Hindiya oo ku biirtay dagaal-ganacsiyeedka Maraykanka iyo Ruushka

Modi iyo Trump
Qoraalka sawirka, Modi iyo Trump
    • Author, Jack Burgess & Tiffany Wertheimer
    • Role, BBC News

Xilli muddooyinkii u dambeeyay uu socday dagaal ganacsi oo ka dhashay cashuuraha dheeri ah ee uu dala badan ku soo rogay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa markan waxa soo baxaya hadallo ka soo yeedhaya dawaldda Hindiya oo ku tilmaantay hanjabaadda Trump ee ka dhanka ah Ruushka mid aan caqliga geli karin.

Hadalkan ayaa waxa uu daba socdaa markii dhawaan madaxweynaha Maraykanku uu ku gooddiyay dalkaasi in uu saari doono canshuuro dheeraad ah oo lagu soo rogayo saliidda ay ka soo iibsato Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay Truth Social, madaxweynaha Mareykanka ayaa ka digay in uu kordhin doono canshuurahaasi, isaga oo sheegay in Hindiya "aanay dan ka lahayn inta qof ee uu Ruushku ku dilay Ukrayn oo muddo sannado ah ay dagaallo ka socdaan.

Hindiya ayaa hadda ka mid ah kuwa ugu badan ee iibsada saliidda Ruushka. Waxanay indhawaale ahayd suuq ganacsi oo ay Moscow u aragto ahmiyad weyn kaddib markii dhowr waddan oo Yurub ku yaalla ay gooyeen ganacsigii kala dhaxeeyay Ruushka wixii ka dambeeyay markii Ruushku bilaabay in duulaan buuxa uu ku qaado Ukrayn sannadkii 2022.

Trump ma uu caddaynin waxa ay noqon doonaan tacriifooyinkan cusub, balse waxa ay ku soo beegmeysaa maalmo uun kaddib markii uu daaha ka rogay canshuur baaxad leh oo 25% ah oo la saaray Hindiya.

Bayaan uu soo saaray, afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa lagu sheegay in Maraykanku uu hore ugu dhiirri-galiyay Hindiya in ay soo dejiso gaaska Ruushka bilawga colaadda, "si loo xoojiyo xasilloonida suuqyada tamarta adduunka".

Waxa uu sheegay in Hindiya "ay bilawday in ay wax ka soo dhoofsato Ruushka isaga oo ku sababeeyay saamaynta ka dhalatay duullaanka Ruushka ee Ukrayn.

Hindiya ayaa sidoo kale ku dhalleeceysay Maraykanka oo ah saaxiibkeeda ugu weyn ee ganacsiga -cashuuraha uu saaray, iyada oo ku tilmaantay in xidhiidhkii ganacsi ee Washigton iyo Moscow aanu weli go'in.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sannadkii la soo dhaafay, Maraykanku waxa uu Ruushka ka iibiyay badeecooyin qiimahoodu dhan yahay $3.5bn (£2.6bn), iyada oo ay barbar socdeen cunaqabataynno adag iyo cashuuro lagu soo rogay dalkaasi.

"Si la mid ah dalalka dhaqaalaha leh, Hindiya waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka la gama maarmaanka ah si ay u ilaaliso danaheeda qaranka iyo ammaankeeda dhaqaale," ayaa lagu yidhi bayaanka ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

"Bartilmaameedka u gaarka ah Hindiya waa mid aan sabab lahayn oo aan macquul ahayn," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Toddobaadkii hore, Trump wuxuu Hindiya ku tilmaamay dal Maraykanka "saaxiib" la ah laakiin wuxuu sheegay in cashuuraha Maraykanku xilligan ay yihiin kuwo aad u sarreeya wuxuuna ka digay "ciqaab" aan la cayimin oo ku saabsan ganacsiga ay la leedahay Ruushka.

Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee Baraha Bulshada ayaa mar kale dhaliay hadal-hayn ballaadhan.

"Hindiya kaliya Ruushka kama iibsanayso xaddi badan oo saliid ah, waxay se in badan oo ka mid ah saliidda la soo iibiyay dib ugu gadaan suuqa furan si ay faa'iido weyn u helaan," ayuu qoray.

"Taas darteed, waxaan si weyn kor ugu qaadi doonaa cashuurta badeecadaha Hindida ee Maraykanka la keeno," ayuu raaciyay.

Raysalwsaare Narendra Modi ayaa isagu weli amar siinin amrin wershadaha saliidda ee dalkiisu in ay joojiyaan iibsashada saliidda Ruushka, sida Bloomberg ay werisay, iyada oo soo xiganaysa dad si dhow ula socda xaaladda.

Ajay Srivastava oo ah sarkaal hore oo ka tirsan waaxda ganacsiga Hindiya, isla markaana madax ka ah Hay'adda Cilmi-baarista Ganacsiga Caalamiga ah (GTRI), oo xarunteedu tahay Delhi, ayaa sheegay in eedaymaha Trump ee ku saabsan ganacsiga saliidda ee Hindiya iyo Ruushka ay yihiin kuwo marin habaabin ah marka la eego dhowr sababood.

Waxa uu BBC-da u sheegay in ganacsigu uu ahaa mid daah-furan oo Mareykanku uu xog ku filan k haysto.

Srivastava ayaa sheegay in Hindiya ay sare u qaadday iibsashada saliidda si ay gacan uga geysato xasilinta suuqyada caalamka kaddib markii cunaqabateynta reer galbeedka ay hakisay waxyaabo badan, taasi oo laga ga baaqsaday joojinta jahawareerka qiimaha saliidda adduunka.

Waxa kale oo uu sheegay in warshadaha saliidda ee Hindiya oo isugu jira kuwa dawliga ah iyo qaybaha gaarka ahba - ay go'aansadaan halka laga iibsanayo saliidda caydhiin iyada oo loo eegayo arrimo ay ka mid yihiin sicirka, ilaalinta suuuqyada, iyo sharciyada dhoofinta. Waxa uu sheegay in qaybahan ganacsigu ay u shaqeeyaan si ka madax bannaan dawladda islamarkaana aanay u baahnayn oggolaansho si ay uga iibsadaan Ruushka ama dalal kale.

In kasta oo xiriirka Mareykanka iyo Ruushka uu sii xumaaday wixii ka dambeeyay soo laabashadii Trump ee Aqalka Cad bishii kowaad ee sannadkan, haddana, madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowaan sii adkeeyay hadaladiisa ka dhanka ah Kremlin-ka iyo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.