Maxay hoggaamiyaasha Bariga iyo Koonfurta Afrika ka yiraahdeen colaada DR Congo?

DR Congo

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Hogaamiyayaasha bariga iyo koonfurta Afrika ayaa ku baaqay xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la'aan ah si loo soo afjaro dagaalka lagu hoobtay ee ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Shir madaxeedka lagaga hadlayey xasaradda oo ka dhacay dalka Tanzania, ayaa Ururka Horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika iyo Ururada Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxa ay ku booriyeen dhammaan dhinacyada dagaallamaya in ay wadahadal nabadeed ku yeeshaan muddo shan maalmood gudahood ah, oo ay ku jiraan fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto.

Fallaagada oo dagaal kula jirta ciidamada dowladda ayaa qabsaday dhul ballaaran oo ku yaalla bariga DR Congo, oo ay ku jirto magaalada Goma. riixitaanka Bukavu waxay kor u qaadday cabsida laga qabo dagaal gobol oo ballaaran.

Qayb ka mida wadahadalladooda waxaa sidoo kale la sheegay in taliyaasha ciidamadu ay dejiyaan qorshe lagu sugayo ammaanka magaalada Goma iyo deegaanada ku xeeran.

Tirakoobkii ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in 2,900 oo qof la dilay tan iyo horraantii Jannaayo, taasoo ka dhalatay colaadda u dhaxeysa M23 iyo ciidamada DR Congo.

Ku dhawaad 700,000 ayaa lagu qiyaasaa in ay barakaceen kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen.

Kulankii Sabtidii ka dhacay magaalada Dar es Salaam, oo ah magaalada ugu weyn Tansaaniya, ayaa isu keenay madaxweynaasha iyo wakiilo ka socday dowladdaha si ay isugu dayaan in ay xalliyaan xaaladda amni iyo bini'aadantinimo ee sii xumaaneysa.

"Shirk ayaa xoojiyey in ka-qaybgalka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed uu yahay xalka waara ee khilaafka," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxay sidoo kale dalbadeen in dib loo furo garoonka diyaaradaha ee Goma iyo waddooyinka kale ee muhiimka ah si loo fududeeyo gargaarka bini'aadantinimo, iyo sidoo kale in ciidamada shisheeye ee hubaysan ee aan lagu casuumin laga soo saaro dhulka Congo.

Kooxda M23 oo ka soo jeeda qawmiyadda Tutsiga ayaa sheegay in ay u dagaalamayaan xuquuqda dadka laga tirada badan yahay halka dowladda DR Congo ay sheegtay in fallaagada ay taageerto Rwanda ay doonayaan in ay gacanta ku dhigaan hantida macdanta ah ee gobolka bariga.

Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame - oo ku sugnaa shir madaxeedka - ayaa marar badan beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay taageerada fallaagada.

Konfo

Xigashada Sawirka, EPA-EFE/REX/Shutterstock

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Laakiin, sida uu sheegay bishii hore weriyaha BBC-da Ian Wafula, koox khubaro ah oo Qaramada Midoobay ka tirsan ayaa ku adkeysanaya in ciidamada Rwanda ay ku jiraan "xakamaynta dhabta ah ee hawlgallada M23" - iyaga oo tafaasiil ka bixinaya sida M23 loo qorayo ay u tababaran yihiin kormeerka Rwanda laguna taageeray hubka casriga ah ee Rwanda.

Shir madaxeedka ka dib, Kagame ayaa bartiisa Facebook soo dhigay, isagoo ku eedeeyay DR Congo "inay kor u qaadayso dhibaatada amni ee ka dhanka ah dalkeena".

Madaxweynaha DR Congo, Félix Tshisekedi, oo shirka ugu qayb gakay habka muuqaalka basle Ra'iisul Wasaare Judith Suminwa ayaa halkaas ku sugnayd qof ahaan.

Ma jirin jawaab degdeg ah oo Suminwa ama wafdiga Kongo ay ka bixiyeen war-murtiyeedka wadajirka ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo hadda ah guddoomiyaha ururka EAC, ayaa ku nuuxnuuxsaday in xal militari oo keliya aysan xallin karin dhibaatada.

"Waa inaan iska caabinnaa rabitaanka ah inaan ku fikirno inaan si uun u toogan karno ama u duqeyn karno dariiqeenna xal anagoo wajahayna xaalad cakiran," ayuu yiri.

Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan, ayaa hoosta ka xariiqday "mas'uuliyadda wadajirka ah" ee hoggaamiyeyaasha gobolka si loo soo afjaro colaadda, iyadoo tiri "taariikhdu si adag ayay noo xukumi doontaa haddii aan sii joogno oo aan daawanno xaaladdu oo sii xumaanaysa maalinba maalinta ka dambeysa".

Colaadda socota waxay soo bilaabatay 1990-meeyadii, laakiin si xawli ah ayey u sii korortay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Dalka Jamhuuriyada Dimiqraadiga ee Congo, waa dal baaxad ahaan ballaaran kaas oo xubin ka ah laba urur oo ah bariga iyo Koonfurta Afrika.