Fanaaniin reer Liverpool ah oo ka qayb galay dagaal beeleed ka dhacay Soomaaliya

Xigashada Sawirka, Facebook
- Author, Daniel O'Donoghue
- Role, North West Investigations
Labo fanaan oo ka tirsan koox heesaha Raabka qaada oo Liverpool kasoo jeeda oo la arkayay iyagoo qoryo wata oo la socda ciidammo ku sugan Soomaaliya, xilli ay socdeen dagaal beeleedyo ka socday xuduudda, ayaa laga yaabaa in booliisku ay su'aalo weydiiyaan markii ay ku laabteen UK, sida ay ogaatay BBC-da.
Muwaadiniinta British-ka ah ee Cabdifitaax Gulaid oo 31 jir ah iyo Noah Ihiekwe oo 30 jir ah ayaa horaantii sanadkan u safray waqooyiga bari ee dalkaasi.
Labada nin, labaduba waxay ka soo jeedaan aagga Toxteth ee Liverpool, waxay soo saaraan muusig hoostooda magacyada Still Brickin' iyo Rayzer.
Muuqaalo ay heshay BBC-da, ayaa waxaa la maqlayaa Mr Gulaid oo u sheegaya ciidamo hubeysan: "Waqtigii hadalku wuu dhammaaday."
Lama oga inta ay le'eg tahay ku lug lahaanshaha raggan ciidamada, laakiin dowladda ayaa BBC u sheegtay in "qof kasta oo ka safraya UK oo u socdaalaya goobaha ay colaaduhu ka jiraan, si uu u galo falal aan sharci ahayn waa inuu filo in la baaro marka uu soo laabto".
Mr Guuleed ayaa ka soo jeeda beesha Warsangeli oo ay ka dhexeyso xiisad dagaal iyo dagaal ay kula jiraan beesha Isaaq.
Mr Guuleed iyo Ihiekwe oo labadooduba lagu arkay hoteel ku yaalla magaalada Badhan ee gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaan ka jawaabin mar ay BBC-du la xiriirtay.
Todobaad ka hor imaatinkooda Soomaaliya, BBC-da ayaa fahansan in iyaga iyo afar nin oo kale lagu xiray magaalada Phuket ee dalka Thailand, xilli ay ka dhaceen weerar daroogo.
Bilayska Thailand ayaa 23-kii January xoog ku galay guri dabaq ah oo lagu raaxaysto oo ku yaala degmada Ratsada abaaro 06:30 wakhtiga maxaliga ah ee January 23, waxaanay ka soo saareen 12 kiish oo xashiishad ah, oo miisaankeedu dhan yahay 6kg, iyo 39 taangiyada nitrous oxide ah, oo sidoo kale loo yaqaano gaasta qosolka.
Xashiishadu waxay sharci ka ahayd Thailand wakhtigaas isticmaalka shakhsi ahaaneed, laakiin iibinteeda leysan la'aan waa mamnuuc.
Raggan ayaa markii dambe la sii daayay iyadoo aan wax dambi ah lagu soo oogin.
BBC ayaa la xiriirtay maamulka Thailand si ay xog dheeraad ah uga hesho.

Xigashada Sawirka, Carrif Jama
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Falanqaynta fanaaniinta raabka ah ee iyaga laftooda baraha bulshada iyo goob-joogeyaal ah ayaa sheegaya in maalmihii xigay kiiskii maandooriyaha ee ay u safreen gobolka Sanaag ee waqooyi bari Soomaaliya.
Gobolkan ayaa waxaa wada sheegta jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taagga ka dib markii la afgambiyay kaligii taliyihii millatari ee Siyaad Barre sannadkii 1991-kii.
In kasta oo aanay Somaliland aqoonsanayn caalamka, haddana waxa ay leedahay nidaam siyaasadeed oo shaqeeya, hay'ado dawladeed, boolis iyo lacag u gaar ah.
Puntland waxay ku dhawaaqday inay iskeed isu taagtay bishii Agoosto 1998-kii, laakiin waxay kaga duwan tahay Somaliland, ma raadinayso in loo aqoonsado maamul madaxbannaan.
Waxaa muddo dheer ka jiray xiisad u dhaxeysa qabaa'ilka gobolka taas oo ay ugu wacan tahay tartanka kheyraadka iyo iibsashada jiilalkii hore.
'Waxay haysteen qoryo'.
La-taliyaha horumarinta caalamiga ah, oo dalka hawlo shaqo u joogta, ayaa sheegtay inay ku aragtay Huteelka Laasqoray ee magaalada Badhan horraantii bishii February fanaaniinta.
"Hudheelka waxaa ku sugnaa dad u badan rag ka soo jeeda deegaanka, Boosaaso, Waqooyiga Puntland iyo Muqdisho, marka labadan ka mid ah Ingiriiska ayagooku hadlaya ayaan maqlay" ayuu yiri lataliyaha.

Xigashada Sawirka, Provincial Police Region 8
Waxay intaas ku dartay: "Waxa aan dhawr jeer ku arkay hoolka hudheelka, waxay ahaayeen kuwo iska caadi ah, soo socda iyo sii socda, waxaanan ogaaday inay ku hadlayaan Ingiriisiga oo leh lahjad Scouse ah.
"Waxaan wada hadal kooban yeelanay markii ay maqleen aniga oo ku hadlaya luuqada English-ka, waxay ii sheegeen inay ka yimaadeen Liverpool, isla markaana ay ku raaxaysanayeen waqtigooda Soomaaliya, laakiin ma aysan sheegin sababta ay halkaas u joogaan".
Dabayaaqadii bishii January, waxa Hudheelkan lagu qabtay shir ay ka soo qayb galeen madaxda beesha Warsangeli, halkaas oo lagaga dhawaaqay olole lagu doonayo in magaalada Ceerigaabo lagala wareego Somaliland, taas oo muujinaysa in uu sii xoogaysanayo muranka dhuleed ee ka taagan gobolka.
La-taliyaha ayaa intaas ku daray: "Maqrib ka mid ah ayaan arkay iyaga, balse hadda ma aysan xirneyn dhar caadi ah, waxay xirnaayeen dharka dagaalka, waxayna wateen qoryo, anigu qoriga wax badan kama aqaano, laakiin waxay iila ekaayeen AK47.
"Waxay ka tageen hudheelka oo waxay ku biireen koox aad uga weyn oo dibadda ah kuwaas oo qoryahooda ay ku xiranaayeen baabuurta buudhigooda la adkeeyey.
"Wax yar ka dib waxa aan maqlay rasaas, qaar ka mid ah rasaasta ayaa ku dhacday dhismayaasha, maamulaha hoteelka ayaa ii sheegay in aan galo qolkayga oo aan xiro albaabkayga sababtoo ah maaha mid ammaan ah.
"Waxaan halkaas joogay saddex maalmood ilaa inta si nabad ah Badhan la iiga soo dhoofin karo oo Boosaaso la iigu soo wado si aan u raaco diyaarad dib ugu laabanaysa Nairobi."

Xigashada Sawirka, Laasqoray Hotel
Muuqaallada baraha bulshada oo ay BBC-du heshay, ayaa waxaa lagu arkayaa Mr Gulaid iyo Mr Ihiekwe oo iyaga oo ku labisan dareeska ciidanka ay wataan ciidamo, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay ka soo jeedaan maamul goboleedka Puntland.
Muuqaalladan oo ay duubeen warbaahinta gudaha, ayaa waxaa lagu arkayaa ciidamo wata gaadiid tikniko ah oo wata qoryaha darandooriga u dhaca.
Mid ka mid ah muuqaalada Mr Gulaid, oo la hadlayay ciidamada ku hadla afka Soomaaliga, ayaa yiri: "Ma jirto baahi dambe oo loo qabo hadal, way na arki doonaan.
"Waad ogtihiin waxa aan halkan u joogo, ma qarsanaayo, wakhtiga hadalku wuu dhamaaday."
Fiidiyow kale, wuxuu ku daray: "Waad ogtahay waxa aan ku saabsan nahay, waxaad arki doontaa birtayada dagaalka."
Xiligii fanaaniinta raabka ahi ay dalka joogeen waxaa socday dagaalo u dhaxeeya Puntland iyo Somaliland.
"In muddo ah ayay xiisad ka dhex aloosantay maamulka Somaliland iyo beelaha deegaanka ee wada dega gobolkaas, waxayna arrintan soo shaac baxday horaantii sanadkan," ayay tiri Dr Idil Cismaan oo ka tirsan jaamacadda Leicester.
Dr Idil Cismaan oo wax badan ka qortay arrimaha Soomaaliya ayaa tidhi: "Beelaha qaarkood ma rabaan inay Somaliland ka mid noqdaan, colaadduna waxay u muuqataa inay ka bilaabantay markii ay Somaliland ciidammo u dirtay qaybo ka mid ah gobolka, beesha Warsangeli way is hubaysay, colaad baa ka dhacday.
"Aniga waxaan u maleynayaa in ay wax isku dhaceen ka dib markii odayaasha beelaha ay soo dhex galeen, laakiin waa la xalin waayay, weli waxaa jira khilaaf siyaasadeed oo socda, laakiin dagaalku wuxuu u muuqdaa mid hadda joogsaday.
Mar la weydiiyay Dr Cismaan sababta Soomaalida Ingiriiska ku dhalatay ay dib ugu soo laaban karaan gobolka oo ay ku lug yeelan karaan colaadaha noocaan oo kale ah, waxay tiri: "Bulshada Soomaaliyeed waxay ka mid tahay bulshooyinka sida aadka ah xiriir dhow ula leh dalkooda hooyo, sidaas darteedna ay si dhow oo dhow ula socda dhaqdhaqaaqyada ka dhacaya dhulka.
"Markaa, siyaasadda qabiilka iyo colaadaha qabaa'ilka ayaa nasiib darro ah inay sidoo kale gaadhaan bulshooyinka qurbaha."
Su'aalo ay tahay in laga jawaabo'
Afhayeen u hadlay dawladda UK ayaa sheegay in qof kasta oo ka soo noqda ka qayb-qaadashada colaadaha dibadda "ay waajib ku tahay inuu filayo in boolisku baadhis ku sameeyo si loo ogaado inuu galay dembiyo iyo in kale.
Clive Walker, oo ah borofisar Emeritus wax ka dhiga Dugsiga Sharciga ee Jaamacadda Leeds, ayaa sharraxay dhibaatooyinka xagga dacwad-ku qaadidda kiisaskan oo kale.
"Ma heli doontid tallaabo rasmi ah sababo kala duwan awgood inta badan kiisaska, kiiskan runtii waxay ku xiran tahay meesha ay Soomaaliya ka joogeen iyo cidda ay ku lug lahaayeen.
"Waxay yaraynaysaa kulaylka dadkan haddii aanay Al-Shabaab ahayn, maadaama ururkaasi yahay urur xaaraan ah.
"Haddii aysan Al-shabaab ahayn markaas taasi waxay u badan tahay inay yarayso fursadaha ah in tallaabo rasmi ah laga qaado, laakiin waxay u badan tahay inay jiri doonaan su'aalo waxayna u badan tahay in lagu joojiyo meel kasta oo UK ay dib u soo galaan."
Mr Gulaid iyo Ihiekwe ayaa markii ugu dambeysay waxay ku sugnaayeen Dubai.













