Iska hor imaad dhexmaray ilaalada madaarka Hargeysa iyo ciidan la socday Muuse Biixi

Is rasaaseyn ka dhacday garoonka Hargeysa

Xigashada Sawirka, Facebook

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa waxay sheegayaan in iska hor imaad uu dhex maray ciidamada ilaalada madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo dhar cad ahaa iyo kuwa ilaalada ka ah madaarka Hargeysa saakay mar uu doonayay madaxweyne Biixi in uu halkaas ka dhoofo, wuxuuna u safrayay dalka Imaaraatka Carabta.

Wararka waxay sheegayaan in iska hor'imaadka labada ciidan uu yimid kaddib markii ilaalada madaxweyne Muuse Biixi ay isku dayeen in ay gudaha garoonka galaan balse taasi waxaa u diiday ciidamada garoonka diyaaradaha Hargeysa ilaalada ka ahaa.

Sida wararku ay sheegayaan ciidamada ilaalada madaarka Hargeysa ayaa doonayay in ciidamo iyo gaadiid kooban ay gudaha u galaan, waxayna doonayeen in qaar ka mid ah askarta madaxweynaha ay dibadda joogaan.

Dad badan oo madaxweynaha la socday ayaa garoonka yimid kuwaas oo doonayay in gawaari badan ay gudaha garoonka la galaan halka ciidamada ilaalada madaarka ay doonayeen in ay xadidaan tirada dadka garoonka gudaha u galaya, kaddibna taasi ay keentay iska hor'imaadka labada ciidan.

Ciidamada garoonka diyaaradaha Hargeysa ayaa rasaas digniin aheyd kor u riday markii dambe.

Madaxweyne Muuse biixi oo ka dhoofay Hargeysa

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxan-saxo

War ka soo baxay ciidamada booliska maanta ayaa lagu sheegay in ay guddi baaris u saareen dhacdada madaarka Hargeysa. Boolisku waxay sheegeen in guddiga ay baarayaan qaabkii ay wax u dhaceen iyo cidda laheyd mas'uuliyada iska hor'imaadka.

Warka ka soo baxay booliska waxaa lagu sheegay in labo ka mid ah askarta ilaalada garoonka ee rasaasta kor u riday la xiray.

"Qaar ka mid ah ilaalada madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda iyo dad shacab ah oo badan oo la socday iyo qaar ka mid ah ilaalada madaar ayaa isku dhacay sababtuna waxay aheyd in dad shacab ah oo badan ay isku dayeen in ay xoog ku galaan" ayuu yiri afhayeenka ciidanka booliska Somaliland Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo intaas ku daray, "madaxweynihii hore ee qaranka mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu naga mudan yahay qadarin iyo sharaf".

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xisbiga mucaaradka Kulmiye ee madaxwene Muuse Biixi ka tirsanaa iyo xisbiga kale ee Kaah oo ka hadlay dhacdadaan ayaa cambaareeyay, waxayna ku tilmaameen "fal aad looga xumaado oo lagu bartilmaameedsaday madaxweynihii hore ee Somaliland".

Qoraal ka soo baxay xafiiska xisbiga kulmiye ayey ku sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhacdadaas iyagoo ka dalbaday wasaarada duulista in ay jawaab rasmi ah ka bixiso sidii ay wax u dhaceen iyo cidda qaadeysa mas'uuliyada falkaas.

"Waxa aan xukuumadda talada haysa, gaar ahaan Wasaaradda Duulista iyo hay'adaha amniga ka sugaynaa xisbi ahaan in ay jawaab rasmi ah ka bixiyaan dhacdadan foosha xun oo sawir khaldan ka bixinaysa hannaanka dawladnimada Somaliland".

Markii loo diiday in ay gudaha garoonka galaan gadiidka badan ee la socday madaxweynaha, Muuse Biixi ayuu go'aansaday in uu gudaha garoonka lug ku tago.

Siyaasiyiin badan oo ka tirsan xisbiyada mucaaradka ayaa dhacdadan si gaar ah ugu dhaliilay xukuumada iyagoo sheegay in aysan aheyn wax la aqbali karo in madaxweyne hore rasaas lagu rido, ayna tahay isku day dil.

Garoonka Hargeysa

Xigashada Sawirka, Saleebaan Saxan-saxo

Madaxweyne Muuse biixi ayaa hoggaaminayay Somaliland tan iyo sanadkii 2017-kii, wuxuuna xilka ka dagay 2024-kii.

Muuse ayaa lagu dhaliilay intii uu xilka hayay in uu meesha ka saaray ra'yiga dadweynaha iyo wadanka oo ciriir dhaqaale galay.

Madaxweyne Muuse Biixi markii uu xilka ka dagayay ayuu ugu baaqay xisbigiisa in aysan hore ka mucaaradin xukuumadda cusub ee xibiga Wadniga ee kaga guuleystay doorashadii dhacday 13-kii Nofembar ee sanadkii hore. Ilaa iyo markaa wixii ka dambeeyay madaxweyne Biixi masaraxa siyaasada wuu ka maqnaa.