Ilhaan Cumar oo wargayska the Guardian u sheegtay in "dil loogu hanjabay" ka dib weerarkii Trump

Ilhaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa ka digtay in Donald Trump weeraradiisa shaqsiyadeed ee soo noqnoqonaya iyo hadalada ka dhanka ah bini'aadanimada ay hurinayaan jawi kicin kara qalalaaso siyaasadeed oo keeni kara cawaaqib xumo.

Ayadoo hadlaysay maalmo ka dib markii madaxweynaha uu ku baaqay in dalka laga saaro, ayey Ilhan Cumar waxay sheegtay in luqadda kicinta ee Trump ay gaartay "meesha ugu xun ee qof bani'aadan ah uu gaaro" uuna dadka ku dhiirigeliyo inay ficil sameeyaan.

"Waxaa jira dad loo xiray inay ay iigu hanjabeen inay i dilayaan," ayay u sheegtay wargayska the Guardian iyadoo ku sugan xafiiskeeda Washington. "Waxaan haynaa dad lagu soo oogay dacwad ah inay iigu hanjabeen inay i dilayaan, waana wax maskaxdayada ku sii jira, laakiin waxaan sidoo kale ka walaacsanahay dadkaas inay helaan qof aniga ii eg oo jooga Minneapolis ama dalka oo dhan, ayagoo moodaya inaan aniga ahay oo ay waxyeello u geystaan" ayey tiri Ilhaan.

Trump ayaa hadalkan ka sheegay xaflad u eg isu soo bax todobaadkii hore, taasoo ka dhacday gobolka Pennsylvania, halkaas oo taageerayaashu ay ku dhawaaqayeen "dib u celi!" Kadib markii uu madaxwaynuhu dabada ka riixay aragti aan sal lahayn oo ah in Ilhaan Cumar oo Soomaali ah ay walaalkeed guursatay si ay dhalasho Maraykan ah u qaadato. Gabadhan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga, oo ku timid Mareykanka qaxoontinimo ayadoo da'deedu ahayd 12 jir ayaa noqotay muwaadin marki ay gaartay da'da 17 jirka ah, waxayna ku tilmaantay go'aanka Trump mid "wax xun" iyo "caafimaad xumo ah inay qof uga dhegtay".

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

Ilhaan oo ka tirsan aqalka koongareeska, kana soo gasha gobolka Minnesota ayaa sheegtay in weerarradu ay raaceen hab aan cusbayn. "Marka arrimuhu si fiican ugu socon waayaan isaga ... anaaniyad ayaa shaqaysa," ayay tiri, iyada oo ku eedaysay Trump inuu iska leexinayo guuldarradii uu ku waayay inuu wax ka qabto culayska dadka kak haysta nolosha. "Waa isla qorshihiisii, wuuna ku soo noqday; wax kale ma garanayo" ayey tiri Ilhaan.

Wareysiga oo sidoo kale qayb ka ahaa sayga Ilhaan Cumar, Tim Mynett, ayaa sheegay in hanjabaadaha aysan ahayn kuwa cusub. Intii lagu guda jiray muddo-xileedkii ugu horreeyay ee Trump, wuxuu soo qaaday in dowladda federaalku ay uga baahatay lammaanahan inay helaan lix qof ah oo amnigooda ka shaqeeya ka dib markii ay ogaadeen shirqool ka dhan ah iyada. "Tani maaha riwaayaddii ugu horreysay," ayuu yiri Mynett. "Laakiin waa wax laga xumaado in la arko in tani ay tahay meesha hogaamiyaha dalkeenu uu doonayo inuu u soo jeediyo indhaha qaranka."

Booliiska Capitol ee Maraykanka ayaa baaray 9,474 kiis oo ku saabsan hadallo iyo hanjabaad toos ah oo ka dhan ah xubnaha Congress-ka 2024, taasoo ah in ka badan laba jibaar wadarta guud ee 2017. Sare u kaca ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay jiraan weerarro isdaba joog ah oo lagu hoobtay, oo ay ku jiraan dilkii Melissa Hortman oo ka mid ahayd sharci dejiyeyaasha gobolka Minnestota iyo ninkeeda horaantii sanadkan.

Trump

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ilhaan ayaa ka hadashay ayadoo u warramaysa the Guardian xiriir toos ah oo ka dhexeeya waqtigii Trump ee xafiiska iyo rabshado siyaasadeed. Intii lagu guda jiray madaxtinimada Joe Biden, waxayna tiri, hanjabaadaha dilka ee ka dhanka ah ayada "waxay noqdeen kuwo ku dhawaad eber", ka hor intaysan mar kale soo kicin. 2019, ka dib markii Trump uu weeraray iyada iyo Dimuqraadiyiinta kale ee horumarka leh ee loo yaqaan "Squad", waxay heshay hanjabaad dil ah oo ka badan xubin kasta oo Congress ka ah.

Trump ayaa sidoo kale sare u qaaday ugaarsiga ka dhanka ah Soomaalida Mareykanka ah oo uu dhawaan ku tilmaamay "Qashin" halka Soomaaliyana ay tahay buu yiri dalka ugu xun adduunka. Ilhaan Cumar waxa uu ku eedeeyay in bulshada oo dhan ay ku canaanatay kiisas musuq-maasuq ah oo gooni-gooni ah, iyadoo xustay in inta badan Soomaalida Minnesota ay heystaan dhalashada Mareykanka, qaar badana ay ku dhasheen dalkaas.

Trump ayaa ku faanay inuu hakiyay socdaalka dadka ka imaanaya ''meelo cadaab u ek sida Afghanistan, Haiti, Soomaaliya iyo dalal kale oo badan.''

''Anigu ma oran 'kuwo xun' idinkaa yiri'' Trump ayaa yiri ka dib markii mid ka mid ah taageerayaashiisa uu ku qayliyay ereygaas, iyada oo horay Trump uu ugu qeexay dalalka Afrikaanka intii lagu guda jiray muddo xileedkiisii koowaad.

Ilhaan Cumar, oo Mareykanka iyadoo yar tagtay sanadkii 1995-tii ayay dhowr jeer erayo is dhaafsadeen Trump.

Trump ayaa sidoo kale mar kale ku celiyay in Ilhaan ay "si sharci-darro ah u guursatay walaalkeed."

"Waxay guursatay walaalkeed, si ay dalka usoo gasho, sax?" Ayuu yiri.

Ma aha markii ugu horreysay ee uu Trump sheego in Ilhaan Cumar ay guursatay walaalkeed. Sheegashadan ah inay si sharci darro ah u guursatay walaalkeed si ay u hesho dhalasho Maraykan ah ayaa markii ugu horreysay ka soo shaacbaxday mareegayaasha muxaafidka ah sannadkii 2016, markaas oo ay u tartamaysay xildhibaanka gobolka Minnesota.

Isla sanadkaas, Ilhaan ayaa ku tilmaantay "xan aan sal iyo raad toona lahayn" oo ah "gabi ahaanba been iyo wax lagu qoslo." Tan iyo markaas way sii wadday inay beeniso sheegashada.