool yihiin, misna lagama hayo tiro ama qiyaas, inta ku nool.













