UK ayaa cunaqabateyn saartay taliye RSF oo BBC-da soo bandhigtay xasuuq uu ka geystay Sudan

Taliye ka tirsan ciidamada RSF oo kaalintii uu ka qaatay xasuuqii el-Fasher ay BBC-da soo bandhigtay ayey dowladda UK saartay cunaqabateyn.
Janaraal Al-Fateh Abdullah Idris oo sidoo kale loo yaqlaan Abu Lulu ayaa waxaa laga duubay muuqaal isagoo tooganaya ugu yaraan 10 la hayste oo aan hubeysneyn kaddib markii ciidamada RSF ay qabsadeen magaalada bishii Oktoobar ee la soo dhaafay.
Kumanyaal qof ayaa la rumeysan yahay in ay dileen ciidamada RSF kaddib markii militeriga Sudan ay ka baxeen el-Fashar.
Xoghayaha arrimaha dibadda UK, Yvette Cooper, ayaa sheegtay in tacadiyada ka dhcaya Sudan ay noqdeen "boog ku taal adduunka", waxaana loo baahan yahay in loo ciqaabo kuwa ka dambeeyay.
Dowaldda UK waxay cunaqabateyn saartay saddex taliye oo ka tirsan RSF, waxaana ka mid ah saraakiishaas taliye ku xigeenka ciidamada Abdul Rahim Hamdan Dagalo.
Dagalo oo bishii Nofembar ay Midowga Yurub cunaqabateyn saareen ayaa lagu arkay muuqaallo isagoo booqanaya magaalada saacado kaddib markii el-Fasher ay qabsadeen. Dagalo wuxuu la dhashay taliyaha ciidamada RSF Mohamed "Hemedti".
Dagaalka Sudan ayaa qarxay kaddib markii uu burburay isbahaysigii militeriga Sudan iyo RSF ay ku wada jireen, wuxuuna hadda socdaa dagaalka in ka badan labo sano, waxaana ku dhintay boqolaal kun iyadoo ay ku barakceen malaayiin qof.
E-Fashar waxay aheyd goobtii ugu dambeysay ay ku xooganayeen ciidamada ee Darfur, waana dhul ay RSF hore u joogtay.
Baaritaanka ay BBC-da sameysay ayaa shaaca ka qaaday falalkii arxandarada ahaa ee RSF adeegsatay intii ay go'doominta ku haysay magaalada. Falalka ay RSF ka geystay magaalada waxaa ka mid ah xarig iyo jirdil loo geystay dadka sahayda cunto geynayay magaalada iyo in buuro ciid ah ku xirtay magaalada si aysan uga baxsan ciidamada iyo dadka ku jira halkaas.
Xafiiska arrimaha dibadda UK ayaa sheegay in ay aaminsan yihiin in Abu Lulu uu "mas'uul ka ahaa tacadiyo shaqsiyaad loogu geystay heybtooda iyo diintooda iyo in si toos ah loo beegsaday rayidka".
Muuqaallada ay BBC-da xaqiijisay bishii Oktoobar waxaa lagu arkayay Abu Lulu oo dilaya dhowr la hayste isagoo haystay qoriga AK.
Ciidamada RSF ee joogay dhacdadaan ayaa markii dambe la arkayay iyagoo u dabaaldegaya falka uu sameeyay taliyahooda.

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
UK waxay ku eedeysay, Abu Lulu iyo Dagalo, Gedo Hamdan Ahmed iyo Tijani Ibrahim Moussa Mohamed, in ay geysteen fal "aad u xun" oo ay ku jiraan dil-wadareed, xadgudubyo galmo, iyo in ay bartilmaameed ka dhigteen rayidka. Raggan ayaa la saaray xayiraad safarka ah iyo mid hantiyeed.
"Maanta cunaqabteynta la saaray taliyayaasha RSF waxaa si toos ah loogu beegsanayaa kuwa gacmaha kula jira dhiigga, sidoo kalena waxaan gargaar la siinayaa kuwa u baahan" ayey tiri Cooper.
Cooper waxay sidoo kale ballanqaaday £21 milyan oo dheeraad ah si dadka loo siiyo cunto, hoyi iyo adeegyada kale ee caafimaadka.
Maalimihii xigay kaddib xasuuquu el-Fasher, waxa uu taliyaha RSF Janaraal Mohamed "Hemedti" Dagalo qirtay in ciidamadiisu ay galeen "xadgudub" isagoo sheegay in la baarayo dhacdadaas.
Dadkii loo xiray falkaas waxaa ku jiray Abu Lulu. Muuqaal si taxadar leh loo duubay kaas oo la soo dhigay barta Telegram ee RSF ayaa lagu arkay isagoo qol lagu xirayo kaas oo BBC-da cadeysay in uu ku yaalay bannaanka el-Fahar.
Taliyaha oo hore ugu jiray muuqaalada dacaayadda ee internetka la soo dhigay ayaa ilaa xarigiisa kaddib aan dib loo arag. Akoon Tik Tolk oo ay ku jireen howlaha uu qabtay ayey shirakdda bishii Okotoobar ka saartay kaddib markii BBC ay la xiriirtay si ay jawaab uga bixiso.
Tallaabada dowladda UK ayaa timid maalmo kaddib markii Mareykanka ay cunaqabteyn saareen shirkado iyo shaqsiyaad ay ku eedeeyeen in ay askartii hore ee Colombia geynayaan Sudan si ay halkaas uga dagaallamaan.
Wasaarada maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in boqolaal calooshood u shaqeystayaal u dhashay Colombia ay aadayeen Sudan ilaa iyo sanadkii hore ee 2024. Askarta ka soo jeeda Colombia ayaa qeyb ka ahaa ciidamada lugta iyo kuwa ku shaqeeya diyaaradaha Drones-ka.
Bishii la soo dhaafay, wuxuu madaxweyne Donlad Trump ballanqaaday "in uu wax ka qabanayo Sudan" isagoo garab taagan dalalka Masar, Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta. Wuxuuna bartiisa bulsho ku qoray in "Tacadiyo aad u xun" ay ka dhacayaan Sudan.













