Sifa Maxamed: 'Waxaan ku khasbanaaday inaan oggolaado kufsi intii la i dili lahaa'

Xigashada Sawirka, Göktay Koraltan / BBC
- Author, Orla Guerin
- Role, BBC News, Goma
Digniin: Warbixintan waxaa ku jira macluumaad aad dhibsan karto, oo ay ku jiraan qeexitaan kufsi, laga soo billaabo billowga.
"Wuxuu ii sheegay haddii aan isku dayo inaan baxsado inuu i dili doono."
Pascaline, oo 22 jir ah, ayaa dib u xasuusatay hadalka ninkii ku kufsaday xabsi ku yaalla magaalada Goma, oo ah magaalada ugu weyn bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, saacadihii hore ee 27-kii Janaayo.
"Waxa la igu qasbay inaan ogolaado in la i kufsado halkii aan noloshayda waayi lahaa," Pascaline ayaa sidaasi u sheegtay BBC.
Wuxuu ahaa ninkii labaad ee ku kufsada xabsiga Munzenze. Weerarkii ugu horreeyay wuxuu ahaa mid aad u daran oo ay kasoo gudubtay.
Kuwii soo weeraray ayaa kasoo gudbay gidaarka qeybta ragga ee ku xigta ee loo yaqaan "Safina", ayay tiri.
"Waxaan maqalnay qeylo markii ay kasoo boodeen haanta biyaha, aad bay u badanaayeen, aad baan uga cabsanay, kuwii nasiibka u yeeshayna waa la kufsaday, kuwii nasiibka lahaana iyaga oo aan la kufsan ayay ka baxsadeen."
Qalalaasuhu wuxuu ku faafay guud ahaan xabsiga, iyo magaalada ku xeeran. Fallaagada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa ku sii dhowaanayay magaalada Goma, ka dib markii ay si degdeg ah horumar uga sameeyeen gobolka.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inta badan ciidamadii xabsiga iyo maamulkii magaalada ayaa mar hore baxsaday. Rasaas ayaa laga maqlayey banaanka xabsiga.
Saacado ka dib, gudaha xarunta, ayaa waxaa ka kacay dab - sida muuqata ay qabadsiiyeen rag maxaabiis ah, xilli ay isku dayayeen inay baxsadaan.
Subaxnimadii, ilaa iyo 4,000 oo maxbuus oo rag ah ayaa xabsiga jabsaday. Laakiin in yar oo dumar ah ayeey u suurta gashay in ay baxsadaan. 132 maxbuus oo dumar ah iyo ugu yaraan 25 caruur ah ayaa nolosha ku gubtay, sida laga soo xigtay laba ilo wareed.
Sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa BBC u sheegay in "ugu yaraan 153 haween ah ay dhinteen", isagoo soo xiganaya "ilo lagu kalsoonaan karo oo xabsiga ah".
Bil ka dib, Pascaline waxa ay kusoo noqotay burka qeybta gubatay ee dhismaha xabsiga, halkaas oo taawarkii ilaalada oo maran uu weli taagan yahay.
Waxay doonaysaa inay wixii ku dhacy ka sheekeyso, waxay doonaysaa in la aqoonsado. Waxay kaloo ay dooneysay in ay u dooddo kuwa dhintay.
Waxay ku dhex socotaa dayrka wayn ee qaybta dumarka, iyadoo eegaysa gidaarada gubtay, weelasha wax lagu karsado ee daadsan iyo dharka firirsan. Gacanteedu ayey afka saartay iyadoo hadli waysay iyada oo madaxa ruxayso.
"Marna ma aanan ogeyn waxa dhacaya," ayay tiri. "Waxay ahayd ka dib markii aan arkay dadka kale oo dhimanaya, waxaan bilaabay inaan is aruriyo, waxaan dhihi lahaa uun Ilaah aya i badbaadiyay."
Pascaline, oo ah haweeneey basasha iibisa, ayaa xabsigan lagu soo xiray kadib markii qofkii ay u shaqeeyneysay uu ku eedeeyay tuuganimo.
Nadine oo 22 jir ah, ayaa sidoo kale ku soo laabatay xabsiga markii ugu horeysay. Maskaxdeeda, kama baxin.
"Markii aan habeenkii seexdo, wax kasta oo aan halkan ku arkay ayaa i hor yimaada . Waxa aan mar kale arkaa kuwa dhintay - in badan oo meyd ah oo aan halkan ku arkay ilaa aan ka soo baxay. Halkii ay albaabka naga furi lahaayeen, waxay nagu dhaafeen inaan ugu dhimanno sida xayawaanka halkan."
Nadine ayaa sheegtay in sidoo kale ay kufsadeen labo nin.
"Waxay la yimaadeen khamri," ayay u sheegtay BBC-da. "Waxay doonayeen inay dadka siiyaan maandooriyaha, xoog bay igu qabteen, dumarkii oo dhanna halkan bay ka kaxeysteen."
BBC-du ma xaqiijin karto inta haween ah ee habeenkaas la kufsaday, oo ka mid ahaa 167, kuwaas oo sida ay ilo-wareedyadu sheegeen xirnaa.
Nadine waxay aad uga carootay mas'uuliyiinta - markii ay ku xireen isla markiiba kadib markii ay bixin waysay deyn , ayay tiri, ka dibna wax ay ku guuldareysteen inay fasaxaan.
"Uma maleynayo in cadaalad ay ka jiri karto Congo," ayay tiri. "Waan cambaareynayaa habka ay dowladdu wax u waddo."
Xukuumadda DR Congo, magaalada Goma oo in ka badan 1,500km (1,000 mayl) ka fog caasimadda Kinshasa ah - ayaanay hadda waxba ka maamulin . Jabhadda ayaa si buuxda gacanta ugu haysa, waxaana ay sii wadaan inay kusii siqaan dhanka bari.
Waxaa ka mid ah dambaska roogaga gubtay ee sagxadda xabsiga dabka ka dib, waxa ku jira kabo casaan ah oo yar oo dhinac ka gubtay. Qaar ka mid ah badhamada dhaldhalaalaya ayaa ku gubtay qashinka agyaal, laga yaabee inay ahaayeen dharka carruurta.
Haweenka maxaabiista ah ayaa loo oggolaaday in mid ka mid ah carruurahooda xabsiga ku haystaan. kaliya Laba carruur ah ayaa ka badbaaday 28ka caruur ah, dabka ka kacay xabsiga, sida lagasoo xigtay ilo xog ogaal ah. Maxaabiis carruur ah - oo lagu hayay meel gaar ah - ayaa la sii daayay goor hore oo maalintaas ah.

Kaliya ma ahayn qiiqa iyo holaca waxa dilay kuwa ugu nugul, sida lagu sheegay warbixin faahfaahsan oo laga soo xigtay qof kale oo badbaaday oo 38 jir ah, oo aan rabin in la aqoonsado. Waxaanan ugu yeernay Florence.
Waxay tiri "carruurtu waxay bilaabeen inay dhintaan" markii sunta dadka ka ilmaysiisa lagu soo riday qaybta haweenka.
"Xabsiga waxaa ku hareereysnaa askar iyo booliis, kuwaas oo, halkii ay u imaan lahaayeen inay damiyaan dabka, waxay nagu ridayeen rasaas oo waxay nagu tuurayeen sunta dadka ka ilmeysiisa,"ayeey tiri Florence.
"Markii sunta dadka ka ilmeysiisa nalagu soo ridey, dabku aad buu u xoogaystay. Indhahayagu waxay noqdeen sidii in basbaas lagu shubay. Ma jirin meel lagu neefsado," ayay raacisay.
Dabka iyo kufsiga ayaa ahaa kuwa dhaliyay jahawareer, iyadoo dhinac walba uu doonayey inuu kan kale eedeeyo.
Hay'adaha xuquuqul insaanka ayaa sheegay in haweenka si wey weyn loogu kufsado dagaalka DR Congo oo ay geystaan fallaagada M23 iyo ciidamada dowladda.
Si kastaba ha ahaatee, kiiskan, Florence waxay sheegtay in aya ahaayeen maxaabiis kale.
"Waad arki kartay inay maxaabiis yihiin, qaarkood waxay yimaadeen iyagoon kabo wadan, markii ay fuuleen saqafka sare ee xabsiga haweenka, waxay ugu yeeri jireen magacyada kuwii ay garanayeen, mana jirin kooxihii weerarka soo qaaday mid hubaysnaa ama xirnaa darees."
Florence waxa ay sheegtay in saacdu markii ay ahayd 23:00 ay maqashay "rasaas ka dhacaysa xabsiga" dibaddiisa, iyo maxaabiista baxsanaysa oo ay booliisku ku dileen bannaanka xabsiga.
"Haddii maxbuus uu dibadda u soo baxo, way tooganayeen, markii ay xabbaduhu dhacayeen Ilaah ayaan baryay inuu naga samata bbixiyo xaaladdan xun."
Qaar ka mid ah maxaabiista jebisay qaybta dumarka ayaa raadinayey waddo nabad ah ayay tiri.
Waxay jebiyeen mid ka mid ah gidaarka bannaanka kusii jeeday – meel aanay booliisku caadi ahaan joogin. Laakiin isla markiiba dab ayaa qabsaday.
Florence waxay markii ugu horreysay aragtay ololka dabka 04:00. Dabadeed saacadba saacadda ka danbeysa si aad ah ayuu usii fidayey.
"Dadku waxay ku dhimanayeen horteyda, ma tirin karin, waxa aan isku daynay inaan badbaadino annagoo siinayno biyo, haweenka qaar ayaa ku neef-qabatoobay dabka, iyo sidoo kale gaaska, qaarkood waxay u dhinteen wadno-xanuun," Florence ayaa sidaasi u sheegtay BBC-da.
Waxay sidoo kale ku eedaysay maamulka Congo mas'uuliyadda khasaaraha nafeed ee tirada badan.
Dawladdu waxay ahayd inay albaabbada u furto markay arkaan dabka ama ay yimaadaan oo ay damiyaan.
BBC-da ayaa la xiriirtay dowladda Kinshasa oo weydiisay in ay jawaab ka bixiso waxa ay noo sheegeen kuwa badbaaday balse weli jawaab kama aynan helin.
Florence waxay sheegtay in xabsiga haweenka la furay 11:00-kii - ma garanayso cidda ay la soo baxday ee 18ka kale ee badbaaday. Wax gargaar ah lama siin.
"Xitaa booliska aan ku aragnay wadada, ma aysan weydiinin war ku saabsan maxaabiista, ama ma weydiin in qof uu dhaawacmay, ama sida aan nahay," ayay tiri.
Xilligaas dagaallamayaasha fallaagada ayaa ku sugnaa qeybo ka mid ah magaalada, iyagoo galay abbaare 08:00. Goma gacanta ayeey kasii baxeysay.
Dumarku waxa ay u ekaayeen kuwa aan dhibaato geysaneyn gudaha iyo dibaddaba.

Xigashada Sawirka, Göktay Koraltan / BBC
Teendho ku taal barxadda cisbitaalka Goma, waxa aanu kula kulannay qof kale oo badbaaday, Sifa, oo 25 jir ah, Taas oo uu saaxiibkeed ka soo saaray ololka.
Waxay u jiiftaa dhinaca bidix - meel kasta oo kale oo jirkeeda ah aad bey u xanuuneysaa. Gacanteeda waxaa ku duubaan faashad , cududdeeda iyo wejigeedana waxaa ka muuqda astaamo gubasho. Waxa kale oo ay ka gubatay dhabarka . Marka dharka laga beddelayo kalkaaliyayaashu waa inay siiyaan morphine.
Laakiin xanuunkeeda waa uu ka badanyahay waxa ka muuqda jirkeeda.
Gabadheeda Esther oo laba jir ah ayaa ku dhimatay xabsiga.
"Dhabarka waxa iga saarnaa Esther, markii aan rabnay inaan baxsano, wax baa ku dhacay, bam, ma garanayo waxa ay ahaayeen, goobta ayay ku dhimatay," Sifa ayaa u sdiaas u sheegtay BBC.
Waxay intaasi ku dartay in Esther ay hadda bilowday inay socoto oo "aanay dembi lahayn". Mararka qaarkood waxay la ciyaari jirtay carruurta kale ee xabsiga ku jirta, laakiin inta badan waxay la joogtay hooyadeed.
Sidee ayay Sifa, oo lawska iibisa, ay iyada iyo gabadheedu kusoo galeen xabsiga buux dhaafay?
Waxaa lagu eedeeyay inay ku lug lahayd dhac, kaas oo ay diiday. Waxay sheegtay in la xiray iyada oo aan wax dambi ah lagu helin. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in taasi ay tahay wax iska caadi ah.
Sheekada buuxda ee ku saabsan wixii ka dhacay xabsiga Munzenze waligeed lama ogaan karo. Waxay u muuqataa in kuwa talada haya aysan ku degdegin inay ogaadaan.
Sifa iyo dadkii kale ee badbaaday oo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in aysan jirin cid lasoo xiriirtay si ay uga marag furto argagaxii 27-kii Jannaayo- hadii ay ahaan lahaayeen fallaagada hadda gacanta ku haysa magaalada Goma, iyo sidoo kale dowladda Kinshasa oo maamuli jirtay xabsiga.
"Qofna ma sii daba geli doono [kiiskan]," Sifa ayaa sidaasi tiri. "Cidna lagama daba tagi doono, way dhammaatay."
Warar dheeraad ah oo la xiriira dagaalka DR Congo:
- Xaaladda Soomaalida ku ganacsata magaalada Goma ee Congo ee dagaalka qaraar uu ka dhacay
- Maxay magaalada Goma ee Congo muhiim u tahay maxayse fallaagada M23 u doonayaan?
- Maxaa ka caraysiiyay dadka reer Congo ee ku bannaanbaxaya ciidamada?
- Dad qaxooti ah oo u dhashay dalka Congo oo lagu dhibaateeyay dalka Angola










