Waa kuwee 10ka qoys ee caalamka ugu taajirsan? Hantida Qoyska xukuma Sacuudiga oo aad u korotay.

Qoyska Aala Sacuud

Xigashada Sawirka, Getty Images

Warbaahinta Mareykanka ee Bloomberg ayaa soo saartay liiska 25-ta qoys ee ugu taajirsanaa adduunka sanadka 2025, waxaana sanadkan mar kale, qoyska Walton, oo ah milkiilaha suuqa weyn ee Walmart ay ka muuqdaan meesha ugu sarreysa liiska.

Sannadkii hore, guud ahaan hantida qoysaska waxa ay ahayd $432 bilyan, taas oo sanadkan ay ku korortay $81bilyan oo doolar.

Waxaa dhanka kale sanadkan si weyn u korartay hantida qoska boqortooyada Sacuudiga, Aala Sacuud, iyada oo qoyska hadda ay soo galeen kaalinta saddexaad ee liiska ay diyaarisay Bloomberg, iyada oo ay xusid mudan tahay in qoyskaasi uu ku jiray kaalinta Lixaad ee liiska sanadkii hore.

Ma aha oo kaliya taas, balse saddex ka mid ah shanta qoys ee ugu taajirsan liiskan adduunka waxay ka yimaadeen adduunka Carabta.

Intaas waxaa dheer, qoyska Ambani ee hindiya oo kaalinta siddeedaad kaga jira liiskan.

Liiska sidoo kale waxaa ku jira magacyada qoysas kale. Qodobkan, waxaan ku baran doonaa 10-ka qoys ee ugu horeeyay liiska, hantida ay leeyihiin iyo waxa sirta u ah taajirnimadooda.

1) Qoyska Walton

Alice Walton, gabadha aasaasaha Wal-Mart Sam Walton

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoyska Walton waxa uu leeyahay qiyaastii 44% dukaamada silsiladda Wal-Mart, waxaana suuqa weyn uu u yahay sababta ugu weyn ee hantidooda.

Walmart wuxuu leeyahay 10,750 bakhaar oo adduunka oo dhan ah, wuxuuna u adeegaa 270 milyan oo macaamiil ah toddobaadkii.

Sam Walton, aas-aasaha Walmart, si caqli badan ayuu hantidiisa ugu qaybiyey dhammaan carruurtiisa si qoyska u sii haysto ganacsiga xooga leh.

Sida Bloomberg tabisay, sababta ugu weyn ee koritaanka Walmart waa in ay ilaalisay hantideeda oo ay samaysay heshiisyo ganacsi oo aan dhimin hantideeda.

Fadlan halkan riix oo ku soo biir janalka WhatsApp ee BBC Somali si aad u hesho wararkii ugu dambeeyey ee caalamka, iyo kuwa gobolka

2) Qoyska Al Nahyan

Xaakimka Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ganacsiga saliidda ayaa ah isha hantida qoyska Al Nahyan, qoyska xukuma Imaaraadka Carabta. Hogaamiyaha Abu Dhabi, Sheekh Mohammed bin Zayed Al Nahyan, sidoo kale waa madaxweynaha Imaaraadka Carabta.

3) Qoyska Aala Sacuud

Dhaxal sugaha Sucuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ganacsi: Saliid, Warshado

Guud ahaan hantida: $213 bilyan

Dalka: Sacuudi Carabiya

Hantida qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa sanadkan si weyn u korartay marka loo eego sanadkii hore. Sida ku cad liiska Bloomberg sanadkii hore, qoyska wuxuu lahaa hanti dhan $140 bilyan, taas oo sanadkan ay ku korortay $73 bilyan.

Hantida qoyska boqortooyada ayaa asal ahaan ku saleysan ganacsiga saliidda. Bloomberg waxa ay qiyaastay hantida qoyska iyadoo lagu saleynayo lacagaha la siiyay xubnaha qoyska ee ka yimid khasnadda boqortooyada muddo 50 sano ah.

Hantida boqortooyada ee ka badan bilyan waxa ay si gaar ah gacanta ugu jiraan dhaxal sugaha Amiir Maxamed bin Salmaan.

4) Qoyska Al Thani

Tamim Bin Hamad Althani

Xigashada Sawirka, Getty Images

Ganacsi: Saliid, Warshado

Guud ahaan hantida: $199 bilyan

Dalka: Qadar

Danaha qoyska xukuma ee Al Thani ee Qadar waxa ay la xiriiraan ganacsiga saliidda iyo gaaska. Ku dhowaad dhammaan xubnaha qoyska waxay haystaan xilal siyaasadeed oo sare oo dawladda ka tirsan waxayna maamulaan warshado qaybaha kala duwan.

Qoyskani waa mid aad u ballaaran, laakiin dalka waxaa xukumaya dhowr laamood oo ka tirsan qoyska.

5) Qoyska Eghmez

Madaxa fulinta Egmez, Axel Domus

Xigashada Sawirka, Getty Images

Magaca shirkadda: Egmiz

Guud ahaan hantida: $184 bilyan

Dalka: Faransiiska

Egmez waa mid ka mid ah shirkadaha dharka moodalka (fashion) ugu waaweyn adduunka, hadda, qiyaastii 100 qof oo ka tirsan jiilka lixaad ee qoyska milkiilaha ayaa maamula ganacsiga.

Maamulaha Guud ee shirkadda waa Axel Domus.

6) Qoyska Cook

Waxaa dhaxlay afarta walaalaha ee kala ah, Frederick, Charles, David, iyo William Cook, iyaga oo ka dhaxlay aabahood Fred Cook

Xigashada Sawirka, X

Magaca shirkadda: Coke Industries

Guud ahaan hantida: $150 bilyan

Dalka: USA

Shirkadda saliidda ayaa waxaa dhaxlay afarta walaalaha ee kala ah, Frederick, Charles, David, iyo William Cook, iyaga oo ka dhaxlay aabahood Fred Cook, laakiin khilaaf awgeed, kaliya Charles iyo David ayaa ku sii jiray ganacsiga.

Qoyska hadda wuxuu leeyahay ganacsiyo badan oo ay ka mid yihiin shirkado ku lug leh saliidda, tamarta, kiimikooyinka, macdanta, maaliyadda, ganacsiga, iyo maalgashiga.

7) Qoyska Mars

Waxa ay caan ku tahay Mars soo saarista shukulaatada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Magaca shirkadda: Mars, Inc.

Guud ahaan hantida: $143 bilyan

Dalka: Maraykanka

Sababta ugu weyn ee Mars caan u tahay waa alaabta shukulaatada ee aan badanaa ka helno. Alaabtan waxaa ka mid ah M&Ms, Milky Way, iyo Snickers.

Si kastaba ha noqotee, in ka badan kala bar faa'iidada shirkadda waxay ka timaadaa xoolaha guri joogta

8) Qoyska Ambani

Mukesh Ambani (midig) iyo wiilkiisa Anant Ambani

Xigashada Sawirka, X

Magaca shirkadda: Reliance Industries

Guud ahaan hantida: $105 bilyan

Dalka: Hindiya

Mukesh Ambani wuxuu maamulaa warshadda saliidda ugu weyn adduunka. Wuxuu ku nool yahay dhismo qaab qasri ah u dhisan oo 27 dabaq ah, kaas oo sidoo kale loo arko dhismaha guryaha ugu qaalisan adduunka.

Isaga iyo walaalkiis ayaa ka dhaxlay ganacsigan aabhood.

Sanadka 2024, arooska qaaliga ee wiilka Mukesh Ambani, Anant Ambani ayaa madaxyo caalami ah ka soo qayb galeen, waxaana xafladaha ka qeybgalay aasaasaha Facebook Mark Zuckerberg, gabadha madaxweyne Donald Trump, Ivanka Trump, iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates.

9) Qoyska Wertheimer

Sirta hantida Alain iyo Gerard Wertheimer waa shirkadda dharka moodalka ee Coco Chanel

Xigashada Sawirka, Getty Images

Magaca shirkadda: Chanel

Guud ahaan hanti: $85 bilyan

Dalka: Faransiiska

Sirta hantida Alain iyo Gerard Wertheimer waa shirkadda dharka moodalka ee Coco Chanel, oo uu ku aasaasay awoowgood Paris 1920-meeyadii.

Qoyska ma laha oo kaliya shirkad moodal, balse sidoo kale waxay leeyihiin fardaha tartanka ugu qaalisan iyo soo saarista khamriga.

Hantida qoyska ayaa hoos u dhacday $3 bilyan marka loo eego sanadkii hore. Sida ku cad warbixinta Bloomberg, hantidooda guud sanadkii hore waxa ay ahayd $88 bilyan, laakiin weli waxaa u uku jiraa qoyskaasi kaalinta sagaalaad ee kala sareynta qoysaska ugu hantida badan caalamka.

10) Qoyska Thompson

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Shirkad: Thomson Reuters

Guud ahaan hanti: $82 bilyan

Dalka: Canada

Qoyska Thomson wuxuu leeyahay 70% shirkadda Thomson Reuters. Albaabada hantida ayaa u furmay qoyska ugu taajirsan Canada 1930-meeyadii markii Roy Thomson uu furay xarunta idaacadii ugu horeeyay ee Ontario.

Sida qoyska Wertheimer, hantida qoyska ayaa sidoo kale hoos u dhacday marka loo eego sanadkii hore. Sida ku cad warbixinta Bloomberg, hantidooda guud sanadkii hore waxay ahayd $87 bilyan, laakiin sida sanadkii hore, qoyska ayaa weli ku jira kaalinta tobnaad liiska.