Waa maxay kaalinta taleefankaagu ku leeyahay dagaalka ka socda Congo?

Hablo

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waxaa jirta fursad wanaagsan oo ah in gudaha taleefankaaga gacanta aad ku hayso ay ku jirto cadad yar oo bir ah oo safarkeeda kasoo bilowda dhulka hoostiisa si gaar ah bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo dagaal xooggani ka socdo.

Waxay xitaa si toos ah ula xidhiidhi kartaa tani kooxda fallaagada M23, taasoo toddobaadkan si weyn looga hadal hayay caalamka.

Macdanta Tantaalamka ee ku jira taleefankaaga waa mid aad u yar – xitaa ka fudud nus ka mid ah iniinta digirta – balse waa mid lama huraan ah si taleefankaaga iyo inta badan aaladaha elektaroonigga ah ee casriga ah ay si hufan ugu shaqeeyaan.

Astaamaha gaarka ah ee birta naadirka ah waa buluug-cawlan leh – waxayna leedahay awood sare oo ku aaddan keydinta koronto marka loo eego cabbirkeeda yar, iyada oo weliba ku shaqeyn karta heerkullo kala duwan.

Waxaa kale oo laga soo saaraa Rwanda, Brazil iyo Nigeria, balse ugu yaraan 40% – ama laga yaabee in ka badanba – sahayda caalamiga ah ee macdanta tantaalamka waxay ka timaaddaa Kongo, iyadoo qaar ka mid ah goobaha muhiimka ah ee macdanta laga qodo ay hadda gacanta ugu jiraan M23.

Dagaalka haatan socda wuxuu socday bilooyin, balse fallaagadu waxay indhaha caalamka isku soo jeediyeen markii ay Axaddii weerareen Goma, oo ah magaalo muhiim ah oo xuduud la leh Rwanda, islamarkaana xarun u ah ganacsiga macdanta ee gobolka.

Sanadkii la soo dhaafay, M23 waxay si degdeg ah u qabsatay dhul balaadhan oo ka mid ah bariga Kongo, gaar ahaan meelaha laga qodo koltaanka – macdanta lagasoo saaro tantaalamka.

Sida kumannaan kale oo kooxo hubeysan ah oo ka howlgala gobolka, M23 waxay markii hore ku bilaabatay difaaca xuquuqda qowmiyad la dareemay in la bartilmaameedsanayo. Laakiin intii ay dhul qabsanayeen, macdantu waxay noqotay isha ugu weyn ee dhaqaale, taasoo maalgelisay dagaalyahannadooda iyo hubkooda.

Bishii Abriil ee la soo dhaafay, waxay la wareegeen Rubaya, oo ah magaalada ugu weyn ee xarunta u ah warshadaha koltaanka ee dalka.

Soo saarista macdanta ee gobolkaasi ma aha mid ay gacanta ku hayaan shirkado caalami ah, balse waxaa maalin ka shaqeeya kumannaan qof oo si aan badbaado lahayn uga qoda godad furan ama hoos u gala dhulka, iyaga oo wajahaya xaalado aad u halis badan.

Waxaana arrintaan qayb ka ah shabakado isku dhafan oo aan si rasmi ah u nidaamsanayn, taasoo macdanta looga soo saaro dhulka iyadoo la adeegsanayo baangado, kaddibna loo soo saaro dusha sare, la burburiyo, la dhaqo, canshuur laga qaado, la iibiyo, ugu dambaynna lasii dhoofiyo si loo sii nadiifiyo kadibna la dhalaaliyo.

Rubaya

Xigashada Sawirka, Monusco

Qoraalka sawirka, Sawir dusha sare ah oo muujinaya sida howlaha qodista Cobalt ay u dhacaan. Waxaa la qaaday sawirkaan 2014-kii
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Markii M23 ay la wareegtay Rubaya, fallaagadu waxay dhiseen waxa khubarro ka tirsan Qaramada Midoobay ay ku tilmaameen "maamul u eg dowlad", iyagoo ruqsado u bixiyay dadka macdanta qoda iyo ganacsatada, kana dalbaday lacag sanadle ah oo dhan $25 (£20) iyo $250 midkiiba. M23 waxay labanlaabeen mushaarka macdan-qodayaasha si ay shaqada u sii wadaan.

Waxay u maamulaan aagga sidii ganacsi xidhan, iyagoo hanjabaado ku haysta cid kasta oo ayna iyagu u oggolaan inay ganacsi sameeyaan, taasoo ay ku xaqiijinayaan iyada oo qofkii ka hortimaada la xidho

M23 waxay ka qaadaan lacag dhan $7 halkii kiilo ee koltaan ah. Warbixin ay bixiyeen khubarada Qaramada Midoobay waxay ku qiyaaseen in canshuurta laga qaado koltaanka ee Rubaya ay M23 ku hesho ilaa $800,000 bishii, taasoo suurtagal ah in si toos ah loogu maalgeliyo kacdoonkooda.

Waxaa weli taagan su'aal ku saabsan sida macdanta laga qodo dhulka ay M23 maamusho ay ugu biirto silsiladda sahayda caalamiga ah.

Dalka deriska la ah ee Rwanda, oo loo arko inuu taageero siiyo M23, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay xudunta jawaabta arrintan, sida ay sheegeen khubarada Qaramada Midoobay.

M23 Waxaa looga shaki qabaa in ay u isticmaalaan lacagaha aykasoo aruuriyaan goobaha macdanta laga qado bixinta dhaqaalaha dagaalamayaashooda iyo hubkoodaba.

Xigashada Sawirka, EPA

Sida caadiga ah barnaamijka shahaado-bixinta ee loo yaqaan Innovative Tin Supply Chain Initiative (Itsci) wuxuu u jeedkiisu yahay in la hubiyo in macdanta lagu isticmaalo taleefannada casriga ah iyo qalabka elektarooniga ah aanay ka iman meelaha dagaalku ka socdo ee ay suurtagal tahay in laga maalgeliyo kooxaha hubeysan ee dhibaatooyinka geysta.

Sharciga Dodd-Frank ee Mareykanka oo la meel mariyay sanadkii 2010, iyo sharci la mid ah oo Midowga Yurub ay ansixiyeen, wuxuu ujeedkiisu yahay in la hubiyo in shirkadaha iibsada biraha tin, tantaalam, tungsten iyo dahabka – oo loogu yeedho "macdanaha colaadda" – aysan si aan toos ahayn u maalgelin rabshadaha.

Laakiin barnaamijka ITSCI dhaliilo ayaa loo soo jeediyay.

Ken Matthysen, oo ah khabiir ku takhasusay ammaanka iyo maaraynta kheyraadka oo ka tirsan hay'ad cilmi-baaris oo madax-bannaan ee loosoo gaabiyo IPIS, wuxuu tilmaamay in macdanta yaryar ee aadka u kala firirsan ay adkeynayso in la helo kormeer sax ah oo lagu ogaanayo waxa dhab ahaantii ka dhacaya goobaha macdanta laga qodo.

Waa in calaamadaha Itsci lagu dhejiyaa bacaha macdanta laga buuxiyo goobta macdanta laga qodayo, si loo caddeeyo meesha laga keenay. Laakiin marar badan, bacaha waxaa lagu geynayaa xarumaha uruurinta, taasoo ka dhigaysa mid adag in la raadiyo halka macdantu asal ahaan ka timid, ayuu yiri Matthysen.

Wuxuu sidoo kale xusay in musuqmaasuq suurtagal yahay.

"Waxaa xitaa jira eedeyn ah in saraakiisha dowladda ay calaamadaha Itsci ka iibinayaan ganacsatada, sababtoo ah ma helaan nolol fiican. Sidaas darteed, ganacsatadu waxay u socdaalaan bariga Kongo iyagoo si iskood ah ugu calaamadeeya bacaha," ayuu raaciyay.

Itsci kama aysan jawaabin codsi BBC ay u dirtay si ay uga hadasho arrintan, balse horey ayay u difaacday diiwaankeeda, iyadoo sheegtay in barnaamijku uu maray xisaab-xir adag oo madax-bannaan.

M23 Waxay kor u qaadeen lacagaha macdan qodayaasha laakiin waxay sidoo kale si keli ah u maamulaan ganacsiga Koltanka.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, M23 Waxay kor u qaadeen lacagaha macdan qodayaasha laakiin waxay sidoo kale si keli ah u maamulaan ganacsiga Koltanka.

Inkasta oo Rwanda ay leedahay macdanta koltaan u gaar ah, khubaradu waxay sheegayaan in koltaanka aan shahaado laheyn lagu daro wax-soo-saarka Rwanda, taasoo keentay "in si weyn loo wasakheeyo silsiladaha sahayda caalamiga ah".

M23 waxay horeyba uga dhex shaqeynaysay ganacsiga koltaanka xitaa kahor inta aysan qabsan Rubaya, iyagoo dhigayay baro kontorool oo ay dadku ku cashuuraan si ay uga gudbaan, sida uu sheegay Mr. Matthysen.

"Ganacsiga macdantan badankeedu wuxuu marayey aagagga ay M23 maamusho oo ku sii jeeda dhanka Rwanda. Sidaas darteed, xitaa markaas, Rwanda waxay ka faa'iidaysatay xasillooni darrada bariga Kongo, waxaana aragnay in tirada dhoofka loo dirayo Rwanda ay horeyba u kordhayeen," ayuu u sheegay BBC.

Xogta ka timid Sahanka Juqraafiga ee Mareykanka (US Geological Survey) waxay muujinaysaa in dhoofinta koltaanka ee Rwanda ay korortay 50% intii u dhaxeysay 2022 iyo 2023. Mr. Matthysen wuxuu sheegay in tani aysan dhammaan ka imaan karin Rwanda lafteeda.

Iyadoo si adag u difaaceysa mowqifka Rwanda, afhayeenka dowladda Yolande Makolo ayaa BBC-da u sheegtay in waddankeeda uu leeyahay kheyraad macdan iyo awood sifeyn.

"Waxay aad u fool xun tahay in arrin sida waxa ka socda bariga DRC – halkaas oo bulsho la dulmay ay u dagaallameyso xuquuqdeeda – loo rogo mid laga faa'iidaysanayo dhinaca kheyraadka," ayay raacisay.

Madaxweynaha Rwanda, Paul Kagame, ayaa sidoo kale dhaleeceeyay warbixinaha khubarada Qaramada Midoobay, isagoo shaki geliyay "aqoontooda khabiirnimo".

DR CONGO
Qoraalka sawirka, DR CONGO

Bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo ayaa sanado badan ay colaado ragaadiyeen, taasoo dhalisay su'aalo la xiriira cidda ka faa'iidaysanaysa iyo in kooxaha hubeysan ay ka macaashaan macdanta halkaas laga qodo.

Si arrintaas loo muujiyo iyo xiriirka ay la leedahay warshadaha taleefannada casriga ah, dowladda Kongo waxay dhammaadkii sanadkii hore dacwado ciqaabeed ka gudbisay shirkado hoos taga Apple oo fadhigoodu yahay Faransiiska iyo Belgium, iyagoo ku eedeeyay inay isticmaaleen "macdanaha colaadda".

Apple waxay diidday eedeyntaas, waxayna sheegtay in tan iyo horraantii 2024, sababo la xidhiidha dagaalka sii kordhaya iyo caqabadaha la darsay shahaado-bixinta, ay joojisay helitaanka tantaalamka iyo macdanta kale ee ka imanaya Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Rwanda.

Shirkado kale si cad uma aysan shaacin mowqifkooda, taasoo ka dhigan in maadaama M23 ay dhul badan qabsanayso, tantaalamka laga qodo macdanta ay maamulaan wali uu gaari karo aaladaha aan maanta ku tiirsannahay.