Maxay boqolaal qof oo Hindiya ku nool timuhu uga daadanayaan? Welwel arrintaas ka dhashay

Dadka ku nool tuulooyin gaaraya ilaa 12 oo ka tirsan degmada Buldhana ee gobolka Maharashtra, dalka Hindiya, ayaa la yaab waxaa ku noqday dad badan oo halkaasi ku nool oo ay timuhu ka daadanayaan. In ka badan 200 oo qof, oo ay ku jiraan carruur da'doodu tahay 4 sano jir, ayaa la kulmaya timo daadasho degdeg ah oo lama filaan ah, sida ay sheegeen maamulka caafimaadka deegaanka.
Xaaladaha qaarkood timaha daadanaya ayaa sabab u noqday bidaarta oo dhan, waxaana dhacdadan ay walaac iyo argagax ku beertay dad badan oo ku dhaqan deegaannadaasi. Mas'uuliyiinta caafimaadka Hindiya waxay ku qasbanaadeen inay si degdeg ah baaritaan ugu sameyaan sababta keentay arrintaan timo-gurmidda ah ee dadka badan wajahayaan.
Anand oo ka yimid Tuulada Phahujira waa mid ka mid ah dadka calaamadahan leh. Timaha ayaa bilaabay inay daataan 31-kii bishii December ee sanadkii hore, ka dibna wuxuu aaday goobta timo-jaraha si uu timaha isaga xiiro. Timihiisii waa soo noqdeen, laakiin haddana mar kale ayay daateen.
Waxaa la sheegay in ka hor timo daadashada, bukaanku marka hore la kulmo cuncun madaxa ah, ka dibna timo tiro badan ay si degdeg ah u daataan. Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay timo cusub yeeshaan, laakiin sababta saxda ah weli lama garanayo.
Wasaaradda Caafimaadka ee Hindiya ayaa hadda bukaannada siisa dawooyin ay kula tacaalayso.
Khubarada Dowladda Hindiya iyo sidoo kale Ururka Cilmi-baarista Caafimaadka ee dalkaasi ayaa bilaabay baaritaanka sababta keentay arrintaan.
Saynis yahano ka socda Ururka Cilmi-baar ista Caafimaadka ee Hindiya, oo ay weheliyaan koox cilmi-baarayaal ah oo ka kala socda Bhopal, Chennai, Pune iyo Delhi, ayaa tagay tuulooyinka ay timo-daadashadu ka dhacday, waxaanay soo ururiyeen muunado timo ah. Cidiyaha, Dhiiga, Kaadida iyo Biyaha Tuulada laga isticmaalo ayaa la baarayaa waxaana loo qaaday Kulliyadda Caafimaadka ee Agola ee Dowladda Hindiya si loo ogaado waxa sababay arrintaan
Dr. Meenakchi Kajpee Maamulaha kulliyadda caafimaadka ee Agola ayaa BBC News Marathi u sheegay: "Baaritaannada shaybaarka jirka iyo dhiigga, waxay si cad u muujineysaa in sababta timaha daataan aysan ka dhalan caabuqa fangas la dhaho. Intaa waxaa dheer, lama go'aamin karo. Waxaa sababay cudur gaar ah, cilmi-baaristu waxay sii wadi doontaa in la ogaado waxa sababaya, oo ay ku jiraan ilaha biyaha ee tuulada.
Koox aqoonyahano ah oo ka socda kulliyadda caafimaadka ee Agola ayaa booqday tuulooyinkan.
Dr. Amol Gait, Madaxa Caafimaadka Dadweynaha ee Degmada Bulthana. "Lama saari karo in uu yahay caabuq fangas ah sababtoo ah timaha degdegga u daadanaya maaha astaanta caabuq fangas ee madaxa," ayuu yiri mar uu la hadlayay BBC-da.
Timo daadashada iyo faquuqa bulshada

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Xaaladda timuhu waxay sababtaa takoorid ka dhan ah dadka deggan tuulooyinka ay dhibaatadu saameysey.
Markii koox ka socota BBC-da ay tageen aaggaas, wiilasha iyo gabdhaha qaarkood ayaa ka baqaya inay u dhawaadaan oo ay ka hadlaan.
Balamo badan oo guur ah ayaa la baajiyay, dadka timuhu ka go'aana waa laga mamnuucay inay ka qayb qaataan hawlaha ama dhacdooyinka tuulada qaarkood. Qaar ka mid ah ardayda dugsiyada ayaa ka cabanaya in lagu maadsado dugsiyada iyo kulliyadaha ay dhigtaan.
Bhawati oo ah Haweeney 55-jirka ah ayaa tiri, "Wiilkeyga timihiisu waxay ka daateen madaxiisa oo dhan, ka hadalka guurka sidoo kale meesha ayuu ka baxay." Iyadoo hadalkeeda sii wadda ayay tiri "Wiilkeygu uma baxo inuu la kulmo qof ku nool tuulada."
Gaveri Dalokar waa lixdan lahaan jirtay timo aad u dheer, laakiin hadda waxay yeelatay wax bidaar u ek."Markii hore, timo badan kama lumin." "Laakin markaan timaha shanleeyo aad bay ii soo daataan, markii aan dhaqay ayay timuhu mar kale iga daateen, waxaan dareemayaa wax aad u xun in aan wax badan waayay," ayay tiri.

Dr. Somesh Gupta Khabiir ku takhasusay cudurrada maqaarka oo ka tirsan Machadka Cilmiga Caafimaadka ee Hindiya oo ku yaalla magaalada Delhi, ayaa u safray deegaannada dhacdadaan timo-daadashada ah ay ka jirto, waxaana uu isku dayay inuu dejiyo dadka tuulooyinka deggan ee ka welwelsan timahooda daadanaya.
Waxa uu BBC-da u sheegay: "Dadka timuhu ka go'een waxay bilaabayaan inay dib u koraan, uma malaynayo in dhibaatadani ay sii jiri doonto, timaha soo noqdana waa caafimaad qabaan."
"Uma eka inay tahay fayras , umana muuqato mid aad u faafaya," ayuu yiri Dr. Somesh.
Dr. Sheila Gottbo, oo iyana ah khabiir ka tirsan Machadka Cilmi-baarista AIDS-ka ee ICMR-National AIDS, ayaa tiri, "Bukaanku waa inuu ka taxaddaraa isticmaalka shaambada iyo saliidda timahooda, waana inay isticmaalaan shanlooyinkooda gaarka ah ee looma baahna argagax."

Inkasta oo timaha daadanaya aan la garanayn waxa sababay, haddana dadku waxaa ay muujinayaan walaac heerkiisu sarreeyo.
Tusaale ahaan, intii lagu guda jiray cudurka faafa ee COVID-19, dad badan ayaa la kulma timo daadasho waqto kooban ahayd, balse ma dhicin timo daadasho deg deg ah sida xaaladda hadda taagan.
Waxaa loo badinayaa wasakhowga deegaanka, laakiin hadda mas'uuliyiinta Hindiya waxay qaadeen tallaabooyin dhowr ah oo kormeer ah, sida hubinta ilaha biyaha ama raadinta arrimo kale oo deegaanka ka jira
Tijaabo biyaha oo laga soo qaaday tuulooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa loo diray baaritaan lagu ogaanayo, waxaana maamulka deegaanka lagu amray in ay ku daraan koloriin dhammaan ilaha biyaha ee deegaanka si loo hubiyo in biyuhu ay nadiif yihiin oo la cabbi karo.













